Home » Wararka » DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Duqaysay Markab Sahay U Siday Ciidamada AMISOM Ee Baraawe

DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Duqaysay Markab Sahay U Siday Ciidamada AMISOM Ee Baraawe

Wararka ka imanaya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al-Shabaab, ay madaafiic ku weerartay markab kusoo xidhay xeebta degmada Baraawe.

Markabkan ayaa la sheegay inuu sahay u siday ciidamada Amisom, waxaanay dadka deggaanku ay warfidiyeenka u xaqiijiyeen inay maqlayeen madaafiicda oo u muuqatay kuwo ku hoobanayay xeebta, halkaas oo ay ka arkayeen Markabka.

Ilo-wareedyo ay war-fidiyeennada qaarkood soo xigteen ayaa aa sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicdaasi ay haleeleen markabka inkastoo aan la helin faahfaahin intaa dhaafsiisan.

Askarta Amisom, ee qabsaday degmada Baraawe, ayaa dhawr bilood ka hor quus ka muujiyey sahay usoo marta dhulka, kadib markii gaadiid aad u badan iyo agabyo kala duwan ay ku waayeen qaraxyada iyo weerarrada jid-galka ah ee ay kala kulmayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: