Home » Wararka » Ciidamada Itoobiya Oo Lagu Weeraray Bakool.

Ciidamada Itoobiya Oo Lagu Weeraray Bakool.

Wararka ka imanaya gobolka Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Xabashida Itoobiya lala eegtay qarax xooggan oo khasaare dhaliyay.

Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay nawaaxiga degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa qaraxa lagu weeraray, waxaana goobta lagu gubay gaadhi ka mid ah kolonyada.

Kolonyada ciidamada Itoobiyaanka waxaa la sheegay inay kusii jeedeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay sanado badan ku go’doonsan yihiin ciidamada Xabashida Itoobiya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in gaadhi nooca Uuraalka uu ku gubtay qaraxa, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii Xabashida ee saarneyd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: