Home » Wararka » 7 Askari Kenyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Gobolka Laamu.

7 Askari Kenyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Gobolka Laamu.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo ciidamada Kenya lagula beegsaday gobolka xeebta ku teedsan ee Lamu.

Wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in gaari tiknika ah oo ay la socdeen ciidamada booliska Kenya lagu qarxiyay inta u dhexaysa deggaannada Haluuqa iyo ijaara oo kawada tirsan gobolka Lamu.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo kamid ahaa ciidamada Booliska Kenya.

Miino dhulka lagu aasay ayaa burburisay gaari nooca loo yaqaan Kooyalka oo ay isticmaalayeen ciidamada Booliska, warbaahinta maxalliga Kenya ayaa iyana xaqiijisay in qarax lagu weeraray gaari boolis balse waxay yareysay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxa.

Somalimemo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: