Home » Wararka » DAAWO: Sawirrada 20 Sanno Ka Dib Isbedelka Safaaradii Eritrea Ee Itoobiya Oo Maanta Dib Loo Furay

DAAWO: Sawirrada 20 Sanno Ka Dib Isbedelka Safaaradii Eritrea Ee Itoobiya Oo Maanta Dib Loo Furay

Xaflad Kooban oo maanta ka dhacday magaalada Addis Ababa ayaa Madaxweynaha Eratariya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxay dib ugu fureen Safaaradda Eratriya ee Addis Ababa, iyaga oo Wadajir u lulay calanka Eritrea.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa booqday halkii ay ku ooli jirtay Safaaradda Eritrea sawiro goobta laga soo qaday ayaa ahaa kuwo ayna indhuhu qaban karin

Safaaradahu waxa ay astaan u yihiin xidhiidhka labo dal, marka laga hadlayo labada dal ee dirirta culus ay dhexmartay ee Itoobiya iyo Eritrea, safaaradahoodu waxay ahaayeen kuwo xidhnaa muddo 20 sano ah.

Ma jirto meel ka habboon oo looga tusaale qaadan karo sida uu u daxalaystay xidhiidhka dublamaasiyadeed ee labada dal oo aan ka ahayn sawirrada BBC-du ay maanta ka qaadday safaaradii Eritrea ee Addis Ababa ee lagu wareejiyay madaxweyne Isaias Afeworke, oo uu wehliyay Ra’isulwasaare Dr Abiy Axmed.

Sawirradu waxa ay ahaayeen kuwo lagu ashqaraaro, wax kasta oo safaaradda yaalayna waxaa fuulay boodh aad u badan, gidaarada waxaa qabsaday xuub caaro, mana ka muuqanin wax raad bini’aadam ah oo halkaasi jaan dhigtay tan iyo intii safaaradaas la xidhay 20 sano ka hor.

Xitaa baabuurtii safaaradda iyaga oo daxalaystay ayay yaalleen gudaha safaaradda, qeybta jiifka ee safaaraddu weli waxaa dhex-yaalla alaabtii jiifka iyo fadhiga ayaa iyaguna sawirrada ka muuqda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: