Home » Wararka » Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qarax Lagu Dilay Sarkaal Turkish Ah.

Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qarax Lagu Dilay Sarkaal Turkish Ah.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu dilay sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga oo shalay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Jugta qarax xooggan oo maanta duhurkii laga maqlay xaafado katirsan degmada Hodon ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa ayaa haleelay gaari nuuca soomaalidu utaqaan Qooqan waxaana saarnaa sarkaal Ajnabi ah oo u dhashay dalka Turkiga sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lagu dilay sarkaalka katirsan dowladda Turkiga.

“Mujaahidiinta ayaa qarax ku dilay sarkaal katirsan dowladda Ridada Turkiga oo ka howlgelayay saldhigga Meleteri ee Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

Al-Shabaab waxay sheegtay in dhammaan saraakiisha Turkiga ee ku sugan dalka Soomaaliya ay bartilmaameed sharci ah u yihiin sababa la xiriira iyagoo qeyb ka noqday duullaanka gardarrada ah ee lagusoo qaaday dalka
dhinaca Saraakiisha Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu ku dhintay Nin Injineer Turki ah waxaana dhaawacmay qaar kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa.

Dowladda Turkiga ayaa qeyb ka ah dowladaha faragelinta kusoo sameeyay Soomaaliya waxayna Turkigu Muqdisho ku leeyihiin saldhig Melleteri oo aad uweyn.

Amiirnuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: