Abwaan Guhaad Cabdi Gahayr

Waxay ahayd 1964 oo uu socday dagaalki. Somalida iyo xabashida

Gabay uu u tiriyaya Radio Hargaysa

Gabaygii uu #_radio_hargeisa u tiriyey
Xiligii dagaaladii soomaalida iyo amxaaradu socdeen ayuu dadkii ciidamadii xabashidu xasuuqayeen warkoodii ka maqli waayey mar keliya
Markasuu yidhi:

Raadhyowgan daanyeerkiyo dacawada. Uun sheega
Ama laba dameeroo isku cunay Dooxan dhiniciisa
Ama xoor digaagado ugu dhacay. Daaradahan suuqa
Ama roob da.ay daruur hoortay iyo
Daad soconaaya
Ama saabuun logos dadaalkeediyo
Dad u xayeysiinteeda
Asbaroogu waa kuu dawee laba
Liqoo doono
Ama dooni adhi qaaday iyo mayl
Dawaafa xeebta
Ama odayaal duublaa ku shiray
Daristan uubaale
Ama dhiisay deerada bankiyo
Doontay garanuugta
Aan weli dan soomaaliyeed
Diiriyow odhan
hadaa daacad tihiin maa warkuun
Debedaa u sheegtaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*