Home » Aragtida Dadweynaha » 2 Sano Kadib, M/weyne Farmaajo Ballanqaadkiisii Aan Miro Dhalin & Mahadhooyinka Laga Dhexlay!

2 Sano Kadib, M/weyne Farmaajo Ballanqaadkiisii Aan Miro Dhalin & Mahadhooyinka Laga Dhexlay!

Tartankii loo galay xilka madaxtinnimada Soomaaliya 8 Feberaayo 2017 waxaa ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Intii lagu jiray ololaha doorashada wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in uu dalka ka hirgeliyo isbeddel siyaasadeed, mid amni iyo mid maamul intaba.

Khudbadii uu ka hor jeediyay golayaasha baarlamaanka oo socotay muddo nusu-saace ku dhaw, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono arrimo dhowr ah oo uu sheegay in ay dalka ragaadiyeen, markii mid mid loo dul istaagana dhammaan ballamahaas waxba kama uusan fulin Madaxweyne Farmaajo ilaa iyo maanta oo uu ku labo sano jirsaday Villa Soomaaliya. Hadii la tilmaamo ballamahaas ama tirsi loo sameeyo waxaa laga xusi karaa:

1. In uu ciribtirayo Al-shabaab kuna baacsan doono goobahooda ee mar danbe aysan shacabka iyo dowlada ku soo weerari doonin gudaha magaalada Mogadishu. Nasiib daro in uu ciribtiro iska daaye ilaa maanta goobta dagaalku waa magaalada Muqdisho iyo wadada hormarta Madaxtooyada.

  1. In qofkii gaari qarax ah soo sheega uu $100,000 (boqol kun oo dollar) siinayo. Hadii uu qofkaasi rabana u dhoofinayo dalka uu codsado.
  1. In dadka ay dilaan Al-shabaab uu mag dhaw ka bixinayo. Agoontii ay ka tageena uu daryeelayo. Dhismayaasha ay qarxiyaan ay dowladiisu dib u dhisayso.
  1. In warbaahinta la adeegsado oo la hawlgeliyo, culimadana ay si sax ah u fasiraan diinta si loola diriro loona ciribtiro fikirka xagjirnimada ah.
  1. In uu billaabi doono dib u heshiisiinta isagoo sheegay in uu noqon doono “Nabaddoon” ee aanu noqon doonin “Madaxweyne” keliya.
  1. In uu dhamaystiri doono wada hadalladii dowladii hore la bilowday Somaliland wax alle wixii ay tabanayaanna si daacad ah ugala xaajoonayo. Taasna waxa uu ku bedelay cuna qabateyn iyo in uu sii fogeeyo xal u helida arrimaha Somaliland.
  1. In uu la dagaalami doono musuqmaasuqa. Qof kasta oo hantida qaranka ku takri falana “xabsi dheer loo diri doono”. Haddaba waa sidee maanta heerka musuqmaasuqa maamulka Madaxweyne Farmaajo; laaluushida inta badan dhallinyarada Soomaaliyeed, laaluushida Warbaahinta maxaliga iyo mida caalamiga ah, laaluushida qaar ka mid ah culimada Somaaliyeed, laaluushida qaar ka mid ah hoggaankii dhaqanka Soomaaliyeed, laaluushida baarlamaanka federaalka Soomaaliya, laaluushida barlamaanada dowlad goboleedyada, laaluushida barakacayaasha si intaas oo dhan taageeradooda loogu qariyo musuqmaasuqa xididaystay ee Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ka gashay labadii sano ee lasoo dhaafay. Sida ku cad waxbixinta Ururka Caalamiga ee Shafaafiyada iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.
  1. In uu noqonayo Madaxweyne ku shaqeeya rabitaanka dadka ilaaliyana sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed. Intii uu fulin lahaa ballankaas waxa uu astaan u noqday madaxweyne Farmaajo in uu ka soo horjeesto wax kasta oo ay shacabku doonayeen ha ahaado nidaam siyaasadeedkii umaddu ku heshiisay, dastuurkii dalka, xoriyadii iyo karamaadii qofka Soomaaliga ah sida dhibane Cabdikariim Qalbi Dhagax oo uu dharaar cad ka qaaday karaamadii dastuurku siiyay, tiisii Soomaalinimo iyo tii diinta Islaamka.
  1. In uu noqonayo Madaxweyne wadani ah oo shiseeyaha rabitaankooda diida, dowladaha dariskana cadow u yaqaana, dalka iyo dadkana ka ilaalinayo faragelinta quwadaha shisheeye. Bal adiguba maanta miisaanka saar Madaxweyne Farmaajo markii dekadihii dalka u gacan geliyay dowlado shisheeye, uuna diiday in uu saxiixo xeerkii golayaasha barlamaanka ay meelmariyeen ee shirkada Dubai Port World “DP World” dalka looga macnuucay. Sidoo kalena dowlada Itoobiya u saxiixay afar dekadood oo dalka ah. Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti na cadowga u loogay kalana saftay Kaligii Taliyaha Eretareeya Isaias Afwerki.
  1. Sidoo kale markii Madaxweynuhu ballan qaadayay arimahaan wuxuu yiri: “Siyaasaddu waa xal raadin ee khiyaano maahan, siyaasadu been ma’aha, siyaasadu ballan ka bax ma’aha. Aduunkana kama jirto, diinta islaamkana ma qabto inaad qof been u sheegto, ceeb waaye.” Markii sidaas uu lahaa intaas lidkeeda ayaa u qorsheysnayd markii loo fiiriyo labadii sano ee uu xilka hayay.

