Home » Wararka » Ciidda Somaliland Oo Shay-baadh Ahaan Loogu Qaadayo Dalka Jarmalka + Sababta

Ciidda Somaliland Oo Shay-baadh Ahaan Loogu Qaadayo Dalka Jarmalka + Sababta

Wasiirro ka tirsan xukumadda Somaliland ayaa sheegay in Carro laga qaaday deggaanno kala duwan oo Somaliland ah lagu soo baadhayo shay baadh ku yaalla dalka Jarmalka si loo ogaado tayadeeda.

Waxay sheegeen in hawsha ay qabanayaan, maalgashadeyaal danaynaya in ay Somaliland maalgalin ka sameeyaan. Walow aanay shaacin nooca maal-gashi ee ay samayn doonaan.

Wasiirka maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, wasiirka deggaanka Shugri Xaaji Baandare iyo maalgashadeyaal ajaanib ah ayaa soo qaaday Ciidda sida uu sheegay wasiirka maalgashigu.

“Maanta waxaan aniga iyo wasiirka Deegganku kaxaynay Maalgashadeyaal ajaanib ah oo danaynaya inay maalgashadaan dalka, ciid ama carro degaano kala duwan ah baan soo qaadnay, Ciidaas waxaa lagu soo baadhi doona LAB ku yaal dalka jarmalka si loo ogaado tayada ciiddeena,” Sidaas ayuu boggiisa Twitterka ku qoray wasiirka maalgashigu, laakiin ma sheegin nooca maalgashi ee ajaanibku samaynayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: