Home » Wararka » Ciidanka Liyuu Booliska Oo Dad Shicib Ah Ku Laayay Wajaale

Ciidanka Liyuu Booliska Oo Dad Shicib Ah Ku Laayay Wajaale

Wararka Ka imanaya magaaladda Tog-wajaale ee dhacda soohdin-beenaadka Somaliland & Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in Daanta Itoobiya rabshado ka bilaabmay saaka subaxnimadii hore uu Hal qof ku dhintay, Labo kalena ku dhaawacmeen.

Rabshadahan ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa ay daba socdaan kacdoono lagaga soo hor-jeedo maamul cusub oo dhawaan loo soo magacaabay Magalada Tog-wajaale, walow aan si rasmi ah loo ogayn u jeedada ka dambaysa arintaasi.

Ciidanka Liyuu Booliska Ayaa rasaasta nool u adeegaaday dadkii shicibka ahaa ee Mudaharaadka salmiga ah ka waday magaalada Tog-wajaale. Waxaana xabsiyada laga buuxiyey dhalinyaro gaadheysa 150 qof iyo madax-dhameed fara badan, waxaana warkan xaqiijiyey goob-jooge u warramay BBC-da.

Sawirradan waxaa lagu baahiyey baraha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: