Home » Wararka » DEG-DEG: Dagaal Culus Oo Hadda Ka Socda Deggaan Somaliland Ka Tirsan.

DEG-DEG: Dagaal Culus Oo Hadda Ka Socda Deggaan Somaliland Ka Tirsan.

Dagaal Xoogan Ayaa Saaka Ka Qarxay Deegaano Hoos Yimaada Degmada Ceel-Afweyn Oo Ka Tirsan Gobolka SANAAG,Dagaalkan Ayaa U Dhexeeya Laba Beelood Oo Wada Dega Deegaanka Dhidinka,Labadan Beelood Ayaa Hore Ugu Diriray Deegaano Hoos Yimaada Degmada Ceel Af-weyn

Goor Dhoweyd Oo Aan La Xidhiidhay Weriyaha Shebekada BurcoOnline.Com Ee Degmada Ceel-Afweyn,Ayaa Ii Xaqiijiyey In Dagaal Kasocdo Deegaanka Dhidinka,Isla Markaana La Maqlaayo Dhawaaqa Rasaasta,Oo Iyadu Aan Kala Joogsi Lahayn

Ma Jirto Ilaayo Hada Cid Kala Dhexgashay Labadan Beelood Ee Ku Dagaalamaaya Deegaanada Ceel-Afweyn,Balse Waxaa Socda Gurmad Xoogan Oo Laga Dareemaayo Deegaanada Ku Teetsan Degmada Ceel-Afweyn,Kuwaas Oo U Badan Cuqaal Iyo Nabadoono Isku Xilqaamay Inay Joojiyaan Dhiiga Qubanaaya,

Ilaayo Hada Ma Cada Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Noomanay Suuro Gelin Inaanu La Xidhiidhno Dadka Ku Sugan Deegaankaasi,Oo Aanu Ka Waraysano Sababta Keentay Colaadan Cusub

Xukuumada Somaliland Ayaa Taag Iyo Maare,U Weyday Inay Wax Ka Qabato Beelaha Walaalaha Ah Ee Ku Dagaalamaya Deegaanada Ceel-Afweyn,Iyaga Oo Tiraba Dhawr Jeer Ku Guul Daraystay Inay Beelahaasi Dhex Dhigto Xabad Joojin Waarta

Sidoo Kale Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag Sidaasi Si Lamida Waxa Iyana Ka Dhacday Shaqaaqo Ku Saabsan Colaadaasi,Iyada Oo Qaar Kamida Dadka Degan Deegaankaasi Rasaas Isku Weydaarsadeen Magaalada Gudaheeda,Balse Ciidanka Degmada Ceel Afweyn Ayaa Ku Hawlan Sidii Uu Nabada Degmada Gacanta Ugu Dhigi Lahaa,

Ma Jiraan Ciidamo Ka Socda Dawlada Somaliland Oo Ilaayo Hada Gaadhay Deegaanadaasi,Halka Degmada Ceel Afweyn Ay Ku Sugan Yihiin Ciidan Tiro Yar,Oo Hadii Ay Colaadu Sii Balaadhato Aan Ka Dabaalan Karayn.

Xigasho: Burco Online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: