Home » Wararka » AKHRISO: Khasaaraha Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Deggaanka Ceel-Afweyn + Mas’uul Laga Waraystay (DAAWO)

AKHRISO: Khasaaraha Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Deggaanka Ceel-Afweyn + Mas’uul Laga Waraystay (DAAWO)

Wararka Ka imanaya Degmada Ceel-Afweyn Ayaa Sheegaya In Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Deeggaankaasi Uu Sababay Khasaare Xoogan, Kaas Oo Isugu Jira Dhaawac Iyo Dhimasho.

Dagaalkani Ayaa sida lagu warramayo Sababay Dhimashada 15 Qof Iyo Tiro Kale Oo Dhaawac ah.

Xaaladda Degmada Ceel-Afweyn Ayaa Hada Degan, Mana Jirto Wax Dhaq-dhaqaaqyo ah oo Ka Socda Magaalada Gudaheeda Marka Laga Reebo Ciidamo Dhex Wareegaaya Gudaha Magaalada Ceel-Afweyn.

Mid Kamida Weriyaaysha Ku Sugan Degmada Ceel Afweyn Ayaa Shebekadda BurcoOnline.com U Xaqiijiyey Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkani. Sidoo Kale Odayaal Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolada Sool, Sanaag Iyo Togdheer Ayaa Deegaanadaasi Maanta Ugu Anba Baxay Safar Kuwaas Oo Ka Qayb Qaadanaaya Sidii Labada Beelood Loo Dhex Dhigi Laha Xabad Joojin.

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq deg deg ah u diray labadan Beelood, waxaanu ku booriyey inay xabadda joojiyaan, Isagoo dadweynahana ugu baaqay in aan loo kala hadhin oo ay kala Qayb-qaataan gurmadkaasi lagu joojinayo dhiiggaasi daadanaya.

Ciidanka Qaranka oo saakaba ku ruqaansaday deggaankaasi ayaa la sheegayaa inay kala dhex-galeen labadii beelood, xabad-joojinna ka hir-galiyeen, tan iyo galabtana degenaansho kusoo celiyeen xaaladda deggaannadaasi.

Info@foolaad.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: