Home » Wararka » Ciidamada Itoobiya Oo Xalay Lagu Miray Degmada Waajid

Ciidamada Itoobiya Oo Xalay Lagu Miray Degmada Waajid

Wararka ka imanaya gobolka Bakool ee koonfurta Somaliya waxaa xalay fiidkii ka dhacay dagaallo culus oo ka bilawday gudaha iyo hareeraha degmada Waajid oo ay ku sugan yihiin kumanaan ka tirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Sida wararku tibaaxayaan dagaalkan ayaa yimi kadib markii xoogagga Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Waajid, goob-joogayaal la hadlay war-fidiyeenada qaarkood ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

Ilo-wareedyo ayaa war-fidiyeeenka u sheegaya in dagaalkii xalay ay ka qeyb qaadanayeen gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan oo ciidamada Al Shabaab ay adeegsanayeen.

 Warar hordhac ah waxay sheegayaan in dab uu qabsaday Teendhooyin ka dhisnaa saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya, dad ku sugan tuulooyin ka fog magaalada Waajid ayaa sheegay in sheedda ay ka arkayeen holac ka baxaya magaalada.

Waa guluf-dagaaleedkii ugu xoogganaa ee Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaaddo degmada Waajid ee gobolka Bakool tan iyo bilashadii Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: