Home » Wararka » Ciidamada Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Saldhig Melleteri Oo Kuyaal Deegaanka Daynuunaay.

Ciidamada Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Saldhig Melleteri Oo Kuyaal Deegaanka Daynuunaay.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaan ku dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Wararka ka imanaya Bay ayaa sheegaya in dagaal culus uu  ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 19 KM ujira magaalada Baydhabo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen saldhigyo melleteri oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Koonfur galbeed lagu magacaabo.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in xoogagga Alshabaab ay daabusheen saanado hub ah iyo agabyo melleteri oo ay ka carareen ciidanka maamulka Koonfur galbeed.

khasaaraha soo gaaray ciidanka maamulka ‘Koonfur Galbeed’ ayaa lagu sheegay 5 askari dhimasho ah iyo dhaawaca toban kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: