Halgan kii gobanimo doonka xorimada aynu haysano loo soo galay

Dharaaraa adkaaa ee dhunkan loo soo maray

Gobannimada maanta sanadguuradeedii 61aad loo dabaaldegayo waxa u soo daatay dhiig badan oo Soomaaliyeed. Waa run in aanay ku imaan guul aan ragannimo kaga adkaanay gumaystihii qarniga (1840-1960) xoog iyo xeelad ba dhulka Soomaalida kaga telinayay. Haddane, in yar mooyee Soomaalidu meel wal oo ay joogaan weligeed gumaysigaa raali kama noqon. Waqooyi iyo koofur, bari iyo galbeed ba waa lagaga horyimid oo af iyo adin ba waa lagu la dagaalay. Tabari inay kaa hiillisaa waa meesheeda, balse in aad nafsad ahaan jabto oo aad gunnimo aqbashaa waa eedaada.

Dadka iyo deegaannada gumaysiga ka dhiidhiyay ee dhiiggooda u huray ee sooyaalka ummadda baal dahab ah ka galay waxaa ka mid ah bulshaweynta ku dhaqan Ceelbuur iyo nawaaxigeeda. Labaatameeyadii qarnigii 20aad, ka dib markii ay Faashistaayu la wareegeen talada talyaaniga, kacaankii hubaysaan ee Daraawiishtana la jebiyay, waxa isbedel ku yimid siyaasadoodii gumaysiga ee ku aadaneed goboladda dhexe iyo salanadahii Hobyo iyo Majeerteeniya oo ay marka hore heshiisyo dul ka ilaalis ah ku la jireen, se aanay toos u maamulin. Cesare Maria De Vecci, oo 15 December 1923 loo soo magaacabay xaakimka Banaadir oo aarkitaktarka ka ahaay siyaasadda cusub ee dalka iyo dadka ba si toos ah gumaystaha loo hooskeenayo, baa amar ku bixiyay in deeganaddaa xoog lagu qabsado, dadkana hubka laga dhigo. October 1925-ka ba waxa xoog lagu qabsaday Ceelbuur, Gaalkacyo iyo Hobyo, fadhigii Saldanada. Suldaankiina gacanta ayaa lagu dhigay. Ceelbuur waxaa qabsaday sarkaal Talyaani ah oo magaciisa la oran jiray Franco Crolei. Islamarkii waxaa magaalada ka bilowday gadood hubaysan oo uu hogaaminay sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka Suladaan Yusuf Ali oo magaciisu ahaay Cumar Samatar.

Samatar iyo raggii uu hogaaminayay waxa ay ku guulaysteen dagaal lix maalmood socday in ay ku dilaan Franco Crolei iyo iyo 50 ka mid ah ciidankii la socday. Intii yareed ee dhimashada ka badbaadayna, waxa ay u carareen Budbud iyo Buula Barde. Guushii Ceelbuur oo Soomaalida kale gaartay, waxa ay dib u kicisay dareenkoodii gumaysi-diidka ahaay, sidaasna waxaa ku bulaalay halgankii oo waxaa ku soo biiray Ceeldheer. Mar labaad buu ciidankii Talyaaniga dib isu soo abuulay. Waxaa xaruntii dhexe ee gumaystaha laga soo diray ciidan kii hore ka tiro badan oo uu hogaamiyay G. D. Splendrelli. Intii aanay Ceelbuur soogaarin baa iyagana lagu jebiyay meel u dhexeysa Budbud iyo Buula Barde oo lagu dilay hogaamiyahoodii G. D. Splendrelli. Guushaa labaad oo dhabarjab weyn ku noqotay siyaasaddii De Vecci oo xaqiiqsaday in uusan gadoodkaa kaga adkaan karin ciidanka uu haysto, baa kaalmo ciidan oo hor leh ka dalbaday mustacmaradii Talyaaniga ee Eretareeya.

Halgankii Ceelbuur ka bilowday ugu dambayn waxa la jebiyay 14 January 1926. Halkaana waxaa ku soo afjarmay mid ka mid ah kacdoonnadii ugu weynaa ee lagu diiday gunnimada iyo gumaysiga, waxaana naftoodii ku waayay ku dhowaad kun Soomaali ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*