Home » Aragtida Dadweynaha » Caqlaani! (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Caqlaani! (WQ: Xasan Cabdi Shire)

“Cilmi, caqli iyo kartidu waa arrimaha dadku isku dhaafeen, waa waxa qaar badan gaadhsiiya meel wanaagsan oo ay ku waaraan, qaar kale na ku xikmad beelaan marka ay ka faa’iideysan waayaan, laakiin waxa loo baahanyahay in lagu adeegsado dhowrsanaan, ku dayasho iyo mudeecnimo ku jaan go’an awaamiirta koonka Alle ku abuuray”.

Fikirkaaga oo qaawan in aad isticmaasho waa hagardaamo nololeed, waa dhalanteed kugu hagaya dood la’aan iyo qiyam la’aan aan dhammaad lahaayn.

Doodaha mutaxan ee asalka iyo salka ka fog, Ibliis ayay hodday oo badday balan naareed iyo cadaab aakhiro. Inkastoo, aan ogahay inbadan oo caqlaani la baxday in ay ku muransanyihiin jiritaanka Ibliis ee aan tusaalaha usoo qaatay! Markaas oo kale na qormadani waxaay noqonaysaa “Islaan ayaa haw-haw lehe, inoo wada sheekada”

Murankii iyo dooddii qaawanayd ee Ibliis u Alle kala horyimi waxaay ahayd, markii Alle amray Malaa’ikta : “U sujuud Nabbi Aadam CS, dhamaan malaa’iktii mudeeeca ahayd waa aqbaleen, marka laga reebo Ibliis ”.

Ibliis markii la waaydiiyay sababta, waxa uu Alle kala horyimi dood iyo amar qaadasho la’aan, caqli maroorsan/muran iyo ficiltan khaldan isagoo adeegsanaya caqligiisa oo kali ah, kuna saleeyay kala duwanaanshiyo: “Waxaad iga abuurtay naar isagana (waa nabbi Aadamee CS) waxaad ka abuurtay ciid”.

Ninkaas Ibliis ahi, waxa uu diiday awaamiirtii Alle, waxaa na uu kaga baxay xuduuddii Alle dood qaawan oo aan lahayn sabab, isaga oo adeegsanaya wixii caqligiisa ku soo dhacay oo kali ah umana meeldayin. Laakiin, haddii Ibliis sidaas laga yeeli lahaa soo dumarka iyo raggu ma kala cibaado geddis-naadeen sabab la’aan, kali ah kala duwanaanta!

Aadamuhu waa la abuure, Rabbi na waa abuure leh la abuuraha, majare ayaa loo jeexay u baahanyahay in uu barto, fahmo ugu na dhaqmaa xuduudaas si caqli badan oo karti wanaagsan leh. Laakiin, inaad caqliga adeegsato kuna fahantaa adoo ku kala saaraya sida saxnaanta ah waa mid baahi loo qabo kuna dhexjira kownkan laguu abuuray, waase inaad marka hore aqbashaa xaqqa iyo awamiirta Eebbe iyo waxyiga.

Waxyaabaha rabbi kaa dhoowray cilmi ahaan kaana qarsoon inaad ogaataa waxay leedahay culayskeeda, sidaas ku dhaaf! Waayo? garanmaysid saxnaanteeda, faa’iidada aay ku leedahay iyo khasaaraha. Uma jeedo Sayniska iyo adduunka oo kunka jeer rabbi inooga warramay xogtiisa aynu hayno, laakiin cilmiyada aynaan xoogteeda hayn oo ku jira cilmiyada Rabbi.

Tusaale ahaan Nabi Muuse waxa uu Alle waydiistay in uu arko , Rabbi waxa ugu jawaabay inuu eego buurta Daariq, ka dib buurtii waa dhaqaaqday. Haddii Rabbi arki lahaa Muuse, waxa suurto gal ahayd in dhibaato ka soo gaadhi lahayd.

Sida wax laguu amray haddaad su’aal iska waaydiiso, waa dood aan caqliyaysanayn.

Tusaale, maxaa salaadda laguu amray haddaad dood ka keento, micnaheedu waa u hogaan-sanaan la’aan ee maaha caqliyayn!

Caqliga lama diidin, laakiin haddaad istidhaahdo aayad Quraan ku buri, waxay kugu keenaysaa inaad garab marto asaaskii doodda. Dadku waa iswaaydiin karaan sida loo dhigayo iyo la jaanqaadka dhacdooyinka .

Doodaha muranka iyo caqliyada qaawan ee lagala horyimaaddo aayadaha Alle, axaadiista saxeexa ah, waxay la caynyihiin dooddii Ibliis, ee soo jireenka ahayd tan iyo abuurtii Aadam Calayhi Salaam.

Waxaan arkayaa caqliyayn badan oo inna hodaysa ama inagu ridaysa inaan dareenno fariidnimo badan inagoo haloowsan.

Dad-samayga badan ee koonka yaala, si wanaagsan ayaad u raacdaa hagayaasha lasoo raaciyo(guidelines), laakiin hagaha Quraaanka ee lagu soo daray ummadda nabi Maxamed dood iyo majara habaabin ayaa kaaga furan soow maaha?

Caqli badnaantu waxa weeyaan, inaad ku samirto oo fahanto ama ku tadaburtid aayaadka dunidan, si culmiyaysanna u barato adoo ka faa’iidaysanaya casriga iyo cilmiga aad dhaxashay iyo kan kugu soo wajahan, dareentid si qiimaysan awoodaha dusha ka saaran ee kunka jeer laguu sheegay, tixgaliso wacadka uu Alle lagalay dadka ka baxa xuduudaha iyo kuwii ka talaabay awaamiirtiisa, micnaheedu na tahay inaad xuduudda qawaaniin waad ka talaabi kartaa, laakiin waa inaad xamishaa hadhow madhaxeeda. Sidoo kale, waa in caqligaagu fahmaa tusaalayaasha nool ee ka hadlaya wixii ku dhacay intii la soo noolaa dadyowgii hore ee lahaa nimco, badhaadhe iyo ciqaab aduunyo intaba (qisaska), sidoo kale waa inaad naawishaa wanaag iyo naxariis markasta Eebbaha kugu deeqayo, adigoo ku niyadsan ballanka Alle hadii aad camal wanaagsan sameyso, noqoto mudeec waafaqay wixii la amray.

Cibrooyin badan oo ku sugan kitaabka Furqaan ka sakoow, Waxa iswaaydiin leh sababta diinta Islaamka u ogashahay jiritaanka diimaha kale ee waqtigooda la soo dhaafay, isla markaa u aqoonsantahay inay ahaayeen diimo waqtigoodii ku saxsanaa iyo inaay jireen kutub xaqqa oo ka yimi dhanka samada. Halka, dhamaan dhaqammada waqtigan ee aan islaamka ahayni badankoodu u diiddanyihiin jiritaanka Islaamka diin ahaanshiyo una arkaan been la sameeyay!

Gebogebadii, Qofka caqligiisa la qaloocdo ama la yara fogaado, waa in lala doodaa, loo caqli celiyaa, lana fahansiiyaa khaladkiisa si waaqici ah waayo, go’aanka Rabbi ayaa leh, waa in lagu aqbalaa sida aaynu awaamiirtiisa kale u ogolaannay.

WQ: Xasan Cabdi Shire

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: