Home » Aragtida Dadweynaha » Afku Waa Maxay ?… Abwaan Gaariye AHUN

Afku Waa Maxay ?… Abwaan Gaariye AHUN

Muxadaradii Abwaan Gaariye AHUN u Afka kaga Hadlayey ……………………. oo aan Qoraal ku sameeyey………………………..
waxa aan dhegeystay toddoba sanno ka hor, dabadeed waxa aad i cajabiyey sida qiimaha leh ee uu u sharaxay marxuunku, anna waxa aan isku deyey inaan wargeysyada qaar ka mid ah ku qoro si ay dadka aan dhegeysan uga faa’iidaystaan, laakiin iimay suurtoobin…. maalin dhoweyd oo aan dib u eegayey waxyaabihii aan qoroqori jirey ayuun baan arkay qoraalkan oo meel iigu kaydsan, dhawr jeer ayaan dib u akhriyey wuxuu ila noqday qoraal aanan waligay akhriyin amma aanan dhegeysan bal ila akhri haddii aad waqti u hesho saaxiib wuxuu ka kooban yahay laba qaybood oo kala dambeeya waatan qaybtii 1aad.

Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay Abwaanku…Marka hore waxaan doonayaa in aan laba erey ka idhaahdo Afka, maadaama u Afku yahay ka suugaanta dhala, laakiin inta aanan bilaabin bal aan ka hadlo Afku waa maxay?…. inagu waxaynu ugu magac darnay halka u ka soo baxo hadalku oo waxaynu nidhaahnaa Af, tusaale ahaan Af-carabi, Af-soomaali amma A-finigiisi, sidoo kale dadka lagu magacaabo Kushatiga ee aynu ka mid nahay iyaguna waa sideena oo kale oo Canfarta iyo Oromaduba waxay yidhaahdaan Af.

Dadka ku nool qaarada Yurub intooda badani markay Afka sheegayaan waxay adeegsadaan ereyga Langue oo Afka Faransiiska ku noqonayaa Carrab, sidoo kale waxa la mid ah Talyaaniga iyo Ingiriiska, iyaguna waxay ugu magac dareen carrabka dhaqdhaqaaqaya ee hadalka samaynaya.

Si kastaba ha ahaatee Afka ayaa suugganta dhala waana karaamo Ilaahay dadka siiyey oo u gaar ah banii’aadamka oo keliya, inay dadku wada hadlaan waa nimco ka mid ah galladaha ballaadhan ee Ilaahay dadka ku manaystay.
Ilaahay markuu Jinka iyo Insiga ugu mano sheeganayo nimcooyinka u siiyey waxa ugu horreyaa waa hadalka….. Khalaqal Insaan Calamahul Bayaan……… hadalku waa waxa sababay in qofka la xisaabiyo , waayo, Dameeraha iyo Xoolaha kale lama xisaabiyo ileyn ma wada hadlaane, tusaale ahaan Dameerku malaha erey uma kaydsana (zero Vacaboulary) marka laga reebo inuu yaqaan eryga Kir, haddiise u hadal yeelan lahaa mid kastaa wuxuu caruurtiisa u sheegi lahaa inay meesha iska yaacaan si aan loo raran.

Hadaba Afka waxaynu ku soo ururin karnaa qoddobadan soo socda:

· Afku mar waa xidhiidhiyaha dadka
· Marna waa kaydka ilbaxnimada adduunka
· Mar kalena waa qalabka lagu fikiro

Tusaale ahaan qofku hadii u fikiro wuxuu ku fikiraa oo keliya inta erey ee u hayso lagama yaabo inuu ku fikiro wax ka baxsan ereyada ku kaydsan, sidoo kale ilamaha yari intuu caga-bidhaynayo wuxuu urursanaa ereyada lagaga hadlayo degaanka u joogo, maalinta ugu horeysa ee uu ereyadaas shaqo geliyo ayey dadku xasuustaan waqtiyada dambe oo ay yidhaahdaan waqtigaas ayuu hadalku u bilaabmay.

Xadaarada u dadku sameeyey wuxuu ku sameeyey xidhiidhka ka dhexeeya, sidaa ayeynu sharaabanaynaa xadaaradihii inaga horeeyey oo u ina soo gaadhsiiyey hadalku, hadalka iyo fikirku waa laba aan kala maarnim oo marka aan idin la hadlayo waan fikiraayaa, qofku intuu soo jeedo wuu hadlayaa ha la maqlo amma yaan la maqline oo wuxuu istaadhmaa markuu aroortii tooso waxaanu fikirkiisu dhammaadaa markuu seexdo.

Hadalka qiimahaas leh ayaa hadduu caano ahaan lahaa suugaantu waxay noqon lahayd labeentiisa, waa inta ugu quxuda badan ee hadal leeyahay, suugaantu waa isku mid oo si ayey u wada qaybsantaa waxay u qaybsantaa tix iyo tiraab.

Waxaan nasiib u yeeshay inaan ka qayb galo guddidii Af-Soomaaliga qoraysay, waxa loo baahday erey bixinta labada erey ee Ingiriisiga ah ee kala ah poem and barrows, haddii aad u fiirsataan afafka suugaan afeedka ku shaqeeya wax qorani ma jiraan, markaa xasuusta la xasuusanyo wixii la yidhi way adkaataa waxa arrinkaa lagu xaliyey xaraf raac, sida Tix iyo Tiraab oo hore loo xasuusan karo.

Waxa la is raaciyaa lammaanayaal tusaale ahaan tixi iyo tiraab, raq iyo ruux war iyo wacaal. Jog iyo Jiif, Ab iyo Abno, Dooc iyo Dareen, Xeer iyo Xaagaal, waxa loogu talo galay inay xasuusta fudueeyaan.
Haddii iminka neef la qalo wuxuu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah So iyo Saan, marka saanta laga tago waxay u qaybsataa Laf iyo Lud, marka lafaha laga saaro waxay u qaybsantaa Jiidh iyo Jibaadh.

Maarka geedka la tago xeer beegtida soomaalidu lahayd ereyo xeerka loo adeegsdo kiiska Somali dhexdeeda ka dhaca, waxay u qaybiyaan dacwadaha laba qaybood oo kala ahaa Dhur amma Dhaqan, dhurku waa kiiska ku saabsan dhiiga, dhur haddii la yidhaahdo, waxa la isa sii weydiin jirey ma qudhbaa mise waa qoon, dhaqankana ma xilaa mise waa xoolo, xilhu waa arrimaha ku saabsan guurka, xoolo haduu yahanyna wax la odhan jirey ma Barbaa mise wa Beer, (Bar) hadduu noqdo ma Maqganbaa mise waa Mooro,( Mooro waa xoolo xero ku jira) waxa isku qabsada dad dhaxal wadaaga. Magan waa kuwii baadi kuugu yimmaada, amma dhac kuugu yimmaada….. la soco qaybta labaad…

Xigasho: Beershiya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: