Bankii Cawsha Banka Tuuyo

Muxuu ahaan jiray banka tuuyo muddo ka hor

Hees-ciyaareed hore:
Saddex waa war beenaad:
Berbera buuri laga waa
Basra timir kamey iman
Banka Tuuyo caws male !

Dhammaadkii qarnigii 19aad, sahamiyihii Ingiriis ee Swayne, oo wax ka qoray hodontinnimada daaq iyo duurjoogeed ee banka Tuuyo, waxa uu tusaale u soo qaatay Wiyisha oo gabbaad ka dhigata geedcawseedka duurka loo yaqaan iyo ugaadh aad u kala duwan, isla markaana ay adag tahay in la tiro koobo. (H.G.C. Swayne, Seventeen Trips Through Somaliland: A Record of Exploration and Big Game Shooting – 1885 to 1893. Page 297).
Geedcawseedka duurku hadda waa gabaabsi, waxana tirtiray daaq xad-dhaaf ah, dhismaha oo loo adeegsadao, iyo beraagta oo lagu dedo.

Lixdaneeyadii qarnigii 20aad, waxa aan carruurnimadaydii xasuustaa banka oo dareemada (dherer inta ay ka qabto) aannu burarka baarka ka gunti jirnay, si aannu u soo tilmaansanno marka aannu guriga ku laabanaynno, si aanaan guriga uga habaabin – illeyn waa ban aan lahayn geedo dhaadheer oo la tilmaansado. Banku waxa uu ahaa tigaad isku siideysan oo aan kala go’ lahayn, isla markaana aaney dhextaalleynin gawaano dirriyoobey. Dixida ayaa iyana si baahasan uga bixi jirtay. Ugaadh tiro badan ayaa indhaahaaga dhinaca aad u jeedisoba ay qabanayeen. Sidoo kale geelal tiro badan ayaa gu’gii lagu dhex arki jiray banka. Aqal-Soomaaliga ay reeruhu dhisan jireen ayaa aad uga waynaa buulasha maanta xoolo-raacatadu dhisato, aqabka wax lagu dhistaana badi waxa laga diyaarin jiray dhiroonka iyo xoolaha. Gaadiidkii (awrtii) la raran jiray hadda waxa beddelay dameero, maxaa yeelay aqallo waaweyn la ma dhisto, meelo durugsanna looma guuro, marar badanna reeraha baabuur ayaa u dhaamisa (gu’ iyo jiilaal), weyna degaamoobeen.

Maanta duurkii ma jiro, dareemadii iyo dixidii ma jiraan, duurjoogtii iyo shimbirihii kala caynka ahaa ma joogaan ama waa faro-ku-tiris, cirkuna waxa uu ka qaawan yahay muuqaalkii haaddii oogada sare gaaf-wareegi jirtay ee raqaha fogaan sare ka bidhaansan jirtay. Amminiba ta ka sii dambaysay ayaa isbeddel ku imanaayaya saansaanka deegaan iyo habnololeedka dadka. Xilliyo dhexa cawska qabsaday banka waxa ugu badnaa Sifaar. Se maanta wey adag tahay in bur Sifaar ah banka lagu arko. Beryahan dambe waxa bankii si baahsan u qabsaday geedgaabka ‘Hiisha’ oo xoolo-dhaqatada mar xoolahooda daaq u ah, marna inta ay rujiyaan ku deyrta xerooyinkooda. Waxa kale oo aan arkay in bankii hareeraha ka soo ururayo oo dhirtii gooddigu si xawli leh ugu soo fidayso. Gooddiga banka waxa halkiisii hore ku hayn jiray oodda awrta lagu soo raran jiray si banka gudihiisa guryaha loogu ooto. Hadda dameero ayaa la rarta, wax macno ahna samayn meyso in ood yar gooddi lagaga soo raraa, markaas waa in hiisha uun la rujistaa! Dhinaca kale, cawska yaraaday waxa uu xoolaha ku xambaaray inay dhaameel qudhaca iyo maraaga cunaan, ka dibna ay dhirtaasi si fudud u tarmaan.

Muuqaalkani waa Jugley, waana duurjoogta keliya ee aan ku dhex arkay banka intii aan ka tallaabayay socdaal aan dhowaan ku maray. Arrinta xiisaha lehi waxa ay ahayd inaan tiro dhowr iyo toban nafley shimbirkan ah goobtaas ku arkay.

Inta aan kamaradii la beegsaday ayaan hoosta ka idhi “Il cadow gudeed iyo ugaadhsato Carbeed Alle ku ma tuso!”
Haa ! Fiicnaan lahaydee in kamaradu qoriga beddesho.
https://ahmedawale.blogspot.com/2021/07/banka-tuuyo.html

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*