Home » Aragtida Dadweynaha (page 4)

Aragtida Dadweynaha

Nimcada Illaahay Lama Koobi Karo.

Waxaan ku tukadey salaad maqrib masjid jaamaca Hargeysa dhawaan. Markii salaadii laga baxay imaamkii masajidka ayaa wacdi ukacay si dadka uu ugu baraarujiyo maalmahan aan ku jiro ee xajka fadligooda. Mudo markii uu arintaas ka waramey ayuu ka sheekeeyey qiso cajiib ah oo isoo jiidatey! Wuxuu ka waramey nin waayeel ah oo xanuunsaday oo udhashey wadama carabta wadan ka mid ...

Read More »

Ma Hubtaa In Shaqo-tag Aad Tahay? Dr. CabdiQani Xuseen Beder

Ma hubtaa in aad shaqatag tahay? Jacfar waa nin dhalin yaro ah oo dhowaan qaatay shahaadadiisa labaad ee jaamicadda, dhammaan heerarkiisa waxbarasho waxa uu ahaa kaalmaha hore sida ka muuqata dhibcaha shahaadooyinkiisa ku xardhan. Nasiib darro se Jacfar ma laha shakhsiyad madax bannaan ee waxa haga hadba muuqaalada ay indhihiisu qabtaan, mas’uuliyaddiisa qofnimana umay kobcin sida ay aqoontiisu u korodhay. ...

Read More »

Cidda Sheekhu U Xidhan Yahay Waa Nasaaro & Yahuud, Sababtuna Waa Saddexdan Wanaag!!!

Salaama calaykum walaalahayga Iimaankow. Salaan kadib, anigu waan ogahay sababta loo xidhay Sheekh Aadan-Sune iyo cidda uuu xidhan yahay. Horta dembi uu galay ma jiro ,waxaa loo xidhay waxaa weeye saddex arrimood ayuu aad iyo aad uga hadlaa oo aad u dhiiri-geliyaa, kuwaasi oo maanta Fircoonka sabankani aanu jeclayn waxaanay kala yihiin:   1- Soo celinta Khilaafadii Islaamka 2- Ku-dhaqanka ...

Read More »

Duufaanta Geeska: Isbedello Iyo Isdiidooyin. Q.2aad

ITOOBIYA  Itoobiya waxa ay marka hore ku socon jirtay istaraatjiyad ah in cududdeeda ciidan ay hagto diblumaasiyaddeeda iyo xidhiidhadeeda, laakiin taasi waxa ay u abuurtay colaad badan iyo in ay dhexgeli kari weydo dalalka gobalka oo ay doonayso in ay iyadu hoggaamiso. Marka aynu eegno tallaabooyinka uu illaa hadda qaaday raysalwasaare Abiy Axmed, waxaa cad in uu jidkaas hore ka ...

Read More »

FAALLO: Go’aankii Madaxweynaha & Fasiraadda Shacabka. W/Q Cumar M. Faarax

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo  xafiiska madaxtinimada Somaliland fadhiyey  muddo 241 maalmood ah, ayaa Sabtidii toddobaadkan soo saaray wareegto  uu gacanta dawladda dib ugu soo celiyey saddex adeeg oo xukuumaddu  qaban jirtay,  hase ahaatee dawladdii uu xilka tirsaday  ku wareejisay shirkado gaar ah, iyadoo aan loo tartamin. Go’aankaas waxa lagu tilmaamay mid  loo qaaday  dhinaca ku dhaqanka sharciga, balse loo ...

Read More »

“Dugsi Maleh Qabyaaladi Wax Ay Dumiso Mooyaane” – W/Q: A. A. Cumar (Wayab)

Bulsho kasta oo Ilaahay koonkan ku abuuray wuxu dejiyey meel u gaara oo ay  ku noolaadaan, waxayna dadkaasi horumar iyo badhaadhe dhinac kasta ah ku gaadhi karaan waa wada-jir iyo inay u midoobaan danahooda guud ahaaneed. Allah ha u naxariistee Abwaan Cabdillahi Suldaan “ TIMACADDE “ ayaa waqtigii uu noolaa si aad ah uga xumaaday qabyaaladda foosha xun iyo xiqdiga  ka dhex ...

Read More »

Xogta Xadhigga & Xaqiiqda Xukunka Sheekh Aadan-Sunne [AKHRISO]

Sheekh Aadan Cabdi Warsame oo loo yaqaan Sheekh Aadan Sunne waa aabbe, say, wadaad, macallin, iyo khadiib shacab ah oo ku dhashay, barbaaray, dhistay, deggan, waqtiga noloshiisa inta ugu badanna ku noolaa magaalada Hargreysa iyo nawaaxigeeda, Sheekh Aadan Sunne waxa uu ka mid ahaa dadkii dhallinyarannimada ku bilaabay barashada diinta boqran ee Islaamka dadaalka dacwaddeedana ka dhigtay shaqada ugu badan ...

Read More »

Hadaad Aragtaan Arrimahan “JIDHKA-IS-GALIYA”…W/Q Xuseen Badhaani

Waa halkii AHN Abwaan Gaarriye ayaa markuu dhigayo suugaanta ee uu tusaalaha u soo qaato gabayada QABALIGA ah wuxuu ardaydiisa ku odhan jiray “jidhka isgaliya”, maanta waxaan leeyahay “hadaad aragtaan arrimahan, reerkeena looma jeedo ee jidhka isgaliya: Hadaad aragtaan iyada oo la leeyahay “Somaliland la wada leeyahay” innaga laynooma jeeddo, waxaa laga hadlayaa Somaliland qaladaadkii dawladnimo ee dhacay 28kii sanadood ...

Read More »

Duufaanta Geeska: Isbedello Iyo Isdiidooyin Q. 1aad

Xiisadaha siyaasadeed, nabadgelyo darrada iyo xasilooni la’aanta dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee uu gobalka Geeska Afrika lahaystaha u yahay, waxa ay buro ku noqdeen sawirkiisa siyaasadeed iyo muuqaalkiisa guud, waxa aanay abuureen isbedello iyo isdiiddooyin sida fooraha jihooyin kala duwan ka imanaya. Taas oo mararka qaarkood ay adagtahayba in aynu si run ah u odorosi karno suurtagalnimada in gobalku uu ka ...

Read More »