Home » Wararka » Ciidamada Al-Shabaab Oo La Wareegay Deggaanno Hor Leh Oo Ka Tirsan Sh/Dhexe.

Ciidamada Al-Shabaab Oo La Wareegay Deggaanno Hor Leh Oo Ka Tirsan Sh/Dhexe.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay la wareegeen deegaan istiraatiiji ah oo hoos yimaad degmada Balcad.

Maanta Duhurkii ayay xoogaga Al Shabaab waxay gudaha ugaleen deegaanka Xawaadleey oo sanadadii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rasaas xooggan laga maqlay duleedka deegaanka kadibna ay xoogaga Al Shabaab gudaha ugaleen deegaanka Xawaadleey oo qiyaastii 30 KM dhanka Bari uga beegan degmada Balcad.

Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay lawareegeen deegaannada kala ah Dhagaxloow,Shanloow iyo Yaaqloow.

Saraakiil katirsan Al Shabaab ayaa goob fagaara ah kula hadlay dadka deegaanka oo si diirran usoo dhoweeyay waxay ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan halganka Jihaadi ah ee lagula jiro shisheeyaha dalka Soomaaliya kusoo duulay, meelaha qaar waxaa ka dhacay iskusoo baxyo lagusoo dhoweynayay ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/dhexe

Ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka oo deegaanka ku sugnaa ayaa ubaxay dhanka Balcad markii ay sheedda ka arkeen qulqulka dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin.

La wareegidda deegaanka Xawaadleey ee ciidamada A Shabaab ayaa imaanaya xilli boqolaal katirsan Maleeshiyaadka dowladda ay faarujiyeen deegaanno katirsan Sh/dhexe kadib markii ay waayeen lacagihii ay mushaaraadka uqaadan jireen.

SomaliMeMo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: