Waa kuma Leo Tolistoy

Leo Tolistoy

Magaciisa waxaa kale oo loo qoraa Lev Tolstoj. Wax uu noolaa sannadkii 1828 ilaa 1910. Dhalashadiisu wax ay ahayd Ruush. Wax uu ahaa hormuudka sheeko faneedda dunida, waxaana halabuurkiisa bogaadiyay mucjisadii sheeko faneedda ee ay is ku dalka iyo is ku casriga ahaayeen, waa Fjodor Dostojevskij (Fiyodoor Dojofiski). Tolistoy aniga ilaa yaraantaydii wax uu ii ahaa tusaalaha wanaagsan ee sheeko faneedda iyo u xilqabidda dadnimada. Labadiisa sheeko faneed ee mahadhada reebay afkeenna wax ay ku noqdaan “Dagaal iyo nabad” iyo “Ana Karenina”. Wax uu ahaa nin wanaagsan oo gob ah, in uu ahaa nin wanaagsan oo gob darteed baan halkan u gu xusayaa.

Tolistoy wax uu ka dhashay dabaqaddii sare ee Ruushka, wax uu se ku dambeeyay sabool khammaaryahan ah oo qaamaysan. Wax uu ku barbaaray rajaynnimo iyo agoonnimo, sida ay halyeeyada dunidu u badan yihiin. Wax uu Jaamacadda ka dhigtay sharciga iyo haddana aqoonta afafka iyo diimaha Bariga Dhexe, gaar ahaan Af Carbeedka iyo Afka Turkiga, Quraanka iyo xadiisyada Rasuulka aad buu u daraaseeyay, wax uuna ka qoray buug uu ciwaan u ga dhigay “Murtidii Nebi Maxamed”. Laakiin aqoonihii uu jaamacadda u galay midna ma uu dhammaysan waayo xaaladdiisa nafsiga ah ayaa aad u xumayd. Wax uu ku biiray ciidanka Ruushka, wax uuna ka soo shaqeeyay gobolka Jejiiniya ee muslinka ah. Sida la hubo Jejiiniya ayaa si walba u saamaysay, halkaas buuna ku bilaabay qoraannimada oo halabuurkiisa u gu fiican ku qoray. Sheekooyinka uu berigaa muslinka ka qoray waxaa ka mid ah labada buug ee gobannimada badan ee “Xaaji Muraad” iyo “Kaasaak”. Markaa ka hor wax uu ka qaybgalay Dagaalkii Ruushka ee Krem sannadihii 1853 ilaa 1856.

Wax uu ahaa nin dadnimo badan, nin fikir ahaan fallaag ah, nin isdiiddooyin badan, nin rooxaani ah, nin weligii baadigoob u gu jiray helista Ilaahay iyo garashada runta nolosha. Wax uu ahaa nin ay ku dhacday mixnad ama hoog nafsiyadeed caqiido ahaan, tabtii caalimkii muslinka ahaa ee Abuu Xaamid al-Qasaali. Badhtamihii 1850-nadii ilaa 1861 socdaal dheer oo uu Yurub ku ka la bixiyay ayaa saamayn ku yeeshay, gaar ahaan sannadkii 1857 oo uu magaalada Baaris ku daawaday dad la xukundilayo. Berigaa wax uu Faransiiska ku la kulmay mucjisadii kale halabuurka dunida, waa Victor Hugo kaas oo la hubo in uu wax badan ka bartay, gaar ahaan falsafadda akhlaaqda. Hoogga nafsiyadeed wax uu galiyay in uu noqdo cilmibaadhe, filasoof iyo halabuur, diinlaawe, masiixi, muslin iyo keenadiid intaba. Aragtidiisu u gu dambayn wax ay salka dhigatay rumaynta furan (iimaan mudlaq), wax uuna qaatay aragtida nabdoonaanta afka qalaad la gu dhaho pacifism, oo macnaheedu yahay in dadku khilaafkooda ka ilaaliyaan gacan ka hadal. Xitaa wax uu ka kufriyay dawladnimada, waayo dawladdu waa awood loo adeegsado dulmiga, ayuu yidhi. Sida aan ka helay Wikipedia warqad uu saaxiibkii u diray wax uu ku qoray: “Runtu wax ay tahay, dawladnimadu waa xeelad loo abuuray in dadka la ga ga danaysto oo la gu musuqmaasuqo. Sidaa darteed maanta la ga bilaabo u ma adeegi doono dawlad, marnaba iyo meelnaba.”

Tolistoy wax uu dhambaallo ku la xidhiidhay dad badan oo muslin ah, gaar ahaanna wax ay warqadaha ku saaxibeen Maxamed Cabdo oo ahaa caalimkii weynaa, cusbooneeyihii fikirka Islaamka, ahaana muftiga Masar. Qaddarin weyn buu u hayay Islaamka (faallada kowaad ka arag labadii dhambaal ee u gu horreeyay ee ay is dhaafsadeen Maxamed Cabdo iyo Leo Tolistoy)

Sannadkii 1861 wax uu guursaday Sofiya Behrs oo u dhali doonta 13 ilmood oo badhkood saqiireen.

Tolistoy wax uu halgan adag u galay in aan la siin abaalinta suugaanta dunida ee Nobel taas oo loo la diyaar ahaa. Tabtii filasoofkii Faransiiska ee Jean-Paul Sartre wax uu diiddanaa in la faragaliyo maskaxdiisa, akhlaaqdiisa iyo arsaaqdiisa.

Sannadkii 1910 isaga oo socdaal ah oo tareen saaran buu aad u xanuunsaday, wax uuna u dhintay xanuun sambabbada ah isaga oo 82 jir ah. Tuuladii uu ku dhintay isaga ayaa loo gu magacdaray. Sidii dhaqankii ahaa aaskiisa ma ay iman qoladii kaniisaddu, waayo gaal bay u yaqaanneen, waxaa kale oo la dhahaa isaga qudhiisa ayaa diiday in baadderiyadu maydkiisa ka soo ag wareegaan. Isaga iyo wadaaddada Masiixigu wax ay aad u gu colloobeen in uu ku diiddanaa sida ay diinta u gu danaystaan ee dadka u dullaystaan iyaga oo magaca Ilaahay adeegsanaya. Sababtaas bay u gaalaysiiyeen sannadkii 1901.Dad badan baa qaba Tolistoy in uu muslimay oo qarsanayay, se la ma hayo wax caddayn ah. Xaqiiqadu wax ay tahay iimaankiisu diin qudha ku ma koobnayn oo diimaha oo dhan wuu bartay wuuna jeclaa: Masiixiyada, Islaamka, Buudiska iyo Hinduuskaba. Waxaa kale oo xaqiiq ah la ga bilaabo konton jirkiisii in uu noqday taqi saahid ah oo dhawrsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*