Home » Wararka » Dawladda Uganda Oo Shaacisay In Ciidamadeeda Jooga Soomaaliya Aanay Iska Difaaci Karin Al-Shabaab

Dawladda Uganda Oo Shaacisay In Ciidamadeeda Jooga Soomaaliya Aanay Iska Difaaci Karin Al-Shabaab

Gen David Muhoozi oo ah madaxa guud ee ciidamada Yugaandha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda jooga Soomaaliya aanay awood u lahayn la-dagaallanka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Muhoozi ayaa sheegay in ciidamadooda xitaa aysan awood u haynin inay difaacaan saldhigyada ay ciidamadoodu ka joogaan Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo marba marka ka dambeysa la kulmaya weerarro abaabulan oo ay soo qaadayaan ciidamada Al-Shabaab.

Dowladda Yugaandha ayaa sheeganeysa kharash la’aan baahsan oo soo wajahday ciidamadeeda jooga Soomaaliya, halka uu kusii laba-laxaadsaday weerarrada kaga imanaya dagaalyahannada Al-Shabaab.

Gen David Muhoozi oo ah madaxa guud ee ciidamada Yugaandha ayaa intaa ku daray iney soo banneeyeen xerooyin milliteri oo ay horay ugu sugnaayeen, islamarkaana awooddooda ay ururiyeen si ay ugu suuragasho iney iska difaacaan marka ay soo weeraraan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Hadalka Generalka guud ee Ciidamada Yugaandha ayaa imanaya, iyadoo dhawaan dagaalyahanno ka tirsan Xarakada  Al-Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Yugaandha ku leeyihiin magaalada Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo lagu dilay in kabadan 60 askari oo ka tirsan Shisheeyaha AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: