Home » Aragtida Dadweynaha » Boobe Yuusuf Ducaale: Codkar Dhiirran iyo Qalin Irmaan W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Boobe Yuusuf Ducaale: Codkar Dhiirran iyo Qalin Irmaan W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Qofku inta uu noolyahay waxa habboon inuu ogaado kaalinta uu bulshada kaga jiro. Dabcan ma jiro qof odhan kara hebel waa uu wada saxanyahay. Maya, qof kastaa wax uu ku qaldanyahay baa jiri karta. Sidaa awgeed marka aad ka hadlayso qof waxqabadkiisa macnaheedu maaha inuu qofkaasi wax kasta ku qumman yahay. Intaasi waa uun iga afeef aan buddhig uga dhigayo qormadaydan kooban ee aan ku suntaday “Codkar dhiirran iyo Qalin Irmaan” oo aan tilmaan kooban kaga bixin doono Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale oo ku magac dheer BOOBE.

Boobe waxa uu safka hore kaga jiraa inta wax qorta sebenkan aynu joogno. Wuxuu si gaar ah waxa uga qoraa arrimaha Siyaasadda, Fanka iyo Taariikhda. Waxa ka muuqata qoraaladiisa waaya-aragnimada ballaadhan ee uu u leeyahay arrimaha uu wax ka qoray ama uu fagaarayaasha kaga hadlay. Inbadan baan magaciisa maqlayey, aragtina kollay malaa dhawr jeer waan arkay oo ay ka mid ahayd mar uu Stockholm noogu yimi dhammaadkii sagaashanaadkii baan qiyaasayaa inay ahayd. Waxaase aan toos ula kulmay Juun 2004 anigoo fasax ku jooga Somaliland. Waxa aan kula kulmay xaruntii hore ee Akademiyadda Nabadda oo ku taallay xaafadda Badda Cas. Goobtaa waxa aan kula kulmay Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) IHN, waxaan kaloo kula kulmay Maxamed Siciid Gees oo aan filayo inuu xilligaa madaxa u sarreeya ka ahaa Akademiyadda Nabadda.

Waxaan ka codsaday Boobe inaan si gaar ah ula kulmo oo aan wax ka weydiin doono taariikh iyo qoraallo kaleba. Waxa aanan illoobi karin sidii uu markiiba ii qaabilay, ee uu ula soo baxay buugyare uu ballamaha ku qorto. Maalintaa iyo saacaddaa ma haleeli kartaa ayuu i weydiiyey, waxa kaloo uu i weydiiyey inaan magaalada Hargeysa kala garanayo oo aan gurigiisa soo heli karo hadduu ii tilmaamo. Hargeysa aad uma kala aqaanno ee waanse soo heli baan ugu warceliyey. Waxa aan xasuustay markii uu Boobe noogu yimi Stockholm ayuu nooga sheekeeyey, inay dhibaato ku haysay weydiinta ah, addreyskaaga sheeg? OO maxaan idhaahdaa ma Xera awr dhinaca galbeed, dabaqa dheer ee ku yaalla, jidka xagaafka ah ee dhinaca bari ka mara soo soco…….. Sheekadaas baan xasuustay, ilaa maanta waxyaabaha aynu qabsan karno ee habaysan karno ayuu ka midyahay cinwaan samayntu.

Yaan qalinku ila taraarine, maalintaa waxa aan u sheegay in qoraalada buugaagta ah ee taariikhdii SNM ka warramayaa ay aad u yar yihiin iyo guud ahaanba taariikhda Somaliland oo mugdi sii gelaysa haddaan wax laga qaban. Waxa aan ku idhi: “Ilaa maanta adiga ayaa indhaha dadku ku soo eegayaan, welina buug aad qortay maan arag, aan ka ahayn buuggii Maansadii Timacadde oo aan ka iibsaday Suuqii Afar-Irdood ee magaalada Muqdisho 1984kii”. Boobe su’aashaa markii aan weydiiyey, oo aanu ku sugannahay gurigiisa ayuu intuu kacay yidhi, i yara sug. Waxyar buu iga maqnaa, ka dibna waxa uu i soo hordhigay dhawr buug oo aan weli daabacaad gelin balse isugu xidhan sidii buug loo sii diyaariyey. Waxaan ka xasuustaa buugaagtaas: 1. Maansadii Timacadde 2. Dharaaro (Sooyaalkii SNM) iyo buug ama laba  aan malaynayo inuu ahaa Xaaji Gujis iyo Maxamed Mooge.

Su’aashaydii sidaas ayuu kaga jawaabay, u fiirso maalintaa buug daabacan oo aan ka hayey Boobe Yuusuf Ducaale ma jirin, maanta oo aan qormadan qorayo waxa aan ka hayaa dhawr buug oo ay ugu danbeeyeen Dhaxal-Reeb Labaad iyo Ilmadii Hal-abuurka. Boobe Yuusuf waxa uu dhankayga ka yahay Halyey Dhiirran oo Codkar ah. Waxa jira qof waxbadan haya, balse la habrada oo aan ku dhiirran waxa uu ogaa ama uu waaya-aragga u ahaa. Waxa kaloo jira qof jecel inuu wax u sharxo dadka oo aan, aad loo fahmin waxa uu ka hadlayo ama hadalkiisu aanay dhegaha dadka soo jiidan. Haddaba Boobe waxa uu isku darsaday codkarnimo iyo waaya-aragnimo. Waxa uu ka mid ahaa dhallintii kacday xilligii Kacaankii Hantiwadaagga, waxa uu wax ku soo qori jiray Jariidaddii Xiddigta Oktoobar, waxa uu wax ka qori jiray arrimaha suugaanta, isagoo aad u da’yar.

Waxa uu ku biiray Jabhaddii Soomaali Galbeed (WSLF) ee xorayntii dhulka soomaalida ee Itoobiya ay boobtay. Waxa uu haddana ka mid noqday Jabhaddii SSDF ee uu hoggaamin jiray IHN, Cabdilaahi Yuusuf, waxaanuu ku danbeeyey Jabhaddii SNM oo uu xilal badan ka soo qabtay. Dhismihii Somaliland iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland waxa uu ka ahaa hormoodkii aan habeena seexan maalinna hadhgelin. Shirarka ugu muhiimsanaa waxa uu ka ahaa Shirguddoonka ama xoghayaha shirka. Qoraaladiisa waxa aad ka dheehan kartaa qofka uu yahay Boobe. Waxa uu jecelyahay fanka iyo suugaanta, waxa uu jecelyahay gorfaynta ama doodaha dhexmara dadka ka hadla arrimaha siyaasadda soomaalida, waxa kaloo ka muuqata in aanuu qarsan karin waxa uu diido. Arrimahaasi waa ay farabadan yihiin ee anigu waxa aan ku suntadaa inuu yahay qofka keliya ee si faahfaahsan wax uga qoray Sooyaalkii SNM. Waxa kaloo aan ku suntadaa inuu yahay qofka keliya ee isku hawla inuu inoo soo gudbiyo taariikhda qofkasta oo haldoor ah oo geeriyooday.

Buugaagta uu qoray ee daabacmay waxa ka mid ah: Deelley (Saadaal Rumawday), Dhaxal-Reeb Horaad, Dhaxal-Reeb Labaad, Ibraahin Gadhle (Halgamaagii aan xuduudda lahayn), Sooyaalkii Qaybe, Geeridii Gaarriye (Ilmadii Hal-abuurka), Maansadii Timacadde iyo sidaan qiyaasayo dhawr kale.

Waa hubaal oo qof keliyi inta uu inoo reebaa waa wax yar, laakiin meeye dadkii kale ee xogogaalka ahaa? waxoogaa waa la heli karaa, laakiin si mug leh weli kama hayno dadkii goobjoogga ahaa. Waxaad la kulmaysaa kuwii aad ku tuhunsanayd inay wax u reebaan dadka, oo ku odhanaya ma inta aan noolahay ayaa aan wax iska qorayaa? Oo markaad dhimato maxaad noo qori? waa Su’aal da’weynoo madaxa daalinaysa! Qormadan waxa aan ugu talo galay inaan isagoo nool wax ka sheego kaalinta uu ku leeyahay Boobe Yuusuf Ducaale bulshadiisa. Qoraalada waxa u dheer fagaare ka hadalka oo aan la soo koobi karin, isagoo kaga hadlay arrimo kala jaadjaad ah.

Hambalyo ayaan ku leeyahay Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale, adigoo nool naga guddoon hambalyadaas, qalinkaaga Irmaanna ha dhigin. Waxa kaloon uga mahad naqayaa labada buug ee i soo gaadhay todobaadkii hore. Waxa laga hayaa gabyaagii caan baxay, macallinkii umadda Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye):

Ha laguu ilmeeyee
Horta dhimo af maahee!

Eeggoo la noolyiyo
Ifkaan kaaga baahnahay

wax yar oo aqoonsi ah
Oon aad u buurnayn

Oo weliba eegay
Igu sii amaahoo

Ictiraafka buuxee
Aakhiro markaan tago

Iilka igu sugayiyo
Ayaantaan xabaal galo

Oohintaan mutaystiyo
Akawnkeyga laga jaro

Waxaan ku soo af-jarayaa qoraalkan koobnaa Boobe Yuusuf Ducaale qormadaa ayaa xaggayga u dhiganta Maamuus Qaran oo maanta nool. Waa qalin irmaan oo Horaad iyo labaad dhaxal innooga dhigay, waa halyey nool oo in loo duceeyo, la hambalyeeyo innaga mudan, waa Qof Banii’aadam ah, oo in la saxo markasta u baahan. Waa qormo aan ku maamuusay qof kasta oo in uun qoraal dhaxalgal ah ummadda uga tegey.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
Stockholm/Iswidhan 15/04/2018, Axad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: