Taariikhda Muj Cabdiqadir Koosar Cabdi

Ka qayb galkii xornimo doonka Africa ee Cabdiqadir Koosar

Halgamaa Cabdiqadir Koosar xusuustii noloshiisa AHN

Gu’gii 1968kii bishiisii Oktoober 12 ayaa ku suntan xornimo-qaadashadii wadanka Equitorial Guinea. Wadankan intaanu xoriyada qaadan waxaa la odhan jiray Gini Isbeyn(Spanish Guinea). Dalalka Afrika ayaa afaf badan oo shisheeye lagaga hadlaa.Taasoo loo tiriyo inay gumaysiyo kala duwan gacanta u galeen. Hase yeeshee wadankan ayaa ah wadanka kaliya ee qaarada Afrika lagaga hadlo Afka Isbaanishka. Wadankan ayaa sidoo kale ka mid ahaa wadamo uu faraha ka qaadey gumaysigii Boortuqiisku muddo aan badneyn oo uu gacanta ku hayey.Taasoo keentay inuu si fudud gacanta ugu galo gumaysigii Isbaanishka ahaa.Gumaysigaa Isbaanishka ayaa hagardaamo dhaqaale,siyaasadeed, iyo dadnimaba u geystay dalkaa.Ururkii isu-taga Afrika (AOU) ayaa aad ugu damqadey arintaa.

Damqashadaasi ayaa keentay in wadamadii qaarada Afrika ee xornimada hore u qaatey fidiyaan kaalmo. Wadamadii Afrika oo kaalmeynta iyo u gargaarka wadankaasi u heelan ayaa wadankii Jamhuuriyada Soomaaliya uu ka dhacey afganbi Milatari bishii Oktoober 21dii, 1969kii. Hogaanka Afganbigaa ayaa waxaa loo tiriyaa inuu hayey Ina Siyaad Barre .Waxaa xilligaa cusbaa wadamo dhawr ah oo awoodda dalkooga ku qabsadey inqilaab Milatari. Waxaa wadamadaa ka mid ahaa Jamhuuriyadii Soomaaliya oo waliba horumar ka muujisay korodhka tirada iyo tayada ciidamada xilligaa. Taasoo la odhan karo isbadal siyaasadeed ayaa ka dhacey wadankii Jamhuuriyada Soomaaliya.
Inqilaabkaa Milatari oo aan la mahadin ayaa ka hanaqaadey dalkii Jamhuuriyadii Soomaaliya.Dad badani aad ayey u soo dhaweeyeen, sidoo kale ayey dad kalena muujiyeen diidmo qayaxan.Abwaan Cabdi Aadan Qays oo ku hadlayey afka bulshada reer Soomaaliland ayaa ku cadeeyey hagardaamada reer Soomaaliland ku habsatey xilligaa Inqilaabku dhacey maanso, waxaanu yidhi:

               Sasabada naftaydaay          Janadaad ku sooryeeyn

waa sagaal gu’ iyo subax intii aan ku sugayee
haddana isa seegnayee Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayaana Samo kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow Sahdanbena maxay noqo

Talo waxay la noqotay Ins Siyaad Barre .inuu kaalmadaa ka qayb qaato. Si uu u muujiyo awooda milatari ee wadankii JS ayuu codsi gudbiyey ah “inuu tababar milatari u fidin doono ciidamada wadankaa Equitorial Guinea”. Waxaa arintaa aad u soo dhaweeyey xubnihii ururkii AOU-da .Sidoo kale waxaa xilligaa codsigaa mid la mid ah hore u gudbiyey dawladii Itoobiya ee uu hogaanka u hayey Xayle Selaase. Awood muujinta ciidamada ee labada dal ayaa sidoo kale la soo bandhigayey marka dhinac kale laga eego, gargaarka ka sokow..

Tallo markaa waxay ku cadaatey Ina Siyaad Barre. Dib u xasuusay maalmihii uu noqday taliyaha ciidamadii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed .Gu’gan 1967kii waxaa dalka Masar si degdeg ah ugu soo dhameeyey tababaro sarkaalnimo koox uu ka mid ahaa mudane Cabdiqaadir Koosaar (IHUN)oo dalka ku soo noqday. Aad ayaa looga waramey dadaalka iyo kartida uu muujiyey mudane Cabdiqaadir Koosaar intii uu joogay dalka Masar.Waxaa kaloo aad loo tilmaamey in ardeyda uu imtixaanka sarkaalnimada la fadhiistay ka wada yaraa gu’gii 1964kii. Sidoo kale ayaa aad loo tilmaamey inay ardeydaasi dugsiga sare wada dhameeyeen, halka uu mudane Cabdiqaadir Koosaar ku jiray fasalka labaad ee dugsiga sare xilligaa.

Siyaad Barre . oo aad xog-ogaal ugu ahaa warbixinahaa ayaa codsadey in ciidamada la dhex xullo, lagana soo saaro sarkaalkii hogaamin lahaa ciidanka loo dirayo wadankaa Equitorial Guinea,sidoo kalena tababarka fidin lahaa. Markiiba maamulkii Jamhuuriyadii Soomaaliya ayaa wada tashi sameeyey, indha-indhayna ku sameeyey saraakiishii ugu firfircoonayd. Waxaa la soo xulay afar sarkaal. Waxaa dhinaca darajada iyo waayo-aragnimadaba ugu hooseeyey mudane Cabdiqaadir Koosaar. Si kasta loo shaandhee, la kala xigsiisay saraakiishii, magac qaar lala doonay, waxayse arini ka fursan wayday in lays waydiiyo “Sarkaalkeebaa leh kartida iyo aqoonta wadankaa Equitorial Guinea loogu gudbin karo tababarka ugu wanaagsan, wadankii Jamhuuriyada Soomaaliyana magac iyo maamuus u soo jiidi kara?”

Af-kala qaad iyo amakaag ayaa ka soo hadhey kooxdii goobtaa fadhiday ee xulashada samaynaysay.Talana waxay ku soo gunaanad noqotay waydiintaa warcelinteedu waa Mudane #Cabdiqaadir_Koosaar. Waxaana la isla gartey in sarkaal Cabdiqaadir Koosaar uu xilkaa ka soo bixi karo.Geeljiruhu isagoo og halkuu gudinta ka goynayo ayuu wax wareystaa ayuu kaga dhigay Siyaad Barre . Raaligalin kooxdan ku xeersan ayey u eekayd marka horeba.Afartu way kala mudnaayeen aqoon iyo kartiba, xigto iyo xigaal ayuunbaa lagu soo xulay inta kale.

Waxaa warqadii hawlgalinta iyo codsiga gudashada xilkaa loo gudbiyey sarkaal Cabdiqaadir Koosaar. Sidaa darteed ayaa Sarakaal Cabdiqaadir Koosaar u hawlgalay inuu doorto xubnaha kala hawlgali kara hawshaa oo ka tirsanaa wasaarada gaashaandhiga iyo Wasaarada Caafimaadka. Dhinaca caafimaadka wuxuu sarkaal Cabdiqaadir soo xushay Dr.Cabdilaahi Diiriye iyo kalkaaliye Caafimaad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*