Home » Wararka » Dameero Cunay Caws Qaali Ah Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Dameero Cunay Caws Qaali Ah Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Dalka Hindiya Dad iyo xoolo midnaba kama baxsan karo sharciga, waxaanu noqday mid loo siman yahay,

Qisadii ugu la yaabka badnayd ee dalkaasi ka dhacay ayaa waxa la soo sheegayaa in dameero cuna caws qaali ah oo ku yaalay xayndaabka mid ka mid ah xabsiyadda ku yaala gobolka Uttar Pradesh.

Ciidamada Booliska ee xaruntaasi laga cunay cawska ku sugnaa ayaa markiiba birta dhaafiyay Dameeraahasi, waxaanay warbaahinta u sheegeen in la xidhay ka dib markii ay cuneen caws qaali ah.

“Daameerahani waxa ay baabiiyeen caws qaali ahaa oo uu taliyahagu ka beeray jeelka, waxaanan ugu digaynaa dadkii lahaa dameerahani in ay waayi doonaan iminka way xidhan yihiin” sidaas waxa yidhi RK Mishra oo u waramayay warbaahinta wadanka India.

Dameerahan ayay tiradoodu ahayd 8 waxaana digniin loo diray dadkii iska lahaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: