Gorfeynta Buugga “Oral Poetry and Somali Nationalism ~ Gabayga iyo Wadanniyadda Soomaalida.”

Hordhac

Buuggan magaciisa la yidhaa “Oral poetry and Somali nationalism: In Case of Sayid Mohamed Abdulle Xasan~ Gabayga iyo Wadanniyadda Soomaalida: Sayid Maxamed C. Xasan muunad ahaan.” Waxa qoray Siciid Sheekh Samatar. Siciid, waxa uu ahaa aqoonyahan, iyo sooyaalyahan Soomaaliyeed. Sannadkii 1943kii ayuu deegaanka Soomaalida ku dhashay. Yaraantii waxa uu ku soo kacaamay xooladhatannimo. Isaga oo muddakar ah ayuu waxbarashada bilaabay oo aabbihii u diray Magaalada Qallaafo. Halkaas ayuu muddo wax ka baranayay. Waxbarashada dugsiyada waxa uu ka dhammaystay Itoobbiya.

Jaamacadda qaybta koowaad, waxa uu ka bartay ‘Goshen College’ oo Hindiya ku yaalla, wuxuu ka baxay Kulliyadda Taariikhda ‘history and literature.’ Shahaadada labaad ee Masterta waxa uu bartay Taariikhda Afrikaanka. Sannadkii 1979kii ayuu Shahaadada P.hD ka qaatay Jaamacadda ‘Northwestern University’ oo ku taalla Evanston, Illinois. Wuxuunna ka bartay Taariikhda Afrika. Wuxuu caawiye Baroofaseer ka ahaa Jaamacadda Rutgers University.

Wixii intaas ka danbeeyay waxa uu ku hawlanaa Taariikhd Afrika guud ahaan, gaar ahaanna ta Soomaalida. Waxa uu xubin sare ka ahaa ururka ‘Somali Studies International Association’ illaa iyo 1979kii. Waxa uu muddo tifaftire ka ahaa Joornaalka ‘Horn of Africa journal.’ Waxa uu lataliye sare u ahaa ‘Bildhaan: An International Journal of Somali Studies.’ Sannadkii 1995kii, isaga iyo Ismaaciil Cali Ismaaciil, waxa ay ka qaybqaateen qoraalkii Dastuurka Dalka Elatariya.

Warbaahinta kaladuwan kuwa maxalliga ah, iyo kuwa lookalka ah ayuu ka hadli jiray, oo barnaamijyo ka sii dayn jiray. Qoraallada uu qoro Siciid, waxaa xigan jiray Jaraa’iddada caalamiga ah sida Newsweek, U.S. News & World Report, The New York Times iyoThe Washington Post.

Qoraallo aqooneed oo aad u farabadan ayuu Siciid qoray. Waxa ka mid ah maqaallada uu qoray:
1- Oral poetry and political dissent in Somali society : the Hurgumo series”, Ufahamu: A Journal of African Studies, 1989.
2- How to Run an SNM Gauntlet”, Horn of Africa, 13, Nos. 1-2, April–June 1990, 78-87.
3- “The Search for Political Accountability in African Governance: The Somali Case”., African Governance in the 1990s (Atlanta: The Carter Center, 1990), pp. 165–168.
4- “How to Save Somalia”, Washington Post, December 1, 1992, A19.
5- “The Politics of Poetry”, Africa Report (September/October 1993), pp. 16–17.
6- “Remembering B.W. Andrzejewski: Poland’s Somali Genius”, 1998.
7- “‘Sarbeeb’ : the art of oblique communication in Somali culture”, Wardheernews Online
8- “Unhappy masses and the challenge of political Islam in the Horn of Africa”, Horn of Africa, 2002.
9- “An Open Letter to Uncle Sam: America, Pray Leave Somalia to Its Own Devices”, Journal of Contemporary African Studies, July 2010, Vol. 28, Issue 3, pg 313-323.
Buugaag badan ayuu qoray. Waxa ka mid ah:
1- Somalia: nation in search of a State (co-author: Laitin, David D.). Westview Press, 1987.
2- Somalia: a nation in turmoil. Minority Rights Group, 1991

Buuggan maanta innoo qalan, waxa uu kaga warramayaa sida ay Soomaalidu gabayada iyo aftahamada ugu adeegsan jirtay Wadaniyadda. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa gabayaagii, halgamaagii, iyo waddanigii waynaa ee Sayid Muxammed Cabdalle Xasan. Buugga si kooban ayaynu u soo koobi.

Buuggu waxa uu ka midyahay taxanayaasha Afrika ‘ African Studies’ waana buuggii 32aad. Wuxuu ka koobanyahay 248 bog. Buugga waxa uu daabacay 1982kii. Waxaanna daabacday Cambridge University Press.

Nuxurka Buugga

Hordhaca qoraagu waxa uu ku xusayaa Soomaalidii hore ee xooladhaqata ahayd sida ay gabayga u adeegsan jirtay. Waqtiyadaa magaalowgu a jirin, dadku Miyi ayay degganaayeen. Saamayn aan la dhayalsan karin ayuu gabaygu ku lahaa. Dhinacyo kaladuwan ayaa laga eegi karaa. Se gabayga waxa ay u adeegsan jireen:
1- Faanka: oo labadii qof ee isku faanayaa gabay ayay iskugu faani jireen.
2- Dagaallada ayaa lagu qaboojin jiray: Haddii laba qabiil islaayaan waxa ugu badan ee lagu heshiisiin jiray waxa uu ahaa gabay.
3- Wadaxidhiidh, farriin.
Haddaba waxa aad mooddaa in gabaygii sidaa loo adeegsan jiray, markii Siyaasadda iyo dhinaca xifaaltanka laga eego aad loo adeegsado. Qoraagu waxa uu xusayaa inuu yahay hub ay siyaasiyiintu isku adeegsadaan, oo nin ba ninka uu ka gabayo badanyahay shiiqinayo. Gabaygu aftahannimo ayuu xidhiidh la leeyahay ama sheegaa.
Bilowga, qoraagu waxa uu ladh uga dhigayaa “ Waxyaabaha ay ka koobantahay Aftahannimada Soomaalida Xooladhaqatada ahi.” Waxa uu kaga warramayaa aftahannimada ay Soomaalidu la gaar ka tahay, iyo waxa ay ka koobantahay.

Judha horaba waxa uu ku doodayaa in Soomaalidu ajaanib badan oo ay ka midyihiin Richard Burton, M. Maino, Margaret Laurence, B. W. Andrzejewski iyo I. M. Lewis ku sheegeen ‘ Dadkii gabayga.’ Dhammaan nimankaas ajaanibka ahi Soomaalida waxbay ka qoreen, waxa ay aad ugu doodaan inay Soomaalidu gabayada ku horreeyaan, ummadaha kalana ku shiiqiyeen, afkooduna hodan ku yahay, fuf badanna ku hayo.

Geela, ayuu qoraagu soo qaadanayaa. Geelu duruufaha adage e Soomaalidu ku nooshahay waa ka ugu adkeysiga badan. Deegaan kulul oo biyuhu ku yaryihiin ayuu ku dhexnoolyahay. Geelu waa xoolaha ugu adkaysiga badan ee muddo badan aan biyo cabin. Geelu Soomaalida muhiimad badan ayuu u leeyahay. Waa xoolaha ugu mudan Soomaalida. Ka sokow dhaqaale ahaan, waxa uu u yahay faan, iyo qurux.

Qoraagu waxa uu dhufsaneyare ka dhexaysiinayaa gabayga iyo geela. Waxyaabaha ay Soomaalidu aad ka ugu gabaydo, kuna halqabsato waxa ka mid ah geela. Waqtigii Midawda ee ay midoobeen Soomaaliya iyo Soomaalilaan, waxaa xornimadaa loo bixiyay magac haleed ‘ Maandeeq.’ Maandeeq waa magac loo bixiyo geela dheddig. Waxa ay ku tusinaysaa sida ay muhiimadda ugu tahay Soomaalida dhexdeeda, geelu.

Isla magacaas ‘ Maandeeq’ waxaa loo bixiyay Gabay uu tiriyay Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Timacadde, oo uu kaga warramayay Xornimada. Gabay iyo geelu meelo badan ma kala maarmaan. Qoraagu halkan waxa uu inna tusinayaa sida ay saamaynta iskugu lahaayeen Geela iyo gabaygu. Abwaan Sayid Maxammed Cabdulle gabayo badan oo uu geela ku soo halqabsanayo, ama kaga warramayo ayaa iyaguna jiray.

Waxa iyaguna xusida mudan Fardaha. Qoraagu sida uu xusayo Farduhu saamayn ayay ku leeyihiin Gabayada. Waa waxyaabaha Gabayada Soomaalida ku jira ee abwaannadu ku halqabsadaan ama ammaanaan. Tusaale ahaan, gabaygii ay ku tartamayeen Raage Ugaas, iyo Sayid Maxammed Cabdulle ee ay kaga warramayeen Farasyadooda.

Qoraagu waxa uu xusayaa in gabaygu qayb ka ahaa ‘ Godobta.’ Godobaha kaladuwan ee dadku kalagalaan inay ku kala aargoostaan gabay ayay isku dayi jireen. Dhinaca tirinta gabayada ku saabsan godobta, iyo aanooyinka la kala galo aad bay Soomaalidu qani ugu tahay. Godobtu labo ayay ahayd:
1- Mid dhiig, ama dhaawac la kala galay.
2- Mid hadal ama afka uun wax la iska yeellay.
Xooladadhaqata Soomaalidu waxa ay caan ku ahaayeen inay geedaha hoostooda ku shiraan, oo ku dhammaystaan hawlo badan. Waxyaabaha ay geedaha hoostooda ku qaban jireen waxa ka mid ahaa; xukunka, dhexdhexaadinta, shirarka, isku imaatinka, ciqaabta IWM. Qoraagu waxa uu xusayaa marka geedaha la fadhiyo waxa kulanka hoggaamin jiray saddex midkood; codkarka, gabayaaga, iyo xeerbeegtida. Saddexdani oo ah kuwa ugu aftahansan ee afkooga maalaya. Waxa se ku dhexjira shirka guddoomiye iyo doodqaad. Marka koowaad, waxaa shirka fura guddoomiyaha oo yidhaa ‘ Toloow, hala I maqlo.’ Waxaa ku xiga doodqaadka oo u dhexeeya guddoomiyaha iyo dhegaystayaasha. Waxa ku xiga gabayaaga, oo isagu gabay meesha ka tiriya, kuna hurgufa fadhiga aftahannimadiisa. Qoraagu waxa uu halkan ku adkaynayaa in gabayaagu saamayn wayn ku lahaa shirarka, iyo isku imaatinka.

Erayada loo adeegsado qofka hadalyaqaanka ah ayuu qoraagu ka xusayaa. Saddex ayaa ugu waawayn, inkasta oo iyaguna ay sii kala sarreeyaan, oo derejo kala leeyihiin. Waxa ay yihiin; afmaal, aftahan, iyo afmiishaar.Waxa ugu derejo sarreeya afmaal, oo ah qofka afku hanti uu wax ku goosto u yahay. Waxa ku xiga aftahan, oo ah qofka afku sharaf u yahay. Waxa ku sii xiga afmiishaar oo ah ka afku wax u gooyo, inta badanna cidda uu doono ku dhaawaca, ama ku sumcad xumeeya.

Waxa kale, oo qoraagu leeyahay laba shay ayay Soomaalidu faceeda kaga horraysaa dhinaca xidhiidhka bulshada:
1- Awoodda ay kaga dhaadhicinayaan waxa ay rabaan.
2- Awoodda ay wax ku xasuustaan.
Qoraagu waxa uu waxoogaa ka warramayaa “ waxyaabaha ay Soomaalidu gabayga u adeegsan jirtay?”Sababo badan ayay u adeegsan jirtay gabayga Soomaalidu. Waxyaabaha ay u adeegsan jirtay waxa ka mid ah:
1- Farriin: Marka ay doonayaan inay farriin meel u diraan gabay ayay ugu diri jireen. Waqtiyaa ma jirin waxyaabo cusub oo wax la iskugu diraa. Dhinaca kale lama aqoon qoraalka oo cidda taqaan way yarayd.
2- Heshiisiin: Marka ay laba beelood islaayaan waxa lagu heshiisin jiray gabayada ayaa ka mid ahaa.
3- Xifaaltan, iyo faan: Golayaasha iyo meelaha la iskugu yimaad ayaa la isku tuurtuuri jiray kaftan, oo waqti lagu wadaqaadan jiray.

Gabaygu waxa uu lahaa Miisaan u gaar ah, waxyar ayuu qoraagu ka xusayaa. Qaabadhac u gaar ah ayuu leeyahay gabaygu. Miisaanka Maansada nimankii soo saaray waxa ay kala ahaayeen Carraale iyo Gaarriye. Waxa iyadna layaable qaabka ay abwaannadu u curiyaan. Qoraagu dhawr abwaan oo jaadad kala duwan ka maansooda ayuu soo qaadanayaa. Waxa ay yihiin:
1- Cilmi Boodheri, oo jaceylka ku caan ahaaa.
2- Sayid Maxammed Cabdulle Xasan, oo gumeysidiid ahaa, gabayo badanna ka tiriyay.
Sayidku gabayada waxa uu u isticmaalay waran uu ku gano cidda kolba ka soo horjeedda ee uu damacsanyahay. In badan ayuu gumeystaha ku eryanayay, oo dhegaha kaga tumay. Markii uu jebiyayna ku sii diganayay. Markii uu dhintay Sargaalkii Ciidamada Ingriiska hoggaamin jiray ee Koofidh, Sayid Maxammed Cabdulle Xasan gabaygii uu tiriyay waxa uu ahaa:
Adaa koofilow jiitayaan dunida joogeyne
Adigaa jidkii lagugu wadi jimic-la’aaneede
Jahannamo-la-geeyow haddaad aakhiruu jahato;
Nimankii januu kacay war bay jirin ishaalleeye
jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragtid
Sida eebbahay kugu jirrabay mari jawaabteeda;
Daraawiish jikaar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenna waa jibashadiinii dheh;
Anigana jigray ila heleen shalay jahaadkii dheh
Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jiteeyeen dheh
Jeeniga hortiisay rasaas igaga joojeen dheh;
Jiiraayaday ila dheceen jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
Billawuhu siduu kuu jarjaray jeerarka u muuji;
Naf jeclaysigeed baan u iri jaaloow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnuhu jeebka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor u jillaadmeen dheh;
Jimic kagama helin tuugmadaan jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq iraahdaba afkay iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jaleecaye dheg baan jalaq la ii siin dheh
Goortaan jarreerona gefoo nolol ka jaanqaaday
Sida jananaddii hore tashigu igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hormaray jaasadeed helay dheh;
Jiidaha xanuunkq leh markii la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii jiifka qaban waa dheh
Kolkay rubaddu jow!tiri or bay iga ag jiibsheen dhah;
Jiirkayga bahal baa cunoo jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa jugux ka siiyaa dheh
Jiljillaadiyo seedaha tukay igaga jaadeen dheh;
Haddaan lays jikaareyn tolkay laga jilroonaa dheh
Waligoodba waa lagu jiraa jilibdhig duullaan dheh
Sayidkiina waa jibindhawgiyo jowda soo bixi dheh
Qoraagu qeybta xigta waxa uu ku eegayaa ‘ Soo ifbixiddii Daraawiishta.’ Daraawiishtu waxa ay ahaayeen Ciidan Soomaaliyeed oo loo sameeyay si loola dagaallamo gumeystihii dalka xukumayay, ee kheyraadka ummadda gurtay. Waxa aasaasay, oo abaabulka lahaa Sayid Muxammeed Cabdille Xasan. Rag kale oo badan oo Ismaaciil Mire ku jiro ayaa ka mid ahaa. Waqtiga la aasaasay waa dhammaadkii qarnigii 19aad. Meelaha laga aasaasay waa waxa ay ahaayeen gobollada Sool/Sanaag. Waxaa fadhiisin u ahaa meelo kaladuwan oo Taleex ka mid ahayd. Fekerku jihaad ayuu ahaa. Ragga watay Suufiyo ayay ahaayeen. Halgan adag inay galeen ayuu qoraagu aad u xusayaa.
Sayid ayuu Sooyaalkiisa inyar qoraagu ka xusayaa. Sayidku wuxuu dhashay 1864kii, se dad uu ka midyahay Qoraa Aw Jaamac ayaa sheegay inuu dhashay 1965kii. Wuxuu ku dhashay meel u dhexaysa Buuhoodle iyo Widhwidh. Meelo badan oo ay ka midyihiin Herer, Suudaan iyo Nayroobi ayuu maray. Xashka ayuu tagay oo wuxuu raacay Sheekh Maxammed. Halkaas muddo ayuu joogay oo waxa la sheegaa in uu Sheekhii Dariiqada Saalixiyada Ijaaso ka soo qaatay. Dalka ayuu ku soo laabtay oo Berbera ayuu ka soo degay. Markii uu Berbera ka soo degay waxaa cashuur wayddiiyay gumeystihii Ingiriis! Sayidku wuu diiday, oo wuxuu ku yidhi: “ Ad ba markii aad imanaysay yaa cashuur kaa qaaday?” Ciddii u kala turjumaysay ayaa u sheegtay in Wadaadkani waalanyahay, halkaasna waxa ay kaga nabeen naanaystii ‘ Mad Mullah ~ Wadaadkii Waalnaa.” Se qoraa Siciid Sheekh, wuu ka duwayaa oo wuxuu sheegayaa in Wadaadka Waalan ay u bixiyeen dad ka mid ah Wadaaddadii dariiqada Saalixiyada.

Qoraagu waxa uu sheegayaa in Sayid Muxammed Cabdille Xasan saddex astaamood Nebi Muxammed kala mid ahaa. Aragtidan uu Qoraa Siciid qabo, waxa uu sheegayaa in ay qabeen Qoraayo Soomaaliyeed oo ay ka midyihiin Sheekh Jaamac, Cumar Ciise, Cabdalle Riiraash. Astaamahaasi waa:
1- Magaca wuu kala mid ahaa, oo ka sinnaayeen.
2- Da’da isku mid ayay ahaayeen, marka aynu eegno da’da lagu soo diri jiray Nebiyada ayuu Siciid leeyahay.
3- Jihaadka ayay ka sinnaayeen.
Qoraagu, waxa uu qabaa in Sayid Maxammed Cabdille, uu ahaa nin afkiisa ku ciilbaxay oo aad ugu dagaallamay. Waxa uu ku sheegayaa inuu ahaa ‘ Afmaal siyaasadeed’ ama ‘ siyaasi afmaal ah.’ 20kii Sano ee ay Daraawiishtu dagaallamaysay Sayidku wuxuu soo saaray gabayo badan. Qoraa Siciid, waxa uu sheegayaa in Sayid Maxammed gabayada ugu badan tiriyay intii uu Daraawiishta hoggaaminayay, gaar ahaanna intii u dhexaysay 1905kii 1920kii. Dadkii raacsanaa qaar ayaa odhan jiray ‘ Waa lagu soo degaa.’ Iyaga oo la yaabban gabayada uu tirinayo nuxurkooda, iyo u jeeddadooda ballaadhan.
Gabayada dhiirrigelin ayuu u adeegsan jiray, oo ciidamadiisa iyo dadka ayuu Sayidku ku tirtirsiin jiray. Qoraagu waxa uu si dadban u tilmaamayaa sababta Sayidka u saamaxday inuu gabaygiisii u adeegsado hub siyaasadeed, oo cidda uu rabo kaga aargoosto. Waxa uu sheegaayaa:
1- Sayidku waxa uu ahaa dadka ay Soomaalidu u taqaanno waaya’arag. Khibrad badan ayuu lahaa, oo waxa uu garanayay waxa uu odhanayo, halgankiisan Daraawiishtu sida uu u socdana wuu ka warqabay.
2- Waxa uu ahaa nin aad u wax u bartay oo ku nool dal ay dadkiisu u badanyihiin Jaahiliin, dhinaca kale, wuxuu ka dhisnaa aqoonta Diinta oo si wanaagsan ayuu u yaqaannay, cidkastana wuu la doodi karayay.
3- Af Soomaaliga si wanaagsan ayuu u yaqaannay, oo erayada ayuu hodan ku ahaa, si wanaagsanna wuu u adeegsan jiray.
Sababahaas ayaa ka dhigay marla’arag eraygiisu meel maro, ayuu qoraagu leeyahay. Qoraagu waxa uu leeyahay “ Soomaali badan sida ay u aragto Sayid Maxammed erayadiisu AWOOD ayay lahaayeen oo qofka uu doono wuu ku DILI jiray, ka uu doonaan wuu ku noolayn jiray.”
Astaamaha lagu garan karo Sayidku inuu hoggaamiye ahaa waxa ka mid ah:
1- Wuxuu ahaa nin adkeysi leh.
2- Awood ruuxeed ayuu lahaa.
3- Wuu dhiirranaa.
4- Aftahan ayuu ahaa.
Meelo badan ayuu Sayidku ka gabyi jiray. Waxa ka mid ahaa; farriinta, waxsheegga ama ka dhaadhicinta, weerarka, habaarka, kicinta dadka IWM. Sayidka waxaa laga ururiyay oo hadda laga hayaa illaa 120 gabay. Saddex qaybood marka loo qaybiyo laba qaybood waxa ay ka hadlayaan dagaal, weerar IWM, ayuu qoraagu leeyahay.
Meelaha ugu danbeeya qoraagu Sayidka ayuu waxoogaa ku ammaanayaa, oo sifooyinkiisii wanaagsanaa, iyo waxa laga baran karo si goosgoos u qadhiidhayaa. Sayidku nin saamayn leh ayuu ahaa, ayuu leeyahay. Afkii uu ku dagaaami jiray waqtigaa hadda ayaa lagu dagaallamaa dawladnimada casriga ah, oo siyaasiyiintu marka ay arrin aragti ka dhiibanayaan, marka ay wax dhalliilayaan, iyo marka ay hadlayaan ba af ayay adeegsadaan. Xilligan waa laga tagay qorigii iyo rasaastii. Af iyo erayo ayaa la isku gummaadaa.
Ugu danbayn qoraagu waxa uu tusaale uga soo qaadanayaa aftahannimadii Sayidka iyo jaadgoonninimadiisii. Sayidku Wadaad Suufiya oo Suufinnimada ku adag, ayna waxbadan u tartay ayuu ahaa. Dhinac kale, aftahan erayadiisa laga gabbado ayuu ahaa. Dhinac kale, siyaasi afka wax ku weerara ayuu ahaa. Dhinac kale, hoggaamiya dadka horkaca oo wax haga ayuu ahaa.
Maxaynu Buugga ka baran karnaa?

1- Soomaalidu sida ay aftahannimada, gabayada iyo awoodda hadalka caanka ugu tahay. ‘
2- In hadalku saamayn leeyahay oo marar badan waxyaabo kale ka badiyo.
3- In aftahannimada, iyo afmiishaarnimada wax lagu hagi karo.
4- In hoggaamiyaha lagamamaarmaan ay u tahay aftahannimada.
5- In gabayadu meel xeeldheer kaga jiraan Soomaalida.
6- In gabayadu aftahannimada qayb laxaadle ka qaataanaa.
7- In Sayidku ahaa Siyaasi iyo hoggaamiye waqtigu tababbaray, oo wax laga baran karo.

Dhaliisha Buugga
1- Dhinaca taariikda Sayidka ayuu u badiyay qoraagu buugga, waxa ay ahayd inuuna sidaas ugu sii dheeraan, maadaama aannu buuggu ahayn sooyaal lagaga warramo Sayid.
2- Waxyaabo la xidhiidha aftahannimada oo Soomaalidu caan ku tahay ayuu ka tagay, oo aannu qorin qoraagu.

Gebagebo
Buuggu aftahannimada Soomaalida, kaalinta ay ku jirto ayuu ka warramayaa. Si kooban ayaynu usoo sheegnay saamaynta gabayga, iyo kaalinta uu ku leeyahay bulshada. Waxa kale, oo aynu soo sheegnay Sayid Maxammed iyo halgankiisii, iyo kaalintiisii. Intaas ayaan ku soo afmeerayaa.

Qoraalka oo PDF halkan kala deg: ( https://www.facebook.com/groups/2039989486264226/permalink/2929215900674909/ ).

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Boorama, Awdal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*