Ducaale Fagaase iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Ducaale Fagaase iyo Ina Cabdulle Xasan

Ducaale Fagaase wax uu ahaa geesi reer tiro badan ka dhashay aadna u geel badnaa. Wax uu ahaa reer Hagar, isaga iyo tolkii Axmed Garaad badankooduna wax ay ka mid ahaayeen Dhulbahantihii Daraawiish iyo Ina Cabdulle Xasan la colka ahaa. Wax ay ahaayeen reero dagaalyahan ah oo goobo badan Daraawiish quusiyay, sida goobtii magaca Ballidhiig ku baxay. Hayeeshee Daraawiishi wax ay ahayd quruumo ciiddaa ka badan oo cid walba leh oo magacaa ku wada hoos jira, waxa aad ka laysaana waa looma-ooye, halka ninka ay kaa dishaa uu yahay hebelkii aad jeclayd. Markaa qabiil waliba wuu jeclaa in ay Daraawiish ka la nabadgalaan haddii aanay iyadu ku soo gardarroon. Hayeeshee, waa bixiso ee, ninkii Ducaale Fagaase ahaa inta uu hareerihiisa eegay, oo dad iyo duunyaba ismahadiyay, ayuu Daraawiish daandaansaday. Wax uu u tiriyay gabay uu lee yahay “Ina Cabdulle Xasanow, adiga iyo xertaada gaajo ayaa idin laysay ee bal car geelayaga ku soo dhaca!” Wax uu yidhi:

Sayidkuba ka fiig geelayaga inuu faduushaaye,
Fagaase iyo sumaddaa nafluhu ka ga fogaadaaye,
Waa fiil nin lihi foofsadaan feleg ka yaabayne,
Hadba meesha loo filo dal buu faraq ka laacaaye,
Farowga iyo baruurtiisu way kaa fijicisaaye,
Faallaha iyo dhalankuu yahaa gobi ku feydaaye,
Fiidkiyo aroortuu durduro ganafka fiiqaaye,
Ma facaysto laangaabka iyo tuugga fiirsadaye,
Nimaan fuulin guutada hadhkii faal ka bixi waaye,
Faataxa wadaad iyo burduhu fanax ma beeraane,
Faras xoog leh baa la gu dhaqiyo geesi fool adage,
Fulayada Daraawiishta iyo Maxamed faankiisa,
Hadduu faral jihaad iyo Islaam faro ku doonaayo,
Ararsamaha faaree arlada culus ku soo foofshay,
Muu foos la xulay iyo dagaal foore ka ga yeelo,
Muu goolashaa fuuqa baxay foqorada u loogo,
Fiqiyada ku lumay xarunta muu fiixda ka hiraabsho,
Oo foodhi laasimo sidii ferenji reer loodha?

Ina Cabdulle Xasan kolkii tixdii gaadhay col buu soo lallabay, geelashii reerahaasi ku faanayeenna wuu ka dareersaday. Dabadeed wax uu u tiriyay tix jiifto ah nooca masafada loo yaqaan oo raggii hore tirin jiray imika se la ga tagay. Masafadu waa jiiftada oo laba meeris oo waliba is wataan. Wax uu yidhi:

Ararsame futo argeeg, feleg baas ma kuu dhacay,
Fishtii inan-gumeednimo, faaydo maad ka qaaddeen,
Ma fallayd kolkaad tidhi, cara foos u soo dira,
Sow Fagaase na ma odhon, foofshaye car weerara,
Anna faraska inan qaban, sow layma filahayn,
Fulay yahow nin kaa adag, ma wax la is ku fiiqaa,
Adigoo farraaro leh, futa-xume ma dhacan tahay,
Geelii farowga weynaa, sow kaa ma faro bixin,
Faalkiyo ayuubkii, farihii ma eeddeen,
Fuxshigaad ku faanteen, ma anaaba kuu furay,
Illeen ferenji nimuu kuday, waa faasuq dooro leh!

Erayfur:
Dal: daaq, ugbaad, dhul daaqsin leh.
Faraq: laamaha curubta ah iyo caleenta geedka ka laallaada.
Farow: Baruurta ama cayilka geela feedhihiisa ka muuqda.
Ganafka fiiqaa: afdhuublaayeyn, waa qaab geelu kolka uu barwaaqaysan yahay u ordo ciyaar ahaan.
Fuullimaad: dagaal loo fardo fuulo.
Ararsame: magac ka dhexeeya dhawr reer oo Axmed Garaad ah.
Faaray: kibray, faarku waa kolka caanaha geelu karuuraan fududka ay yeeshaan.
Foos: ciidan, waa eray ka Soomaaliyoobay Ingiriisida force.
Loogid: xoolo marti loo qalo.
Foore: Dabayl si xooggan u dhacda.
Fiqiyo: culimo, fiqi, faqiih.
Fiix: Subag ka mid ah noocyada heenka geela.
Ka hiraabin: ka dhergin, asalku waa cuntada la cuno habeenkii ama hiraabta.
Ferenji reer Loodh ah: gaalada Ingiriiska ee dabaqadda lords.
Argeeg: nooc dhirta ka mid ah oo weelka la tosho.

qalinkii qoraa sare Ibraahim Hawd Yusuf

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*