Home » Wararka » Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qarax Lagu Dhaawacay Sarkaal Ka Tirsan CID-da.

Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qarax Lagu Dhaawacay Sarkaal Ka Tirsan CID-da.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhax dhacay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta CID-da ayaa sababay dhaawac culus oo soo gaaray sarkaalkii bartilmaameedka ahaa.

Sarkaalka dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa Xarbi Dhegeey wuxuuna kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa dambi baarista dowladda Federaalka, qaraxyada gaadiidkooda loogu xiro saraakiisha dowladda ayaa kusoo badanaya degmooyinka gobolka Banaadir.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

SomaliMeMo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: