Home » Wararka » Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Qarxiyay Bardaale & Sarkaal Ku Dhaawacmay Qansaxdheere.

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Qarxiyay Bardaale & Sarkaal Ku Dhaawacmay Qansaxdheere.

Wararka ka imanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamada ciidamada Xabashida Itoobiya uu ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolkaasi.

Maanta barqadii ayuu qarax xooggan qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Bardaale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay ciidamo lugeynayay.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lagusoo warramayaa in ciidamada Itoobiya uu kasoo gaaray qaraxa lala eegtay balse illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee uga dhimatay qaraxii maanta.

Dhinaca kale sarkaal sare oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed ayaa qarax lagu dhaawacmay xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Qansaxdheere.

SomaliMeMo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: