Home » Wararka » Africom Oo Qirtay In Askari Lagaga Dilay Somaliya & Donald Trump Oo Ka Tacsiyeeyay.

Africom Oo Qirtay In Askari Lagaga Dilay Somaliya & Donald Trump Oo Ka Tacsiyeeyay.

Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa “Africom” ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku qirtay warka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ee ay ku sheegatay in Weerar ay qaadeen ku dileen Askari Maraykan ah, kuwo kalena lagu dhaawacay.

Africom waxay qirteen in Koonfurta Soomaliya lagaga dilay Askari Ameerikaan ah, halka afar kalana laga dhaawacay.

Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka ayaa bartiisa Twitterka uu ku leeyahay wuxuu kaga hadlay Askariga Soomaaliya lagaga dilay, waxaana uu ehellada askarigaas la dilay iyo kuwa dhaawacmeyba uu uga tacsiyeeyay musiibada ku dhacday.

“Waxaan u duceynayaa ehellada Askarigeena la dilay, iyo saaxibadiisa ku dhaawacmey Soomaaliya, dhabtii dhamaantood waa geesiyaal” ayuu yidhi Donald Trump.

Ciidamada Maraykanka ayaa ka howlgala gobollada kala duwan ee ay ku suganyihiin Shisheeyaha, waxaana marar badan gaadha khasaare ballaadhan oo lixaad leh, inkastoo ay naadir tahay iney qirtaan, sida hadda dhacdey oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: