Home » Wararka » DEG-DEG: Dil Hadda Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa Iyo Gacan-ku-dhiiglihii Oo …

DEG-DEG: Dil Hadda Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa Iyo Gacan-ku-dhiiglihii Oo …

Alle ha u naxariistee marxuum aan ilaa hadda magaciisa la shaacin ayaa goor dhawayd waxa dil loogu gaystay xaafadda Daloodho ee dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeysa.

Marxuumkan ayaa waxa lagu gowracay mid taasi oo sababtay in markiiba ay naftu ka dhacdo. Gacan-ku-dhiiglaha marxuumka dilka u gaystay oo ay qaraabo ahaayeen marxuumka ayaa haatan waxa uu ku jiraa gacanta ciidammada ammaanka oo goobta soo gaadhay waxyar kadib markii uu dilku dhacay.

Dad goob-joogayaal ah ayaa Karinnews u xaqiijiyey in marxuumka la dilay uu duhurnimadii maanta uu yimid guriga ninka uu sabab saday gacantiisa oo ay qaraabo ahaayeen.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaadhay ayaa qaaday maydka geeyay qolka maydka ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa halka ninka gacan-ku-dhiiglaha ahna ay u qaadeen dhinaca dambi-baadhista.

Lama oga ilaa hadda waxa uu ku dilay hasayeeshee dad ka agdhow guriga uu dilku ka dhacay ayaa Karinnews u sheegay in muddaba ninka dilka gaystay uu ahaa qaswade loo malaynayo inuu xanuusanayo.

Xigasho: Karinnews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: