1838 kii ayaa Ceelka Hargeisa lagu Caleemo Saaray Suldaan Diiriye Suldaan Hassan Suldaan Farah..

TAARIIKH

1838 kii ayaa Ceelka Hargeisa lagu Caleemo Saaray Suldaan Diiriye Suldaan Hassan Suldaan Farah..

W/Q Abdulrahman Hassan Haji Adan
posted by: Webmaster

Bilawgii Qarnigii 18 aad ilaa 19 aad oo ku beegnaa xilliyadii Gubanka laga soo baxay ee Dhul riixaa uu socday, ahaydna xilliyaday baxday ,, Colka Wadhaf ma lagu dayey,, Cidda la riixaayey iyo sida Safka Frontkana loo kala horeeyeyna ay ilaa hadda ay ku suntan tahay Deegaankeena Maanta ilaa Deegaanka Maamul Gobaleedka Ethiopia.

Beelo Hawd ay u faquuqday kuwa Galbeed iyo Xeebta la raacay iyo kuwa dhankaa iyo Buuraleydaa Geel loo Kor iyo Hawd ay u saartay oo ilaa hadda Qarnigii kow iyo labaatanaad lagu jiro oo sidii aynu u kala deganahay. Midhkaas oo aan marag uga dhigaayo, Sidii Dhulka loo fidiyey Qarniyadaa ee la maray jiidaa xidhiidhsan Berbera ilaa aaggaa Dooxooyinkaa Meygaagaha ee dhul Biyo iyo Baad laysla helay ayaa salka loo dhigay, intii muddo ahaydna ku sinayd ilaa Badhtamihii 1850 gii.

Sida Xoogga Ciidan iyo Taliskeedu u dhisnaa ayaa Hoggaanka Dhaqanka ee Sare oo Hoggaankii Culimaduna ay barbar taagnaayeen. Dooxaa Hadda ee Hargeisa ayaa laga dhigay Saldhigii Kowaad ee Quwadaha Isaaq ay ku nagaadeen. Ugu horayn waa in la xasuusnaada in Ceelka Hargeisa lagu degay Cudud iyo Waran caaradiis, lagana riixay Dad iyo Bulsho ku dhaqneyd. Taasi awgeed ha laga gudbo Sheekooyinka diciifka ah ee soo noqnoqday isla markaana tilmaamaaya Biyo Weyso ku jira oo lagu shubay iyo Xerta ayaa heshay Ceelka Hargeisa iyo Nawaaxigeeda. Xeri waa dad u baahan ilaalin iyo gacan ku hayn goor walba. Waxa xusid mudan in Ceelka Hargeisa lagu caleemo saaray Suldaan Diiriye Suldaan Hassan 1838, halka Sheekh Madar iyo Culimaday wada socdeen yimaadeen Ceelki sannad ka dib imitaankii Engiriiska oo ku beegneyd 1886.

Waxa Suldaan Diiriye Muddo yar ka bacdi u magacaabey Sheekh Madar Sheekha Jameeco weyn, iyada oo Magaaladu ka aasaasantay Jameecada, New Hargeisa iyo Sekadda Liira. Waxa xigay in Suldaanku si gaar ah u soo dhaweeyey Sh. Madar, maadama aan Deegaanka Tolkii joogin,sida dhaqankeenu wacan ku xusan Marti gelintu, taasi oo keentay in Suldaanka iyo Sheekha ay dhex maraan guur iyo xididnimo, sababtay in uu sheekhu culimada inteedii kale ka mudh baxo iyada oo lagu qadarinaayeyQoyska Saldanada.

Xilligaa Madaxa Hoggaan Dhaqmeedka Beelaha Isaaq oo ahaa Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi, waxa isna ahaa Madaxa Culimada Sheekh Cali Sheekh Magan ( Sheekh Ali Dhabar Law ) .

Taariikhdan aan kor xusay iyo Maamulkaa Beeluhu ay lahaayeen ee xilligii shaqaynaayey waxan Marjac iyo Xasuus dhig u ah Buuga 1985 kii uu qoray Dr. Sheikh Sultaan Mohamed Al Qasimi Sheekha Shaariqa e Isu Tagga Imaaradka ee Magaciisu yahay ,, Risaalaad Sucamaa Somaal ilaa Sheikh Sultaan Saqar Al Qasami,, Sannadkii 1837. Rasaailkii ay is waydaarsadeen Caailldda Al Qaasimi iyo Sultaan Faarax Suldaan Guleed ee Beesha Cidagale iyo Xulafadeeda,, . Xidhiidhkaa oo nuxurkiisu, sida wadajir ay uga hor tegi lahaayeen Gumeysiga Ingiriiska ee labada Dal iyo Shacabkooda gacanta ku dhigay.

Sheekh Cali oo ahaa Qoraaga Buugan oo gacantiisa ku qoray iyo dhammaan Jawaabihi Qoyskii Al Qaasimi waxa laga helaa Dubai Distribution oo ka mid ah Maktabadaha UAE iyo Matxafka Duwaliga ah ee Sheekh Sultaan ee Shaariqa. Sheekh Cali waxa u suurto gashay in uu ahaa Sheekhii la soo wada shaqeeyey Suldaan Farah, Suldaan Hassan iyo Suldaan Diiriye oo muddadii ugu dheerayd ahaa Suldaankii Guud ee Beelaha Isaaq.

Muddo dheer oo la deganaa kabaabiga barta Ceelka Hargeisa laga qoday, Korna aan loo dhaafin, kuna beegneyd xilliyadii dagaalkii kowaad ee Dunida ayey mar kale, kor iyo Hawd Beeluhu u ruqaansatay, Qorshuhuna ahaa sidii loo adkayn lahaa nabadda iyo lahaanshaha Dhulka iyada oo sidiina ay u socoto Durugsigii.
Hargeisa intaan la magaaleyn ee aan Cariishka laga dhisan, Muddo ayaa subaxiina Geela laga waraabinaayey, Barqadiina lagu caano dhamaayey, Fiidkana lalabaha iyo difaaca loogu jiray, waa xilligaas Suldaan Diiriye la shaqeynaayey Sheekh Haaruun Sheekh Ali.

Taariikh Nololeedkii Sheekh Haruun Sheekh Ali Sheekh Magan oo kooban:
Haruun oo ahaa wiilka keliya ee Sheekh Cali dhalay, kuna soo barbaaray Hoy Cilmi Diineed, waxa uu Furas u heli in uu Cilmi u doontay Dalalka Ethiopia, Magaalada Herer iyo Dalka Masar Hoyga Culuumul Islaam ee Alazhar. Dabayaaqadii Dagaalkii kowaad ee dalka dib ugu soo laabtay. Wuxu halkaa Sheekh Haruun uu ka bilaabay sidii Waxbarashada Diinta iyo Malaacaamado loo dhisay, waxana uu isla wakhtigaa uu sameeyey Malcaamaddii ugu horeysay oo cariish ahayd waana barta imika uu ku yaalo Masjid Al Nakhiil ee badhtamaha Hargeisa. Furaska Sheekh Haruun u fududeeyey in uu Barashada Diinta dalka Somaliland uu gaadhsiiyo ilaa deegaana da Kale ee Somaalidu degto waxa ka mid haa:
• Dooxooyinka Biyaha iyo Baadka ee duleedka Ceelasha Hargeisa.
• Intaan dhismaha Hargeisa samaysmin in Malcaamadaha oo Waabab ah la sameeyey.
• Nabadda dadka iyo xoolahooda oo la adkeeyey.
• Saldanada Beesha iyo Culimada oo isku dhisnaa, Gogol keliyana wada fadhiyey oo kuna Maamulaayey Diinta iyo Shareecadda Islaamka.
• Waxa iyana Hibo Alle iyo Deeq Alle ahayd Sheekh Haruun oo Illaahay siiyey lix wiil oo dhammaan Culimo Diini ah noqday oo kale ahaa:
Sheekh Mohamoud, Sheekh Musa, Sheekh Hussein, Sheekh Guure, Sheekh Abdi iyo Sheekh Adan oo dhammaan noqday Macalimiin iyo Ducaatul Culuumudiin.
Sheekh Haruun waxay isku Wakhti ahaayeen Suldaan Diiriye iyo Suldaan Abdiiahi.

Xilligii Sheekh Madar Ahmed:
Sheekh Madar waxa Hargeisa soo dejiyey Suldaan Diiriye iyo Sheekh Haruun oo Xaruntoodu ay ahayd Beertii Suldaanka iyo Xaafadda Jameecada, Sheekh Madar oo xilliyadaa ka soo guuray Ethiopia isaga iyo Xertiisi.
Sheekh Madar intu noolaa waxay isa soo gaadhaan Suldaan Diiriye iyo Sheekh Haruun iyo inankiisii Curad Sheekh Mohamoud. Wakhtigaas Culimadu waxay ahaayeen ul iyo Diir ku walaaloobay Diinta iyo Shareecadda Islaamka.
Fiiro Iyo Gudbin Gaar ah:

Sidan kor ku cadeeyey Aasaaska Hargeisa iyo Wakhtigii la magaaleeyey way ka horeysay Imaatinka Sheekh Madar, waxanan Marjac iyo Xaqiijin uga dhigay:

1) Iyada oo aan Asaaska Magaalda Hargeisa ugu abtiriyey saddexda Suldaan ee is dhalay Farah, Hassan iyo Suldaan Diiriye oo ku dhawaad Qarni iyo Badh hayey Xilka Suldaanimo ee Beesha.
2) Labada sheekh ee is dhalay Ali iyo Sheekh Haruun iyana muddadaa taxneyd ahayd Culimada Dalka Hormoodkoodii.
3)Buugga uu qoray Dr. Sheikh Suldaan Bin Mohamed Al Qasimi.

4) Kutub uu lahaa Sheekh Ali iyo kuwa uu qoray oo yaala Maktabadda Weyn ee Jaamacatal Azhar ee Duuqi ku Taal ( Cairo ).
5) Illaahay Cimriga haw raajee waxa ina dhex fadhiya Diwaanka Qarniga Al Haj Abdi Karim Hussein oo la soo shaqeeyey Suldaan Diiriye, Suldaan Abdillahi, Sheekh Haruun, Sheekh Mohamoud, Chief Aqil Jambiir Kahin Suldaan Hassan, Suldaan Rashid, Suldaan Abdikadir, Suldaan Mohamed iyo Dhammaan Golaha Cuqaasha ee Beesha ilaa yawmanaa haada.

Hadaba haddii aan dib ugu noqdo Dulucda Maqaalkan oo aan Raad raacisu yahay Mawduucii ,, Bilowgii Degitaanka Hargeisa,, ee Hadhwanaag News uu u soo gudbiyey inanka Cali Cabdi Coomay 11 kii December, waxan kugu wargelinayaa sida kooban ee Taariikhda Hargeisa aan u taatabtay, waxan ka saaraayey Muhmilka iyo Madmadawga ad gelaysay ama baryahanba socotay ee Taariikhdii Sheekh Madar la geliyey, si ka fog oo baal marsan Karamkii iyo Ixtiraamkii uu Sheekhu inagu lahaa. Sidan kor ku muujiyey Sheekh Madar waxan tilmaamay goortu Sheekhu Dalka yimid, Salaadiintii iyo Culumadii ka horeeyey ee aanu nolol ku soo gaadhin iyo Kuwu soo gaadhay ee wadajir ay u soo wada shaqeysiiyeen. Waxan Malafka Taariikhda Hargeisa, Marjaceedii aan ku xusay in Haji Abdi karim Hussein Xayun yurzaq inoo nool yahay. Sheekh Madar waxa Tiir iyo Rukumo u ahaa Salaadiinta iyo Culimadaas. Sheekh Madar na waxa uu ka mid raggaas Ususka iyo Aaasaaka u ahaa My Town Hargeisa, Illaahayna dhamaantood ha ka abaal mariyo.
Cali Cabdi aniga oo kugu tixgelinaaya Taariikhda inta aad ka haysato, waxan ku weydiin lahaa, saddexda shay ee Hargeisa looga duceeyey sidad sheegtay, horta afar ayey ahaayeen oo waxa afar ku ahaa Qodaxda. Afar Caalim oo Sheekh Madar ka mid ahaa ayaa Ninba Shay gaar u qaatay, aan ku weydiiyee Bal Afarta Caalim ee hor Illaahay u walaaloobay bal magacyadooda noo sheeg iyo Sheekh waliba tuu Alla Berigeeda, khaas ahaan u lahaaa?
Talo iyo Digniin:

Cali Cabdaw Adiga, Ehelka u dhashay Hargeisa iyo Culimada Maanta ee Dalka gaar ahaan kuwa Ehelka u ah Hargeisa aan farayaa, Taariikhda Sheekhunaa Sheekh Madar iyo Dhaxalka uu inooga tegay, Buug baa la qoray iyo Hebelba wax ka qoray ma muujinayso Kaalintu ku lahaa, Culimadii Dalka ee ay isa soo gaadheen. Saddexda Caalin oo laba ay nolol isku soo gaadheen oo kala ah Haruun iyo Sheekh Madar iyo Sheekh Yussuf Alkawneyn, mid ama shay ayey ku kala dawanaayeen!!!

Muxibadii dadkoodu u qaadeen waxa dhacday kolkay geeriyoodeen in Saddexda loo dhisay Qudbiyo iyo dhismoyaal aan Diinta iyo Shareecaduba aanay banaaneyn!!! Waxana sababay Muxibo iyo Jibo aan Xad lahayn iyo Aqoonta Diinta oo inagu yareyd. Laba qudbi way hirgaleen oo ilaa maanta oo muddo dheer la joogo sidii Denbigeeda iyo Gefkeedu uu Tunkeena iyo Raqabadeena uu sudhan yahay.

Illaahay ha inaga dhaafo Denbiga. Tii Sheekh Haruun mana hirgelin, dhismaheeduna ma dhamays tirin, waxana lagu aasay Qabuuraha Kaalinta Sideedaad. Waxana Illaahay waafajiyey in aanay dhismin Raggii uu dhalay oo si kasta oo loo damcayna is hor taagay.

Waxa Culimada maanta ku waajib ah in ay u gargaaraan idil dhammaan inta dhimatay ee taabuukyadaa iyo dhismayaasha loo xanbaariyey iyaga oo aan danbi ku galabsan, Inaguna aan ka toobad keeno iyagana rarkan Shaydaanku ka adeegay laga tuuro. Looguna horey siiyo Culimadeenii Waaweyneyd.

W/Q:Abdulrahman Hassan Haji Adan ilaahay ha u naxariisto e,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*