Kasakow in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay meelmarinta qoddobada aan kor kusoo sheegay. Hadana waxaa jira MAHADHOOYINKA baal madow taariikhda Soomaaliya ka galay oo Madaxweyne Farmaajo ku tilaabsaday mudadii labada sanno ahayd ee uu xilka hayay, waxaana ka mid ah:

  1. In uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee aan ka tacsiyayn gumaadka joogtada ah ee kooxaha xagjirka ah u gaystaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho. Halka daqiiqado gudaheed tacsi tuuryo ah uu kala dul dhaco dhacdooyinka argagaxisadu ka geystaan qaaradaha aduunka oo qaarkood 90% ay ka hooseeyaan kuwa ka dhacay Soomaaliya ee uu ka aamusay marka loo eego dhanka khasaaraha!
  1. Madaxweynuhu wuxuu kala diray ciidamadii Xooga iyo kuwii Nabad Sugida isagoo mudadaas labada sano gudaheed ah badalay Taliyihii sadexaad ee Ciidanka Dalka Soomaaliyeed. Taliyihii sadexaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliyihii sadexaad ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyihii labaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Taas oo ujeedada looga golleeyahay ay tahay in uusan dhismin ciidan Soomaaliyeed oo hanta mas’uuliyada amni iyo tan difaac ee dalka. Sidoo kale waxaa hakad galay dhismaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo xoraynta deegaanada cadowgu heysto.
  1. Madaxweynuhu wuxuu si xeeladeysan uga tanaasulay dacwadii badda ee hortaalay Maxkamadda Calaamiga ee Hague. Sida laga soo xigtay Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya oo sheegtay in madaxda dowlada Soomaaliya ay kala hadleen sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa muranka badda ee labada wadan u dhaxeeya. Taas oo ah khiyaano qaran iyo qaran dumisnimo.
  1. Madaxweynuhu wuxuu amray in Xukuumadu la soo gasho dowlado shisheeye iyo shirkado ajnabi ah heshiisyo lagu xaalufinayo kheyraadka bada iyo kuwa lagu xaraashayo batroolka iyo macdanta beriga taala ee Eebe ku mannaystay dalkeena, isaga oo aan wax ogolaansho ah ka helin Baarlamaanka Federaalka Sooomaaliya.
  1. Madaxweynuhu wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Golaha Shacabka oo ah hay’adda ku shaqada leh la xisaabtanka iyo korjoortaynta hay’adaha dowlada taas oo sababtay in ay istaagaan dhammaan shaqooyinka guddiyda Golaha Shacabka kadib markii xilka laga tuuray gudoomiyihii Golaha Shacabka isla markaana la kala diray gudoonkii Gudiga Maaliyada ka dib markii ay ku soo eedeeyeen Xukuumada daahfurnaan la’aan maaliyadeed iyo musuqmaasuq baahsan oo ka jira hay’adaha dowlada.
  1. Madaxweynuhu wuxuu khilaaf ka dhex abuuray Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare kadib markii waraaq uu qoray khilaaf ka dhex dhalisay labada gole, taasoo sababtay in ay joojiyaan xariirkii wada shaqeyn ee ka dhaxeeyay. Khilaafkaas wuxuu hakad geliyay meelmarinta shuruuc muhiim u ah dowladnimada oo labada gole horyaalla.
  1. Madaxweynuhu wuxuu dagaal aan loo meeldayin ku qaaday dowlad goboleedyada taasoo sababtay in ay istaagaan dhamaan mashaariicdii horumarineed ee ka socotay deegaanada dowlad goboleedyada iyo baahinta iyo daadajinta maamulka heer gobol, heer degmo iyo heer tuulo. Sidoo kale wuxuu abaabulay xasarado siyaasadeed iyo kuwa amni oo ku dhisan qabyaalad, kala qaybin iyo kooxaysi oo lagu duminayo dowlad goboleedyada sida Jubaland iyo Galmudug.
  1. Madaxweynuhu wuxuu faragelin ku sameeyay doorashooyinka dowlad goboleedyada si uu u dhisto maamulo tabar yar oo aan ka turjumayn rabitaanka shacabka deegaanadooda laakiin wakiil uga noqda Villa Soomaaliya meelmarinta dano shaqsiyadeed oo aad u hooseeya.
  1. Madaxweynuhu wuxuu si aan ganbasho lahayn u beegsaday Xisbiyada siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya iyada oo lagula kaco falal isugu jira dil, cabburin, xarig, xannibaad iyo magac dilid. Taasoo xadgudub ku ah xorriyada hadalka, dimuquraadiyadda iyo sareynta sharciga ee dastuurkeenu kafaalo qaaday.

Ugu danbeyntii gunaanadka hadalkeyga waxaan kula talinayaa Madaxweynaha in uu ka faa’iideysto mudada kooban ee maamulkiisa u hartay. Furana gogol dib-u-heshiineed oo gogol xaar u noqotada dhamaynta khilaafaadka Villa Soomaaliya kala dhaxeeya golayaasha barlamaanka, dowlad goboleedyada, siyaasiinta iyo qaybaha kale ee bulshada, si looga miro dhaliyo howlaha baaxadda leh ee horyaala maamulkiisa mudada labada sano ah ee hartay.

W/Q: Xildhibaan Mahad Salaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: