Home » Wararka » Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Lagu Dilay Xildhibaano & Saraakiil Oo Ka Dhacay Duleedka Balcad

Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Lagu Dilay Xildhibaano & Saraakiil Oo Ka Dhacay Duleedka Balcad

Weerar dhabbagal ah oo ay dhigeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu dilay saraakiil iyo Xillibaano katirsan maamulka Hir-Shabeelle ee uu hogaamiyo Waare.

Kamiinka ayaa ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana lagu dilay ugu yaraan 12 ruux oo labo kamid ah yihiin Xillibaano katirsan maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil sar sare oo katirsan maamulkaas.

Xillibaanada la dilay waxaa lagu kala magacaabaa Daahir Mukhtaar Cabdulle iyo Xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilowle.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha dhexe ninka lagu magacaabo Muuse Afweyne ayaa sidoo kale kamid ah mas’uuliyiinta lagu laayay howlgalkan fariidka ah.

Xassan Dhegey oo ahaa taliyaha gaarka ah ee ilaalada madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle ayaa sidoo kale kamid ah Saraakiisha lagu dilay Kamiinka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dagaalka ku qabsadeen labo gaari, inkastoo markii dambe ay gubeen, waxaana jira hub kala duwan oo ay gacanta ku dhigeen Mujaahidiinta.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa aad u hadal haya gumaadkan loo geystay xubno muhiim ah oo katirsnaa maamulkaas, waxaana cabsi ay soo wajahday saraakiisha iyo xillibaanada maamulkaas ee ku sugan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Xigasho: Radio AlFurqaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: