Silsiladdii Abbokar Cawad iyo Caydiid Lafcambe badhkeed waa kan

Waa silsilad kaftan tolnimo oo aan hadana waxba laysku reeban

Cunfi iyo xumaan ma aha ee waa suugaan hiddeed bulsheed iyo kaftan ilmo adeer, cid la ga xigaana ma jirto. Gundhigga dooddu waa Bari iyo Galbeed in la ka ay ka la doorteen, laakiin arrimo badan baa la is la marayaa. Intani wax ay ku qoran tahay oo aan toos u ga soo guuriyay mareegta Hoyga Suugaanta, higgaadduna ma tifatirna se meelo aan badnayn baan hagaajiyay, waxaanan ka reebay faallooyinkii dhaadheeraa. Mahadsanid Maxamed-Shiine Qawdhan

Gabaygan wuxuu Abokor u soo diray Lafcambe oo markaa Hargaysa degay beerna ka iibsaday:

Tuugguna ma seexdeen halkuu tumayo Caydiide
Isba tacabkii weeyaan inuu teneg huluushaaye
Tibtiyo mooyuhuu dhigay ninkii taajirka ahaaye
Taladii Ilaahay ka qaad Turub sidiisiiye
Tol la’aanta lagu sii wadiyo timacadii Yeesif
Todobaatan baa reer Jibriil taagan beeraha e

Tobankay dhashiyo ooridii tigidhka loo gooyay
Tol dhan baaban laga hayn nimaad hebel tidhaahaane
Wiilkeena taa lagu dhalaa taabbo qaad ma lehe
Taw-taw-layaal sida Karbaash tarantu weeyaane
Waa kaa tumaal xoolo aad kala timmaaddaanne

Lafcambe:

Taagteed ma haysaan halkuu tumayo Caydiide
Isba tacabkii weeyaan inuu tamaro yeeshaaye
Taladii ilaahay ku beeg Turub sidiisiiye
Tib iyo mooye naagtaan aqoon tacabka reerkeeda
Taabuut mid aqalkeedu yahooy tuludi qaadayso
Tambareerigaa inaan ku jiro waan ka tooshadaye

Toonkii Hargaysaa Xuseen taash ku leeyahaye
Ana tarandacaas baan ku jiray taniyo waagiiye
Maxay taladu iiga boodsan tahay waan tigaadsadaye
Tolkii looga waa Ina Siciid tooggo maalin ahe
Imikay taxaabaan markuu tagayo geedkiiye
Tunkuun baa la haystaa sidii Teelefoon xidhane
Tooree yarkaagii markaad toosi buur tidhiye
Tawaahaa raggii joogi jiray taako leel yahaye
Taf naag qudh-iyo xidid waa wixii taabay reer Sahale

Hadii badow la toostoosiiyaa tarako keenaayo
Turaab bay noqdeen Cali wuxuu tarayo reer Wayde
Hadaad tuulo joog tahay Suweys looma toocsado eh
Tayo ma laha naagtuu qabiil kuu tartamayaaye
Nin la tuugayaa had iyo jeer taabbo gali waaye
Tareeshiinka noodh iyo waxaad talo adduun hayso
Togdheer waxa faqrigu kuu jiraa taakadaa qudha eh
Tol la’aanta iyo caydhu waa laba turxaanoode
Towtowlayaal waxa ka daran tuug ninkii dhalaye
Haddii talada lay dhiibayoy tayda noqonayso
Tolkay waxaan u soo rari lahaa tan aanu joognaaye

Labada Gabayba waxa ku jira oo lagu soo halqabsanayaa rag badan oo HJ ah oo Caydiid hortii Hargaysa (Herer) degenaa Sida Xuseen Turub, Cumar Xaaji Cali (Karbaash)iyo Xirsi Adan (Xirsi Dhancadde).

Lafcambe mar kale:

Gabaygan markuu tirinayay wuxuu ku muujinayaa sida uu uga xumaaday Geeridii Sheekh Bashiir oo rag xigto ihi sida la sheegay ka danbeeyeen shirqoolkii Ingiriisku ku dilay:

Ra’yi ma laha Giirow ninkii rag isu dhiibaaye
Raaciyadda nimankii ahaa reerihii tage e
Ruuxaygan uun baa Galbeed raaxo soo bidaye
Rakiig baan noqdaa Bari markuu ruux ka soo galo’e
Halkaad igu ruxaysaan qalbiga waan ka soo raraye
Nin raqdii Bashiir ogi dhankaa uma riyaaqeene

Inkastoo rubaabi iyo noodh raqamba meel yaallo
reerkii ladnaadaba tolkay raray xigaalkaa e
Raxmad uma leh Nuux, Yeesifkay riixi karayaane
Risiqiinni iyo kaayagii waysku ridateene
Ninkii rodol cirkaa dhigan lahaa reedhi loo noqoye
Raaxada Togdheer iyo Saraar Ruushan haw hadho’e

Cabdi Siciid (Cabdi Bulux) baa soo tiriyay tixdan canaanta ah waayo Lafcambe waxa dhalay Nuux waxaana uu ka qabay Nuux markiisii hore:

Tol xabiiba xidid kuu tudhiyo hooyo ku xanbaartay
Markaad xaaladaysnayd raggii golaha kuu xaadhay
Xurmo waalid waa garanayaa weled xalaaleede
Xayawaanku waa kala yaqaan xaafadduu yahaye
Xigto Baaniyaalladuba waysugu xubeeraane
Xaaraamiyohow Bari maxaad uga xishoon weydey.

Waxa isna dhankiisa Lafcambe u hiiliyay Maxamed Warsame (Xiinwaal):

Timir iyo halkii Giir Xuseen talada loo dhiibay
Meeshii ninkii taga sidii tuug la furanaayay
Tolxumaani waa waxaan u tagay Taagga Xabashaade
Caydiid hadii uu tabcaday tamarna uu yeeshay
Waakaa ku taajiray halkay lacagtu tuulayde
Mid tiriig la moodoon haween tamar ku gaadhaynin
Tugri lagu masaal buu ka helay Taaggii Laba Nuuxe
Maxaa loogu wada tookhayaa bari tabaalowye.

Abokor Cawad mar kale:

Ingiriis ka xeel dheer ninkay xoolo ku arkaane
Mar haday xisaab kugu tuhmaan Xaraf laguu jiidye
Sida xabashi waakaa Shirdoon kuu xidhiidhsadaye
Xarfadii Saraareed adoo xiiqsan baad imane
Raggayagan Xayaadee walwaal ka xigsimoonaaya
Iyo kaaga Xuunshada dhaqdaa waaba kala xawle
Nin xamaaranaayaa ma tago xero Ogaadeene

Lafcambe:

Xaraf iyo Hargaysaa nin raga lagu xurmeeyaaye
Ana aan xoriyadayda iyo xiiso ka helaaye
Xoolaad u waydee Galbeed kama xanaaqdeene
Xaamilo nin soo gowracoo xuladku qiiqaayo
Xaqiisiyo nimaan kala aqoon xoolo binu aadmi
Xaaraami uun baa u kaca xero Ogaadeene

Adna hadaad xalaal miirad tahay kuma xidhnaateene
Nin u Xidhan Xirsi Cismaan sidii Xabashi qaamoobey
Iyo ka aan xadnaba haysan baw xiiso-qooq badane
Nin xabaal qaryaaliyo ninkii la xaragaysiiyay
Ninba xaajaduu doonayaa waa xasilisaaye
Alaylehe xayaadkaagu waa xaawalaynimo e

Xeryohooda buuxaana waa xoolihii Bariye
Koluu xagarku sheegana mar uun baa la soo xidhiye
Ma Xashiish-cab baan ahay markaan Xodayo dhaan geeyo
Xagarboodhle iyo hawd maxaa igu xambaaraaya
Ma ilaahay baa igu xukumay xaaladaa aniga.

Abokor Cawad gabaygan wuxuu u tiriyay Caydiid mar beerihii uu ka iibsaday Hargaysa daad qaaday:

Tuskii da’aba dhoobadu hadday toban kun xaadhayso
Tiiraanyo-xoogsade waxaad tacabtay waa kaase
Timir iyo qodaal waxay ku badi tenegga caydheede
Tukuun baa ku cuni Herer ninkii soo tallaabsada
Adigoo tukubo dheer sitaad teer ku soo noqone
Sidayadaa Togyare geedo wayn toos la geliyaaye
Oo xoorka laga tuujiyaa tiixa karameede
Kol hadaanad Towlane aroos uga tusmaynaynin
Oon taanu naal iyo Banyare lagu tilmaamaynin
Waxba aniga hay tiigsanine tumo hadhuudhkaaga

Lafcambe ayaa maqlay Abbokor oo Berbera tagay soona kiraystay laba Midgaanood oo saamo u hoodhiya.

Habaryoonis waaguu la yiil Hererna caayaayay
Hataq buu dul joogee sidaa uma uu heerrayne
Hadhyar kuma uu meermeeri jirin hiliftii gaabnayde
Nin Midgaano hoy kula jiroo harag la jeexaaya
Hablihii Xirsi Cismaan haddii Howlo laga doortay
Huruunshadiyo xaydhii hadduu Hawd ka jiri waayay
Mar hadduu hunguri taabac yahay sida hindoo caydha
Maxaa laga hayaanadinayaa wuu hadaadumaye
Haasaawihii iga xumaa inaan la haystaaye
Hawo kala dhaqaaqdee berraa hoodhku ku cadhayne
Intaad aniga ii heedan tahay huurso qudhunkaaga.

Abbokor Cawad halkan wax uu ku xusay Faadumo Galbeed oo ag xaaskii Lafcambe guursaday:

Faadumo Galbeed waxay waddaa fayl usoo jara e
Fal baa u yaal Hargaysaba ninkii feella reer Bariye
Ma fadhfadhiyo ficidkiyo hadduu fuudka laasimo e
Wax badan baan intaan fooq u baxay fidiyay laanjeere
Inkastoon faraqo taydu waa igu filaataaye
Faydiyo khasaaraba bakhayl laga fil roonaaye

laanjeer= Long Chair ( kuraasta la isku kala bixiyo).

Lafcanbe mar kale (Faarax Dayr waa Abbokor soddoggii):

Faadumo Galbeed waad og tahay faashinkay tahaye
Faylkana ma goysee naftay faydo gelisaaye
Anaa furay inaad fooq kortood fidiso laanjeere
Foodhfoodhna waad tahay dhakhsana wow fasaqantaaye
Sidii fidhiqo lacagtaadu waa foore galabeede
Fii-aydhadii iibisoo faaruq kaa dhige eh
Foodsaar dareemiyo boggaa kugu filaanaaya
Fadhigaaga hoy le’eg Isaaq kaama filanayne
Nin fuyuujarkiisii xunyoo faanayaad tahaye

Falaagada ma raacdeen haddaad faydo leedahaye
Dhaaxaa nin farantaa u baxay fiid la qowlalaye
Inay fooqa kaa soo ridaan waa u faqayeene
Faxalnimada oday waalanoo fooraraad tahaye
Fiiradii wax lagu haysan jiray waa lagaa falaye
Far ma saarinoo reer Galbeed furanna maayaane
Fijaan igama quban Herer wixii foocsanayd lacage
Faydiyo khasaaraa mid uun foodda loo geline
Adna waxaad faqiir tahay intaan foosku baabi’ine
Car yaan Faarax-Dayr kaala bixin foolashaa sare bal.

Lafcambe: (Giir oo Abokor Cawad abti u ahaa inantiisana qabay baa u yimid Lafcambe oo waydiistay in uu kala hadlo Abbokor oo lacag uu ku lahaa ha siiyo):

Dhoobada Berbera maalintii dhalad laguu sheegtay
Dhooliga raggii kugu sidee dhididku caaryaystay
Dhulka inankii kaa qaaday baad dhicis u quudhaaye
Dhuunyaale yohow sowdigaa dhibaya Giir maaha
Dhakhsaa loo nacaa gabadh hadduu dhaco adoogeede
Nin hadduu dhallaankiisa cuno dhul isku aafeeye
Kama dhaco dhurwaagii fadhiyay dhagixii Caymeede
Dherya-jebis gaboo baa hunguri dhiidhi geliyaaye
Dhankuu naga xigaan tol iyo xidid lagu dhaqaalayne
Dhabbaduu maraba ceebtu waa nooga dhowdahaye
Dhooqeeye maantana miyuu dhabannohays reebay!
Dhulku kula go saw kaa hablii dhaashi tiray maaha!

Abbokor oo la hadlaya nin la yidhaahdo Cali Xariir oo wakhtigu ku yar adkaa wuxuu ku halqabsanayaa rag uu Lafcambe ku jiro:

Allihii Maxamed Qowle iyo Cumar qadaysiiyay
Ilaahii Qasbaayena sidii qaaddi wax u dhiibay
Caydiidna qoloftii ka ridee qiimad kore saaray
Qasnaddii Xariirow ma madhan Qaaddir meel dhigaye
Qaarahakan tuur yaan hunguri qowyo kaa ridine

Caydiid ayaa maqlay oo yidhi:

Qurbaawiga gaboobaa hadduu qado hore u waayo
Qalbiga iyo iimaanku waa qaro yaraadaane
Qalloociyo xumaantu uga fudud qiiq sigaar shidane
Adduunyada nin qaybtiisii cunay qaarna ku amaahday
Ma qumnana Qasbaayiyo inuu qado majeertaaye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*