Home » Wararka » Askar Iiraaniyiin Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobolka Kurdistan.

Askar Iiraaniyiin Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobolka Kurdistan.

Ugu yaraan 13 askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay gobolka Kurdiyiintu degaan ee shiicadu xoogga ku heysato.

Wararka ka imanaya Iiraan ayaa sheegaya in weerar xooggan  oo xoogag hubeysan ay ku qaadeen saldhig ciidan lagu dilay tobaneeyo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Shiicada Iiraan.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca Iiraan ayaa lagu xaqiijiyay in askar badan lagaga dilay weerarka oo ay ku sheegtay in uu ahaa “Weerar Argagaxiso”.

Koox Kurdi ah oo lagu magacaabo “Nolosha Xurta ah” ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka waxayna ku goodisay in ay sii wadi doonto halganka hubeysan oo ay kula jirto dowladda shiicada Iiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: