Home » Aragtida Dadweynaha (page 3)

Aragtida Dadweynaha

Bulshooy Waan Dulmanahay, Xaqiiqna Waan Dumayaa!!!

“Haday dunida ceeb tahay Dusduskiyo khiyaamadu Noo dabeecad weyaan Haday dunida ceebtahay Dulmi loo badheedhaa Dadkaygu ma libiqsado”………Abwaan Gaariye Waxaan ahaa waayo waayo kan ugu quruxda badan geyiga, farsamo yaqaano iyo injineero xaga nashqadaynta ku xeel dheer ayaa ka dambeeyey sal u dhiga aasaaskaygan noqoday imaka qadiimiga, mar kasta waxaa gacanta igu hayn jiray oo dulin iyo diihaal waxaan qabo ...

Read More »

Qalad Fahannay Qalin-jabintii!! W/Q: Hibo Ciise Maxamed

“Qalin la jabiyaa ma jiree waa lasii Qortaa” Waxa iska soo daba dhacaya qalin jabinaha heerarka kala duwan ee Jaamacadaha dalka Somaliland guud ahaan, iyadoo ay tirada ardeydu sanadba sanadka kasii danbeysa sii kordheyso. Waa arrin Alle loogu mahad naqo madaama ay bulshadii u xadhko xidhatay waxbarasho ilaa heer jaamacadeed gaadhsiisan. Iyadoo aqoontu ay tahey furaha horumarka. Haddaba, waxa la ...

Read More »

Adeegsiga Naaneysaha Bulshada Soomaliyeed WQ: Ismaaciil Xasan Maxamuud “Shiine”

Taariikh ahaan markaad eegto isticmaalka ay bulshadu isticmaali jirtey naaneysaha ma aha wax ku cusub balse waxa ay ku kala duwanaayeen qaab adeegisiga iyo cidda ama meesha loola baxayo. Qormadan ayaan ku soo qaadan doonaa sharaxaad kooban oo ay naaneysi yeelan karto, noocyadooda iyo tusaaleyaal kooban . Marar badan waxaynu aragnaa in bulshadeena Soomaaliyeed  ay aad u adeegsadaan inay iskugu ...

Read More »

Caqabadaha Haysta Qoreyaasha Afka Soomaaliga. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Qoraalku waa waxyaabaha ugu mihiimsan ee aadamuhu macluumaadka isugu gudbiyo intii la aqoon ogyahay ee dunidu soo jirtay. Keydka awoodda erayga qorani wuu ka cimri dheer yahay keydinta cododka iyo muuqaallada. Bal ka fikir 40 sannadood ka dib cod maanta la duubay ama muuqaal siduu u eekaan doono, hasayeeshee keydka erayga qorani waxba iskama beddelaan.  Rene Descartes, Filoosoofarkii weynee ee ...

Read More »

Ha’yadduhu Miyey Inoo Daneeyaan Mise Way Inagga Daneystaan?

Hordhac: “Qormadan kooban waxaynu ku falanqayn doonaa dhinacayo badana ka eegi doonaa Ha’yaddaha Caalamiga ah ee dalkeena sida raxan-raxanta ah u imanaaya iyo waxqabadyada ay ka geystaan gudaha dalkeena. Hadaba Ha’yadahani ma yihiin kuwo wax inoogu qabta sida aynu u rabno, isla markaana ma yihiin kuwo inoo daneeya mise waa kuwo danno gaar ah iyo ujeedooyin ay wataan u fuliya arimaha ...

Read More »

Qasrigaasi Kugu Filan – W/Q Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

Hindisaha dhisitaanka madaxtooyada cusub, halka go’aankeedu ka soo baxayaa waa guriga looga taliyo dalka. Gurigani Wuxu 500 oo tallaabo u jiraa DHAKHTARKA WEYN ee Hargeysa. 1 milyan oo qof oo tahli waayey inay dhakhtar gaar loo leeyahay tagaan ayaa goobtan isku cidhiidhya, si ay adeeg caafimaad uga helaan, kumase filna oo Ninkii galayba ila garay dayaca iyo dakaanka ka muuqda. ...

Read More »

Hoggaaminta Guulaysan Kartaa Waa Tan Oo Kale!

Nebi Muxammad -scw-oo gurigiisa jooga ayaa waxa u yimi oo in uu u soo galo ka codsaday nin suldaan ahaa oo la odhan jiray: Cuyaynta Ibn Xisn. Rasuulku dadka uu hoggaamiyaha u yahay aad buu u yaqaannay, ninkaasi markii uu albaabka soo garaacay waxa uu Nebigu -scw-yidhi:”Soo daaya, wuxuu ugu liita mid tol laga dhigtee”. Ninkaasi waxa uu suldaan u ...

Read More »

Abaarso & Coldoon!. W/Q Xamse Cumar Kujoog

“Caqli aynu ku wada hadalno” Waa Qormo uu bartiisa Face-buugga soo dhigay Xamse Cumar Kujoog, waxaanay iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan: Muddooyinkii u danbeeyey waxa aan arkayay hadallo ku saabsan mawduuca dugsiga Abaarso. Sidoo kale Abdilmalik Musa Coldoon oo bulshada la wadaagayay sawiro iyo qoraallo kookooban ayaa dad badani dagaal gaadhsiisan cirdigiisa iyo hanjabaad noloshiisa ah loo gaysanayay, waxa aan is leeyahay ...

Read More »

Bulsho Xuquuqdoodii Wali Maqan Tahay: Shirkadaha Waaweyn Uma Shaqo-Tagi Karno

“Inkastoo masruufo hadana Walaaladay dadka way ka qariyaan inaanu wax isku nahay” Dhibanne Waa dhibane dadkiisa iyo dalkiisa ka tirsanaya dhibaatooyin badan, eeddo qarniyo hore dhacay baa loo xambaariyey, taas oo ay adag tahay inuu dadkiisa fahansiiyo inay ahayd taariikh been ah oo laga been abuurtay. Waa soomaali soomaalidii kale gaar iskaga leexiyeen, waxa uu hibanayaa dulmi faro badan iyo ...

Read More »