Home » Aragtida Dadweynaha » Aljazeera Iyo Warbixintii “Dagaalka Dekadaha” Waydiimo Jawaab U Baahan!

Aljazeera Iyo Warbixintii “Dagaalka Dekadaha” Waydiimo Jawaab U Baahan!

Tan iyo kolkii la xayaysiiyay muuqaalka “Dagaalka dekedaha” oo qayb ka ahaa barnaamijka “Masaafat Sifr” oo Weriye Salaam Hundaawi ay u diyaariso Aljazeera, waxa aan ka mid ahaa kumannaan qof oo sugayay, xalay 10:05pm ayaanu barnaamijkaasi soo galay.

Waan hubaa oo ilaa kolkii barnaamijkaasi uu soo baxay waxa aan arkayay asxaab badan oo mid kastaa uu dhiniciisa uga dareen celinayo. Inta badanna asxaabta mid kastaa waxa uu xoogga saarayay dhinaca uu kolka horeba u janjeedho inuu u jiido ujeedka barnaamijka.

Waxa aan qoraalkan isku dayayaa in wixii iiga baxay aan idin la wadaago, waydiimo ay tahay in si dhab ah looga jawaabana aan mid qayb kasta daba dhigi. Sidoo kalana intaanan gelin aan saddex qodob ka horraysiiyo.

1. Aljazeera waxa aan ka mid ahay dadka sida dhow ula socda, waxana aan si maalinle ah u daawaday wararka iyo barnaamijyada kala duwan ee ka baxa. Waxa aan la socodkaas badan ka korodhsaday in aan si fudud marar badan u kala garan karo meelaha ay dhinac ka rarayaan iyo kolka ay soo bandhigayaan xaqiiqooyin la taaban karo.

2. Aljazeera waxa u ah astaan u ah “Aragti iyo aragtida kale” oo ah in dhammaan dhinacyada warbixintu khusayso la gaadho si war sugan loo soo saaro. Taasna muuqaalkan dhexdiisa ayaad ka dheehanaysaa, tusaale ahaan waxa ay xidhiidh la samaysay Salaam Hundaawi DpWorld iyo Dahabshiil oo labadaba warbixinta lagu sheegay.

3. Sidaas oo ay tahay waxa aan hubaa in Aljazeera ay tahay shirkad warbaahineed oo laga leeyahay dal ay is hayaan Imaaraadka oo inta badan warbixintani khusayso. Taas macnaheedu maaha in wax kasta oo muuqaalkani sheegayaa yahay dhab, sidoo kalana maaha dhammaan been la uruuriyay, keli ah innaga waxa inna khuseeya in aynu akhrino sadarrada dhexdooda oo wixii innoo dan ah aynu ka wada hadalno.

Qoraalkaygan inta aad akhriyayso waxa aan codsanayaa in aynu dhinac iska dhigno caadifadda, qof jeclaysiga iyo inaad fikirka aad qabto ku cabbirto waxa aan muuqaalka aan kasoo dheegay.

(1)
Jabuuti iyo dekeddeeda:
Jabuuti waa dawlad ugu yaraan dunidu ay ictiraafsan tahay, waa dawlad awood u leh in ay go’aan ka gaadho danaha dalkeeda, sidoo kalana iska celin karta cid kasta oo kusoo xadgudubta. Heshiiska Jabuuti iyo DpWorld waxa uu dhigayay in 50 sano dawladda Jabuuti aanay dhisan karin kaabayaasha dhaqaale oo dekaduhu ka mid yihiin. Taas oo ay u aragtay Jabuuti in la wiiqay doonisteedii sidoo kalana dagaal cad lagu qaaday horumarkoodii.

Waxa la waydiiyay guddoomiyaha dekedaha Jabuuti “Idinka oo arkaya waxa meesha ku qoran, maxaa idinku kellifay in aad heshiiskaas gashaan?” Waxa uu ku jawaabay “Khibrad la’aan naga haysay heshiisyada noocan ah iyo annaga oo aan haysan la taliyayaal hawlahaas naga caawiya”.

Dhanka kale waxa uu sheegay in kolkii DpWorld diidday in ay hagaajiso heshiiska ay iska saareen, waxana uu intaas raaciyay “Markii ay Usbuuc keli ah naga sii maqnayd DpWorld waxa ay Singapore noo soo dirtay 300.000 oo koontiinar, sidoo kale dawlado badan ayaa noo soo jeestay, waxa kor u kacay waxqabadkii dekedda, guud ahaan markii ay naga tageen Imaaraadku ayaa dunida oo dhami dhankayaga usoo jeesatay”.

Dhanka kale China ayaa Jabuuti soo degay, waxana uu tartan aad u kulul la galay Imaaraadka, waxana uu meesha ka saaray awooddii uu doonayay Imaaraadku inuu ku yeesho geeska.

Waydiimo?
1. Haddii Jabuuti oo dawlad ah ay DpWorld ku qasabtay in aanay 50 sano wax horumar ah samayn, sidoo kalana ay u diidday in ay dhisato kaabayaasha dhaqaale, innaga ma laga yaabaa in waxaas iyo wax ka daranba ay meesha innoogu qoreen?
2. Haddii Jabuuti ay ku cabanayso khibrad la’aan iyo in aanay hawshaas la taliyayaal kolkii hore u samayn, innaga xaalkeennu waa noocma?
3. Casharo ma ka baran karnaa haddii sida ay hadda DpWorld wax u waddo ay usii waddo in aynu bannaanka iska dhigno sida Jabuuti? Ugu yaraan shirkadihii sharci ee ay kiraysteen magacyadooda ma sii qoran karnaa?

(2)
Eritrea iyo DpWorld:
2015 waxa ay DpWorld u wareegtay Eritrea. Waxa ay la gashay heshiis 30 sano ah, ilaa maanta oo laga joogo 4 sano ku dhawaad waxa ay muujinayaan sawirada qamar sanaacigu qaaday (21 Nov 2018) in aan far la dhaqaajin, waxbana aan laga qaban . Keli ah waxa dekedda Casab ee dalkaas Eritrea ay sawiradu muujiyeen in ay ku xidhan yihiin 18 doonyood oo kuwa dagaalka ah. Sidoo kalana waxa ka haada diyaaradaha dagaalka ee xasuuqa shacabka reer Yemen, waxa intaas dheer in ay ka samaysteen Jeel dhulka hoostiisa ah oo ay ku qariyaan ciddii ay doonaan.

Waydiimo?
1. Haddii Eritrea oo ah dawlad dunidu ictiraafsan tahay ay DpWorld waxba iskaga tirin wayday. Dekeddeediina ay albaabada u laabtay muddadaas dheer. Ma dhici kartaa in innagana sidaas si la mid ah ay sannado badan ilkaha uun innoogu daawato, lacagteennana iska gurtaan sida ay haddaba sannad iyo dheeraad u marayaan iyagoo aan shalfad keenin?
2. Gegida Millatariga ee loo xidhay ma dhici kartaa in ummado kale oo Imaaraadka ay is hayaan lagaga duulo, sidoo kalana laga samaysto jeelal dadka lagu xasuuqo? Maxaa se diidaya miyaan la innoo diidin in aynu galno iyo in 70 mile oo badda u dhow ahba laga kalluumaysto?

(3)
Shirkadaha Turkida iyo Qadar:
Waxa muuqaalka meelo kala duwan kusoo noqnoqonaya heshiisyo ay dawladda Soomaaliya la gashay shirkado laga leeyahay dalalka Turkiga iyo Qadar. Waxa ay sheegtay in ay jiraan dekedda Muqdisho oo Turkigu gacanta ku hayo iyo dekedda Hobyo oo Qadar ay maalgalinayso, sidoo kalana waxa ay isbarbar dhig ku samaysay heshiisyada qolyahaas iyo DpWorld.

Waxa ku cad heshiiska Turkiga ee Muqdisho tusaale ahaan in 45% dib loo gelinayo hagaajinta dekedda, sidoo kalana waxa dawladda Soomaaliya iyo shirkadda Turkidu ay qaadanaysaa ay yihiin kuwo kala cad oo xukuumadda Muqdisho ay faa’ido badan ku qabto.

Waydiimo?
1. Heshiiska DpWorld ee ilaa hadda aan lahayn cid aragtay tolow ma sheegayaa wax loo gaar yeelay in lagu dhiso dekedda Berbera? Mise sidii qornayd 51% waxa leh DpWorld, 30% Somaliland iyo 19% xabashida oo in ay ka baxdayna la sheegayo? Haddii ta danbe ay tahay wixii dekedda galaya yaa laga doonayaa ma iyaga, mise innaga mise kuwa qarsoodiga kusoo galay, haddana in ay ka baxeen la sheegayo?

(4)
Daqiiqadda 28 & Berbera:
Waxa warbixintu intaas kaddib ay u daadagaysaa daqiiqadda 28aad Somaliland iyo heshiiska ay la gashay DpWorld. Kolka horeba waxa warbixintu caddaynaysaa wixii aan muddada dheer sheegi jirnay ee ah fikradda guud ee DpWorld ay u timi Berbera iyo geeska Africa. Fikraddaas guud ee DpWorld Oo ah in dekedahani aanay la tartamin kuwa Imaaraadka ee Jabal Cali iyo dekedda Dubai.

Waxa ay warbixintu sheegaysaa in ay jirtay shirkad Faransiis ah oo uu watay Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo la la galay MOU, isla jeerkaasna lagaga baxay, waxana si qaawan loogaga qaaday DpWorld. Haddaba halkee ayay DpWorld kasoo gashay Somaliland? Waxa muuqaalku caddaynayaa xidhiidho qoysnimo ku salaysan oo Jabuuti kasoo bilaabma, sidoo kalana qoyskii madaxwaynaha waqtigaas dhinac kasta kaga gedaaman.

Dhanka kale waxa muuqaalku isku dayayaa inuu ka jawaabo waydiimo ay ka mid yihiin, Maxaa loo qariyay heshiiskii dhabta ahaa? Muxuu ahaa wixii baarlamaanka la horkeenay? Ma jirtay cid diiddan heshiiskaas Iwm.

Waxa qayb ka ahaa warbixinta Dahabshiil, Somtel iyo dad gaar ah oo magacyadooda la xusay sida, Madaxwayne Siilaanyo, xaaskiisa iyo wiilka uu soddoga u yahay, qaybtaasina Soomaalida dhexdeeda waa midda aad ka loo hadal hayo oo waxa laga hadlayo kol kasta qofka ayaa kala wayn, kolkaa waxba ku darsan maayo iyada.

Waydiimo?
1. Shirkadda Faransiiska ah ee la sheegay in heshiiska hordhaca ah lagaga baxay maxaa ka jira? Haddii ay jirto ma la sheegay sababta loogu diiday, DpWorld na lagu siiyay dekedda Berbera?

2. Kolka horaba ma jiray tartan loo galay dekedda Berbera?

3. Heshiiskii ilaa hadda oo laba sano la marayo wali lama hayo, maxaa qarsoon ee aan wali la innoo sheegin?

4. Arrimaha Siilaanyo, Dahabshiil, Aamina, Baashe iyo cidda kale ee la xusay xaq ma u leeyihiin in ay caddeeyaan waxyaabaha la tibaaxay?.

Aljazeera inta aad meel iska dhigto bal jawaabo u raadi waydiimahan muuqaalka ka dhashay.

W/Q Xamse Cumar Kujoog.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: