Home » Wararka » Askarta Maamulka Hirshabeelle Oo Dilal & Dhaawacyo U Geystay Dad Shacab Ah.

Askarta Maamulka Hirshabeelle Oo Dilal & Dhaawacyo U Geystay Dad Shacab Ah.

Wararka laga helayo deggaanka Qalimow oo qiyaastii 30-km dhanka Konfureed kaga began degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in ciidanka maamulka Hirshabeelle ay deggaankaasi ku rasaaseeyeen gaadhi ay dad shacab ah la socdeen.

Gaadhigan oo ay si badheedh ah u rasaaseeyeen ciidamadaasi ayaa ahaa nooca Hoomeyda loo yaqaano kaasi oo sida la sheegayo ka yimi dhanka magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar.

Inta la xaqiijiyay Rasaastaasi waxaa ku dhintay Labo ruux oo shacab ah oo mid ka mid ah ay Haweeney tahay. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux oo iyaguna ka mid ahaa Rakaabkii shacabka ee la socday gaadhigaasi.

Inta badan ciidamada dawladda ama kuwa maamul-goboleedyada iyo weliba kuwa AMISOM ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay dhibaateynta dadka shacabka ah, iyagoona dhowr jeer si badheedh ah u rasaaseeyay gawaadhi ay dad shacab ah la socdeen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: