Home » Wararka » DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Hadda Ka Socda Hareeraha Villa Somaliya

DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Hadda Ka Socda Hareeraha Villa Somaliya

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerar xooggan oo haatan ka socda agagaarka madaxtooyada Villa Somaliya ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu howlgal balaadhan ka wadaan Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada oo ah goob ay ku shaqeeyaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal culus ka wada xarumaha murtadiinta ee kuyaal Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyad,  howlgalka Mujaahidiinta ayaa sidii loo qorsheeyay u socda wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Al Shabaab oo lagu faafiyey Warbaahintooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in laba qarax lala helay bar koontarool kadibna rag hubeysan ayaa gudaha ugalay xarumo bartilmaameed u ahaa oo kuyaal meel ku dhow madaxtooyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: