Home » Wararka » DEG-DEG: Dagaallo U Dhexeeya Soomaalida & Oromda Oo Ka Dhacay Mooyaale

DEG-DEG: Dagaallo U Dhexeeya Soomaalida & Oromda Oo Ka Dhacay Mooyaale

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deggaanka Mooyaale ee dalka Itoobiya, kaasoo u dhexeeyay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda.

Dagaalka oo yimid kadib markii Rag hubeysan oo ka tirsan Oromada ay kusoo duuleen deggaanka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac.

Qof ka mid ah dadka deggaanka ayaa qaar ka mid ah war-fidiyeenka u sheegay in Oromadu ay dagaal garab ku siinayeen Jabhadda OLF, taasoo dhawaan laga saaray Liiska Argigixisadda Itoobiya.

Wuxuu cod dheer ku sheegay inay dileen caruur, waayeello iyo haween, wuxuuna ku sheegay sababta loo beegsaday dadkaas “Aargoosi” maadama dagaallo horey u dhacay lagaga dilay dad badan.

“Dadka waa leyska dilayaa, waxaana la doonayaa in laga barakiciyo degaanka, iyo in laga Aargoosto, maadaama loo fasaxay inay soo galaan deggaanka. Waxay rabaan inay dhul-ballaarsi ay sameystaan,” ayuu yidhi qofka ku sugan deggaanka.

Shalay oo Talaado ahayd ayey ahayd markii deggaanka Guuleed oo u dhexeeya Xuduudka gobolada Oromadda iyo Soomaalida Itoobiya lagu gawracay 5 wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasoo la sheegay inay ka dambeeyeen Maleeyshiyaad Oromada taabacsan.

Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ayaa waxay isku hayaan gacan-ku-heynta deggaanka Mooyaale, halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo culus, oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac keenay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: