Home » Caafimaadka » Caafimaadka Ku Jira “Toobinka”

Caafimaadka Ku Jira “Toobinka”

Noo Qeex Waa Maxay Toobin Sababtee La isku Toobaa?

 Toobin ama toobid marka la qeexo xagga sharciga waa: Hab daweyn NABAWI ah oo lagu daweeyo xanuuno badan… Toobid ama toobin marka xagga luuqada la qeexo waa: Dhiigga wasaqda ah oo laga soo nuugo jirka iyadoo la’isticmaalayo agab gaar ah sida:gees, geedka BAAMBOO ama koobab dhalada/balaastiiga ah.

Toobinka waaxaa loo sameeyaa labo sababood awgeed oo kala ah:

  • In la’isku daweeyo toobinka
  • In lagu camal falo sunnaha toobinka laguna  adkeeyo toobinka difaaca jirka

Toobinka iyo Sida Sunnaddu uga Hadashay

Toobinku waa sunna…Waxaa istoobay suubanaha  ‘’Sallallaahu Calyhi wa Sallam’’ wuxuuna faray umadda  in ay istoobaan..toobinka waxaa kusoo arooray adillo badan oo saxiix ah waaxaana ka mid ah:-

 

  • Anas ayaa laga wariyay ‘’in SUUBANAHA Sallallaahu Calyhi wa Sallam uu iska toobay sadax meelood oo kala ah tunka iyo labada qadaad’’ waxaa soo saaray Axmed iyo Abuu daawuud iyo Tirmidi .
  • Ibnu cabaas wuxuu ka wariyay NABIGA Sallaahu Calyhi Wa Salam in uu yiri  ‘’caafimaadku sadax ayuu kujiraa: malab lacabbo,toobin la’istoobo iyo dab la’isgubo aniguse  lama jecli umadeyda  dabka la isku gubo’’   waxaa sosaray Bukhaari
  • Abuu hurayra Allah haka raali noqdee wuxuu ka wariyey NABIGA in uu yiri (masoo marin habeenkii la’idheelmiray koox malaa’ik ah illaa waxay ila haayeen muxamadow umaddaada u sheeg toobinka)
  • Ibn cabbaas Allah haka raali noqdee wuxuu sheegay in RASUULKA uu istoobay isaga oo muxrim ah wuxuu iskatoobay madaxa si uu isaga daweeyo goonjab ama dhanjaf ’’waxaa soo saaaray (Bukhaari)

 Warka aan saxda  ahayn ee Toobinka Loo Sheego

Waxaa jira  adillo aad u badan oo aan sax ahayn oo loo wariyo toobinka…. Sidoo kale waxaa jira sheeko xariir Sooamalidu ku sheegaystaan oo ku saabsan toobinka.. Adillada aan saxiixa ahayn ee toobinka waxaa kamid ah:-

  • Xadiithka dhahaya ‘’ Toobinka la istoobo maalinta axada waa caafimaad’’
  • Xadiithka dhahaya ‘’Qofkii istooba khamiista oo ku xanuunsada wuu dhintaa’’
  • Xadiithka dhahaya ‘’Jumcaha waxaa kujira saacad hadii la istoobo laga dhaxlayo xanuun aan laga bogsan waligeed!!!’’

Sheego xariirta soomaalidu u sheegaan waxaa ka mid ah maalin talaado oo mugdi ah toobinka la istoobo waxaa laga helaa caafimaad wayn!!!!

Ahmiyada Toobinku Leeyahay

Toobinku wuxuu leeyahay ahmiyad wayn….waana  dawo wax ku ool ah hadana ah sunno nabawi ah …RASUULKA umaddiisa ayuu faray in ay istoobaan ficil ahaan wuu sameeyay toobinka…RASUULKA (scw) wuxuu xanuunada qaar isaga daweeyey toobinka sida: xanuunka gooonjabka ama dhanjafka (waa xanuun ku dhacaa habdhiska neerfaha madax)

 

Hadda Caalamka islaamka  toobinku  dib ayuu usoo noolaaday kadib markii boqolaal sano la’iloobay oo la baylihiyey…Toobinka  waxaa aad looga isticmaalaa wadamada caalamka islaaamka intooba badan sida: Sacuudiga, wadamada kale ee khaliijka,Masar ,Indonisiya, Bakistaan, Marooko, Malesiya, Sirilanka iyo wadankeena soomaaliya  oo aad uu ugu soo batay isticmaalkiisa waayahan banbe.

 

Wadamada reer galbeedka iyagu mar hore ayey bilaabeen in ay isticmaalaan toobinka….  wadamada qaar manhajka  jaamacahooda iyo macaahidooda ayey kusoo dareen barshada  cilmiga toobinka….. Isbitaalada waaween ee caalamka qaarkood waxay leeyihiin qaybo wax lagu toobo oo dad xirfadlayaal ah ay ka hawl galaan waxaa ka mid ah wadamada sidaa yeelay:- wadanka Jeiyna,Indonosiya  Jarkmarka, Holand, Romaniya,Maraykanka iyo wadamo kale oo badan.

 

Faa’iidooyinka Toobinku Leeyahay

Toobinku waa hab daweyn NABAWI (AaldDib anNabawi) ah oo leh faa’iidooyin  caafimaad oo badan… Daraasaad iyo baaritaano aad u badan oo lagu sameeyey  saamaynta caafimaad ee toobinka waxay ayideen in toobinku leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo aad u  badan.

      Halkan ka aqri qayb ka mid ah faa’iidooyinka Toobinku Leeyahay

  • Toobinka Wuxuu soo nuugaa sunta jirka iyo haraaga dawada kimikalka ah ee ku soo caarida maqaarka iyo murqaha dhexdooda  iyo wax kasta oo qashin ah oo jirka ku dhex jira.
  • Toobinku wuxuu soo saaraa qashindhiigga oo u dhigma olyo bedelka baabuurta.
  • Toobinku wuxuu ka takhalusaa kaarboonka ama ‘’hawo gaas’’ka oo la mid ah qashindhiigga jirka.
  • Toobinku wuxuu dajiyaa xaalada nafsiga ah ee qofka isagoo ka dhiga qofka qof dareemaya daganaasho iyo isku kalsoonaan dheeraad ah.
  • Toobinka wuxuu dajiya neerfaha kacsan isagoo firfircooni galiya marinada neerfaha iyo marinada qulqulka tamarta jirka.
  • Toobinka wuxuu dardar geliyaa wareega dhiigga gaar ahaan meelaha wareega dhiiggu uu gaabis yahay si xubintaas ama xubin kasta oo jirka ay u hesho oksijiin iyo nafaqo kufilan
  • Toobinka wuxuu xoojiyaa habdhiska difaaca jirka isagoo badiya unugyada cadcad ee loo yaqaano ilaaliyeyaasha jirka.
  • Toobinta wuxuu qaadaa asbaabta caajiska iyo wahsiga ee qofka ku keenta dib udhac xagga waxqabsiga ah.
  • Toobinka waxuu firfircooni geliyaa howlaha xubnaha muhiimka ah sida: hawlaha xubnakha kala ah: wadnaha, kelyaha iyo beerka…gaar ahaan beerka wuxuu toobinka tayeeyaa shaqada beerka si beerku uu u gutto hawlihiisa wasaq saarista iyo badalida raashinka
  • Toobinka wuxuu firfircooni geliyaa hawlaha maskaxda isaagoo tayeeya awooda fahmada,garashada, fikirka iyo xusuusta.
  • Toobinku wuxuu firfircooni geliyaa hawlaha qanjirada gaar ahaan qanjirka hagge (puitery gland) qanjirka kobciye (thyroid gland) qanjirka ilaaliye (adrenal gland) qanjirka ganaca (bancarias galnd ) ee dhiiqa onsoliinta.
  • Toobinku wuxuu culayska ka qaadaa neerfaha ceegsan oo cadaadisku saaran yahay oo bararka ama isbuurashada jirka ay ay sababaan.

 

 

 

     Sida Toobinku U saameeyo jirka oo faahfaahsan

Toobinku wuxuu u saameeyaa jirka siyaabo kala duwan waxaana ka mid ah:

  • Toobinku wuxuu ka takhalusaa unugyada cascas ee dhiigga ee waqtigoodu dhamaaday iyo kuwa siloon oo leh suurada sargaxan ,kuwaasoo jirka  ku haya culays curyaaminaya  gudashada hawlaha habdhisyada jirka ee kala duwan.
  • Toobinku wuxuu firfircooni galiyaa meelaha carinta ee jirka si maskaxdu ay ugu baraarugto qalqalka haysta qofka jirkiisa ee keenay wajaca ama xanuunka.
  • Toobinku Wuxuu firfircooni geliyaa habsami u socodka ‘’tamarta jirka’’ (path ways) si firfircoonida jirku ay u noqoto mid isku dheeli tiran -aqoontani jeiyna waxay ogaadeen 5000 oo sano ka hor-
  • Toobinku wuxuu isku dubaridaa hawlaha qanjirada Aasaasiga ah oo dhiiqa (cariyayaasha)’’hormones’’( cariye: waa maaddo qanjirada jirka qaarkood ay dhiiqaan si uu u qabto shaqo jirka muhiim u ah oo qayb ka ah isku dheeli tirka hawlaha xubnaha jirka)
  • Toobinku markuu jirka ka soonuugo qashindhiigga iyo kaarboonka ’’ hawogaaska’’ jirka wuxuu dareemaa jirku fudayd iyo dabacsanaan
  • Toobinku wuxuu firfircooni geliyaa habsami u socodka qulqulka dhiigga ee jirka isagoo fura meelaha hakkadku uu ku yimaado ee xididdaha dhiigga .
  • Toobinku wuxuu saameyn fiican ku sameeyaa meelaha xasaasiga ah ee jirka,meelahaas oo ah meelaha jirka laga daweeyo ee loo yaqaano ‘’meelaha carinta’’
  • Toobinku wuxuu aad u xoojiyaa difaaca jirka isagoo tayeeya unugyada cadcad…unugyada cadacad waxaa loo yaqaanaa ilaaliye-yaasha jirka maxaa yeelay iyaga ayaa u taagan in ay ka hortagaan oo ka takhalusaan soogalootiga jirka ama (garan waaga) jirka
  • Toobinka wuxuu isku dubaridaa habsami u socodka shaqada habdhiska neerfaha labadiisa nooc ee habshiska neerfaha la maamulo iyo habdhiska neerfaha si iskiis ah isku maamula.
  • Toobinku Wuxuu jirka ka soonuugaa walxaha loo yaqaan (free redical) oo ah oksijiinta  siloon oo jirka ku dhalata  waqtiyaada qaar… oksijiinta  siloon waxay burburisaa unugyada fiyoow ee jirka iyadoo ka dhigta unugyada  kuwo sawaab ah.
  • Toobinku wuxuu keenaa in ay unkamaan unugyo cusub oo ah unungyada cascas ee dhiigga iyo kuwa cadcad oo tiradoodu ay kororto (waa hadii tirada unugyada  cadcad  ay yihiin kuwo yar)
  • Toobinku wuxuu daweeyaa xanuunada la garan waayo  sababta keentay  oo taqtarku uu ku wareero in uu soo saaro sababta ka danbeesa,waxaa loo yaqaana xanuunadaas (xanuunada garanwaa)

 

Toobinka Iyo Qaabka uu  Xanuunka U Daweeyo

Toobinku dhowr hab ayuu ayuu wax u daweeyaa dhowrkaas hab oo kala ah:

  1. Soonuugista Maaddada ‘’xanuuniso’’(prostagalandin)

Toobinku wuxuu soonuugaa maaddada ‘’xanuuniso’’(prostaglandin) maaddadan shaqadeedu waa in xanuunka jirka haya ay u gudbiso maskaxda si maskaxdu u dareento xanuunka ka dibna ay u amarto maskaxdu in talaaabo la qaado ku aadan xanuunka  haya jirka…kolkaa toobinka wuxuu soo nuugaa maaddadaas si xanuunka maskaxda loo gudbinaya uu u yaraado…..wa sababta dawada xanuun baabi’iyaha  ay u hakiso xanuunka jirka haya kolka la  isticmaalo.

(L) Firfircooni Galinta maaddooyinka (Endorphines & Enkephalines)

Toobinku wuxuu kiciyaa ama xarakeeyaa maadooyinka kala ah (Endorphines & Enkephalines) maadooyinkaan waxay yareeyaan xanuunka jirka uu dareemo marka xanuun uu jiro ama iyaga ayaa ah xanuun tire.

R) Toobinka iyo Firfircooni Galinta Wareega dhiigga

Mararka qaar Xanuunku wuxuu yimaadaa  kolka waraabka dhiiggu waaxyo jirka ka mid ah uu gaabis noqdo guud ahaan jirka ama qaybo jirka ka mid ah, kadibna waxaa yimaada xanuun iyo isku dheeli tir la’aan xagga tamarta jirka markaana waxaa yimaada murqaha oo soo koga waxayna sababaan xanuun…. kolka toobinku wuxuu firfircooni galiyaa wareega dhiigga gaar ahaan meelaha wareega dhiiggu uusan si hagaagsan u shaqeyneyn!!!

Saxansaxada Caafimaadka ee Toobinka

Toobink oo ah dawo la yaab leh oo noqotay mucjiso …….marka la istoobo waxaa isla markiiba suurta gal ah in caafimaad degdega ah uu dareemo qofka la toobay!!!! Caafimaadka uu dareemi karo qofka la toobay waxaa ka mid ah; fudayd xagga jirka ah iyo culays ka dagay qofka jirkiisa,jirka oo furfurma…. waxaa sigaar ah looga dareemaa fudaydka jirka kalagaysyda, garbah,a madaxa,dhabarka iyo jirka guud ahaantiisa…. sidoo kale marka qofka la toobo wuxuu helaa hurdo miisaaman oo leh dhadhan iyo macaan dheeraad ah ……hurdadaas mararka qaar waxay qabataa qofka inta toobinku uu socda ama daqiiqado ka dib toobinka.

 Maxaa Loola  jeedaa  Dhiigqashin

Dhiigqashin /qashindhiig /dhiigga faasidka ah ama dhiigga jiran waa ereyo isku macno ah waxaana loola jeedaa dhiigga xambaarsan unugyada gaboowga ah  ama unugyada siloon oo  marka lagu eego mikiriskoobka (micriscobe) aan muuqaalka saxda ah ee unugyadu cascas lagu yaqaano laheyn… dhiigqashinku wuxuu isugu ururaa meelo jirka ka mid ah gaar ahaan tunka garbaha dhexdooda, iyo qaybaha kore ee dhabarka qaybahaas oo ah meelaha ugu dhaqdhaqaaqa yar jirka….dhiig qashinku wuxuu keenaa in qofku uu dareemo culays saaran gaar ahaan xubnaha tunka garbaha iyo dhabarka ama qaarka dambe….toobinka waa habka kaliya ee lagu saari karo dhiiga jiran ‘’damul faasidk’’!!!!

Cimriga unugyada cascas ay shaqeeyaan waxaa  lagu qiyaasaa 120 cisho kadib unugyadaas way dhintaan waxaana badala kaalintooda unugyo cusub oo jirku uu sameeyo …. Halkii ilbiriqsi jirka waxaa ka dhinta 2-2.5milyan oo unugyda cascas lakin nasiib wanaag intoo kale ayuu unkaa jirku idanka rabbi.

hawsha nadiifinta unugyada dhiiigga cas ee baqtiyey waxaa u xilsaaran beerka oo ka sameeya unugyadaaas walxo jirka anfacaya  ama qashinsaarka kaadida iyo saxarada ayuu ku daraa…..beerka waxaa ku taala 500 oo warshada  iyo shan boqol oo bakhaar kayd wuxuuuna qabtaa hawlo aad u muhiiim ugu ah nolosha jirka, qofka hadii beerkiisu uu hawl gab noqdo ma noolaan karo wax badan halsaac sida la tijaabiyay waa marka la eego sunnadda Allah ee koonka uu ku maamulo …lakin marka laga hadlo qurdada rabbi ee koonka  arintu waa kun fayakuunu.

Qeexida Meelihii Nabbigu iskatoobay Qaar Ka mid ah

 Meelaha nabiggu iskatoobay waxaa ka mid ah:- tunka ,labada  qadaad hareertooda (qoordiidka)…sidoo kale wuxuu nabbiggu iskatoobay cagta dusheeda kore …sidoo kale nabbiggu wuxuu iska toobay dhalada madaxa (dhagada) iyo garbaha dhexdooda…..halkan ka aqriso Axaadiithta ku soo aroortay toobinkii nabiggu istoobay (sallaahu calyhi wasallam )

عن أنس وابن عباس رضي الله عنهما قالا ” كان رسول الله  صلي الله عليه وسلم يحتجم في الأخدعين والكاهل”

 

Toobinka Tunka iyo Mucjizada dawo eek u jirta

Toobinka tunka oo ku beegan ricirta todobaad(????) ee qoorta dadka baara aqoonta toobinka waxay soo ogaadeen in xubintani ay tahay meesha ugu dhaqdhaqaaqa yar jirka, taasoo ka dhigaysa in meeshani ay noqoto meel doog ah oo dhiigga faasidka ah ‘’dhiigqashinka’’ uu ku soo ururo …. marka xubinta tunka la toobo jirku wuxuu helaa nashaad maxaa yeelay qashin badad ayaa ka baxaya jirka …kobta tunka waa kanaal laga soo nuugo qashin dhiigga jirka waxaan dhihi karnaa tunku waa bulaacad  jirku uu ku ururiyo dhiigga xun ee dhiigqashin.

Xubinta tunka qof kasta oo la toobayo waa in ugu horayn iyada laga toobaa, maxaa yeelay waa meesha ugu muhiimsan ee jirka guud ahaan laga toobo!!!

Xanuunada toobida tunku uu anfaco waxaa ka mid ah caajiska,hurdo yarida, madax xanuunka, dhiiigkarka, xanuunada la xiriira neefmareenka,xanuunada la xiriira wadnaha, boroboleemka qanjirka kobciye,(adrenal gland) garbo xanuunka /culayska garbaha saaran,Difaaca jirka oo hoos u dhaca iyo xanuuno kale oo fara badan..

 Wax nooga sheeg qaar ka mid ah Cudurrada La toobo

Toobinku waxaa lagu daweeyaa cudurro iyo calaamado cudur oo gaaraya illaa 100 waxaana kamid ah,

Xanuuuno  badan oo ku dhaca habdhiska neerfaha sida neerfo xanuun, neerfo qallaf,ciriqa….xanuunadaa ku dhaca habdhiska wareega dhiigga sida:-dhiigkarka,duxdhiigga(kolisaroolka) xanuunada ku dhaca habdhiska murqada sida:- muqro xanuunka murqo go’a muqro kogida,xanuunada habdhiska neef mareenaka , xanuunaada habdhiska difaaca jirka…hadii aan faahfaahino xanuunada qaar ee lagu daweeyo toobinka waxaa ka mid ah:

Neerfo xanuunka – Madax xanuunka gaamuray ee loo caalwaayay -Neerfo qallafka- Goonjabka- Hurdo yarida-Geestaanta- Xididdo qallafka- cudurka xinjir waayga, Xasaasiyada maqaarka – wahsida iyo caajiska-wadno caburka – Dhabar xanuunka -Xanuunada nafsiga ah sida:- walaaca & walwalka  iyo niyad jabka,cabsida naxnaxa- jilibo xanuunka- lafo garaaca – Naqaska iyo caburka -Sokorta- kelyo xanuunka- cusbo kaliyeedka- kolbo aaryada -Dhiiga oo tiradiisu xad dhaaf noqoto -Xanuunada ruuxiga ah sida:- sixirka durrada,isha- Cudurrada nafsiga sida buufiska,Caashaqa iyo kuwo kale oo badan.

Qaabkee La’isugu Daweeyaa Toobinka

Mararka qaar  toobinka kaligii ayaa la’isku daweeyaa!!! mararka qaarna waxaa toobinka lagu lamaaneeyaa dawo dhir ah ama mid kiimiko ah oo uu soo qoray dhaqtar si ay isku kaashadaan labada dawo…..waxaa jira  xanuuno badan oo toobinka oo qura lagu daweeyo sida madax xanuunka neerfaha, goonjabka, jugta iyo kuwo kale oo badan.

Waqtiga Ugu Fiican ee La’istoobo

Sida uu tiraabay  Al-imaam ibnulqayyim toobinku wuxuu ugu fiican yahay qaybta danbe ee bisha oo aan gaarsiisnayn dabayaaqada bisha (qiyaastii 15-27 bisha qamariga ah) …Lakin hadii ay timaado baahi  loo qabo toobinka waa la’istoobi karaa, xili kasta iyadoon loo eegin waqti, saacad iyo maalin toona.

Al-IMAAM AXMED IBNU XANBAL sida uu sheegay khilaal oo kamid ahaa asxaabtii IMAAMKA wuxuu istoobi jiray imaamu Axmed markasta oo uu dhiiggu kaco xiligay doonto ha’ahaatee  Waxaa la sheegaa toobinka xaga maalmaha  in uu ugu fiican yahay maalinta ISNIINTA ,TALAADADA, IYO KHAMIISTA. Xaga saacadda waxaa ugu fiican yahay saacadaha  hore ee maalintii ama habeenkii ..xaga xiliyada sanadka waxaa ugu fiican xiligga guga.

Xigasho: Dawodhireedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: