Home » Wararka » Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Uganda Oo La Weeraray.

Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Uganda Oo La Weeraray.

Ciidamada Al-Shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro saf balaadhan ah ku qaadeen saldhigyo iyo fadhiisimo ciidamada Kenya iyo kuwa Uganda ay ka kala sameysteen qeybo ka mid ah gobalada Jubbada hoose iyo Shabeelada hoose.

Dhanka gobalka Shabeelada hoose waxey ciidamada Al-Shabaab Labo jeer oo xalay ah dagaallo culus ku mireen saldhiga ciidamada Uganda ay ka sameysteen Buurta Ateenooyinka ee degmada Baraawe ee gobalkaasi.

Waxaanay wararku intaasi ku satay aan in Saldhigaasi uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxeyna warar kalena sheegayaan iney jirto khasaara askarta Uganda lagu gaadhsiiywy dagaalkaasi.

Dhanka Gobalka Jubbada hoose waxey ciidamada Xarakada Alshabaab dagaal culus ku qaadeen fadhiisin iyo saldhiga ciidamada Kenya ay ka sameysteen deegaanka Husingow ee gobalkaasi.

Dadka deggaanka ayaa warfidiyeenka u xaqiijiyey in dagaalkaasi uu ka mid ahaa dagaaladii ugu cuslaa ee mudooyinkii dambe ka dhacay deegaankaasi, waxaanay intaasi ku dareen in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gudaha u soo galeen deegaankaasi.

Dagaalku markii uu soo gaba gaboobay ayeey ciidamada Kenya bilaabeen iney Madaafiic ku garaacaan howdka deegaanka taasi oo muujineysa in askarta Kenya khasaara culus oo isugu jira Naf iyo Maal lagu gaadhsiiyay dagaalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: