Home » Wararka » Al-Shabaab Oo Maanta Dhagax Ku Dishay Gabadh Guursatay 11 Nin

Al-Shabaab Oo Maanta Dhagax Ku Dishay Gabadh Guursatay 11 Nin

Fagaare ku yaalla degmada Sablaale ee Gobolka  Shabeellaha Hoose ayaa maanta barqadii waxaa ka dhacay xukun  rajmi ah (Dhagax-ku-dil Ah) oo lagu fuliyay haweenay Lagu magacaabo Shukri Cabdullaahi Warsame, Waxaana goobjoog ka ahaa boqolaal dadweynaha degmada ka mid ah.

Shukri Cabdullaahi oo 30 jir ahayd ayaa guursatay 11 nin, waxaana ka dhintay hal nin mid kalena wuu furay, iyadoo haatan si qarsoodi ah Xaas ugu ahayd 9 Nin oo kala duwan, sida lagu sheegay xukunka Maxkamada, Sida ay goor dhawayd baahiyeen war-fidiyeennada Xarakada Al-Shabaab.

Waxa ay ahayd hooyo leh 8 caruur ah oo todobo Ka mid ah ay u dhashay ninkii ugu horeeyay ee waalidkeedu ay siiyeen laguna ogaa. Halka Cunugga sideedaad ay dhashay intii ay u dhexaysay Raggan faraha badan ee kala duwan.

Falkan ayaa soo if-baxay kadib markii Shukri ay isku qabsadeen laba nin oo mid kastaaba uu ku doodayey  in ay Xaas u ahayd waxaana markii dambe soo baxay rag kale oo iyaguna sheegtay in shukri ay u dhaxday oo Xaas ay u ahayd.

Mid ka mid ah Garsoorayaasha Xarakada Al Shabaab  oo xukunka riday ayaa goobta ka sheegay in Shukri Cabdullaahi ay qiratay eedda loo soo jeediyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: