Ma taqaana qaabka miisaniyada Somaliland loogu qaybiyo Dagmooyinka 2022

Cadaalad xumada Saami qaybsiga miisaniyada

Ma Ogtahay in lacagta kasoo xeroota 2% Horimaritna Goboladda Bari in ay ka badantahay 12.5% kabka dawladaha hoose ee dalka oo dhan loo qaybiyo laban laab?

Mase ogtahay lacagta dawlada dhexe siiso degmooyinka iyo goboladu inta ay tahay?

Sida ay u kala helaan 10% Kastamada 12.5% KDH? Iyo 2% Horimarinta Goboladda Bari lacagtoodu inta ay tahay

Sida uu dhigayo XEERKA ISMAAMULKA GOBOLLADDA IYO DEGMOOYINKA, XEER LR. 23/2019. Qodobkiisa 87aad farqadiisa 3aad waxa dakhliga dawlada dhexe u qabato degmooyinku ay kala yahiin kuwan soo socda oo lagu daray 2% Horimarinta gobolada bari oo Daahir Riyaale u qoondeeyay in loo saaro alaabta soo degta si loogu horimariyo goboladda bari.

  1. Dakhliga dawlada dhexe siiso degmooyinka ee ah qadarka cashuuraha kastamada (Revenue Sharing in CG (10%) ee degmooyinka kastamada leh. (122,018,560,018 SLSH) una dhiganta ($17,431,222.86)
  2. Dakhliga dawlada dhexe siiso degmooyinka ee ah qadarka ay ka helaan miiisaniyada guud ee loo yaqaano kabka (12.5%). (44,257,552,019 SLSH) u dhiganta ($6,322,507.43)
  3. 2% Horimarinta Gobolada Bari. (91,622,171,648 SLSH) u dhiganta ($13,088,881.66)

Hadaba side ayay dagmooyinku u kala helayaan dakhliga 10% Kastamadda 12.5% KDHiyo 2% Horimarinta Goboladda Bari ka daalaco shaxda hoose.

In aad ogaato sida loo qoondeeyay miisaaniyadda 2021 oo ah odoroska dakhli iyo kharash ee dawladda dhexe iyo dowladaha hoose waa muhiim muwaadin.

FG: 2% Horimarinta goboladda bari waxa uu sheegay wasiirka maaliyadu in uu 1% kamid ah loo qoodeeyay mashaaric horimarin oo laga hirgalin doono goboladda bari. Balse waxa aan halkan kusoo qaatay qadarka ku jira buuga “Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo Haayadaha Madaxabanaan” ugu jirta degmooyinka gobladda bari sida degmadda Laascanood oo kaliya. Inta kale waxa laga yaaba in ay ugu jirto dawladda dhexe miisaaniyadeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*