Home » Wararka » Ciidamada DF Somaliya Oo Ku Le’day Qarax Ka Dhacay Galbeedka Muqdisho

Ciidamada DF Somaliya Oo Ku Le’day Qarax Ka Dhacay Galbeedka Muqdisho

Wararka ka imanaya deggaanka Weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa DF Soomaaliya oo ka yimi dhanka Sh/hoose kuna sii jeeday Muqdisho.

Qaraxan ayaa lala helay gaari nooca dagaalka ah ee ay Soomaalidu u taqaano “Cabdi Bile” waxaana la sheegay in uu gabi ahaanba burburay gaariga islamarkaana ay haraadigiisa goobta ka jiiteen ciidanka DFS.

Inta la xaqiijiyey qaraxan waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ku dhaawacmay illaa 5 askari oo kale.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in qaraxan ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta isla markaana uu ujeedku ahaa in la xanuunjiyo maleeshiyaad ay dhaq-dhaqaaqooda la socdeen oo ka yimi dhanka Sh/hoose.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ka fulisay qaraxyo lagu laayay ciidamo Soomaali ah oo ka yimid furimaha dagaalka ee Sh/hoose kuna sii jeeday magaalada Muqdisho iyo ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: