Taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa war kasoo saaray weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee maanta ka dhacay xarumo muhiim ah oo kuyaal Muqdisho.
Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay sababta ay ciidamadoodu ubeegsadeen Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, isagoo faah faahiyay khasaaraha dowladda kasoo gaaray weeraradii maanta.