TAARIIKHDA QADIIMKA AH EE DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED

CUTUBKA KOOBAAD: DALKA

HORDHAC.

Inkasta oo dadka Soomaaliyeed badankoodu aaminsanyiin in ay yihiin tafiir ka hartay odayaal Carbeed oo ka soo haajiray jaziiradda Carabta wixii ka dambeeyey soo ifbixitaankii diinta islaamka, haddana taariikhda gayiga Soomaaliyeed iyo dadkiisu ba waa ay ka facwayn yihiin sida ay dadkaas la tahay.

Raadraacyada cilmi-afeed ee af Soomaaliga lagu sameeyey, oo waliba kooban, ayaa ina tusinaya in uu afkeennu yahay mid ka mida kuwa ugu qadiimsan afafka caalamka. Marka aad ogaato in af Soomaaligu bahwadaag la yahay afaf kummannaan sano ka hor dabargo’ay, ayaad garawsanaysaa in afka iyo dadkiisuba yihiin kuwo ka facwayn odayaal Carbeed oo hijro ku yimid.

Dhanka kalana, raadraacyada taariikheed ee ay ka tageen taariikhyahannadii hore ee dalkeenna booqday ama wax ka qoray ayaa iyana meesha ka saaraya afkaarta khaldan ee aynu iska aaminsannahay ama cid kale inaga aaminsantahay.

Ogaal la’aanta aynaan ogayn taariikhdeenna qadiimka ah, ayaa sasab u noqotay in aynu noqonno umad ay dhibaato wayni ka haysato xagga cirqiga. Qalalaasaha cirqi ( Identical Crises) ee inagu dhacay ayaa sababay in aynaan ka tirsanayn dadyowga aynu oodwadaagta nahay midkoodna, iyo in aynaan lahayn jaal iyo bahwadaag hoose toonna.

Inaga oo ah ummad madow oo ku nool qaaradda Africa ayaynu haddana nahay kuwo qariib ku ah qaaradda iyo dadkeeda ba, maxaa yeelay aaminsanaanta aynu aaminsannahay in aynu nahay muhaajiriin doola ayaa inaga hor istaagtay aqbalaadda dadka aynu midab-wadaagga nahay.

Dhanka kalana, Carabta oo aynu aaminsannahay in aynu dhiig iyo dhalashaba la wadaagno ayaan wali garawsan sheegashadeenna marka laga reebo ka mid ahaanshaheenna Jaamacadda Carabta.

Qalalaasaha cirqi ee aynu qabno iyo u dhicid la’aanta aynaan dhanna u dhicin ayaa sabab u noqda in aynu guuldarro kala kulanno marka aynu cid kale arimo masiiriya isku hayno.

Qormooyinkaan oo ahaan doona kuwa xiriira ayanu uga hadli doonnaa in Soomaalida iyo dhulkeeduba ka facwaynyihiin sida ay iska aaminsantahay. Waxa aynu soo bandhigi doonnaa taariikhda qadiimka ah ee uu dhulka Soomaalidu lahaa iyo xiriirkii dhaqan-dhaqaale ee uu la lahaa bulshooyinkii kale ee caalamkoodii kula noolaa. Qormooyinkaani waxa ay inoo bayaamin doonaan oo ay beenayn doonaan in aynaan ahayn ummad soo galootiya oo aan lahayn taariikh qadiima. Waxaa kale oo ay ina bari doonaan in aynaan ahayn geed kaligiis meel ka baxay ee aynu nahay ummad ka mida beelwayn wadaagta af, dhaqan iyo dhalashaba.

Waxa aynu qoraalkeenna u kale qaybin doonnaa labo cutub oo mid waliba ka koobnaan doono dhawr qaybood. Cutubka koobaadi waxa uu ka warbixin doonaa dhulka. Waxa uu sharrixi doonaa taariikhdii qadiimka ahayd ee uu dhulku Soomaalidu lahaa iyo xiriiradii ganacsi ee uu la lahaa caalamkii qadiimka ahaa. Waxaa kale oo uu cutubkaasi inoo soo gudbin doonaa qoraaladii ay taariikhyahannadii hore gayiga Soomaalida ka qoreen.

Cutubka labaad ayaa isagu ka hadli doona dadka Soomaaliyeed. Cutubkaan oo ka guda waynaan doona kii ka horreeyey ayaa diiradda saari doona dadka Soomaaliyeed iyo taariikhdoodii hore. Waxa aynu cutubkaan ku eegi doonnaa circiga dadka soomaaliyeed, halka ay ka yimaadeen, cidda ay bahwadaagta la yihiin iyo saida uu afkooda iyo dhaqankoodu xiriirka ula leeyahay bulshooyinka ay bahwadaagta yihiin.

Dabcan waxaa aynu daliishan doonnaa wixii ay taariikhyahannadii hore sida Giriiggii, Roomaankii iyo Carabtii hore ay dalka iyo dadkii ku noolaaba ka qoreen. Addiladaas ayaynu saldhig uga dhigi doonnaa in dadka laga hadlayaa ay yihiin awoowayaashii hore ee Soomaalida, taas oo meesha ka saari doonta in aynaan ahayn farac ka haray awoowayaal kol dhow soo haajirey ee aynu nahay asal qadiima oo wali kobtii lagu beeray ku sugan. Waxaa kale oo uu cutubkaani ka jawaabi doonaa carab sheegashada Soomaalidu in ay sal iyo xujo leedahay iyo in kale.

Waxaa aad qoraalladaan dhammayn doontaa adiga oo qaba fikrad ka gaddisan middii aad ka aaminsanayd dhulka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxa aad dhammayn doontaa adiga oo aqoon kororsaday shakina uusan kaaga jirin cirqiga dadkaaga.

La soco qaybta koobaad.

Mohamed Ahmed Elmi.

Share this:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*