Home » Wararka » DEG-DEG: Khasaaraha Dagaal Culus Oo Dhex-maray Ciidamada Somaliland & Kuwa Puntland

DEG-DEG: Khasaaraha Dagaal Culus Oo Dhex-maray Ciidamada Somaliland & Kuwa Puntland

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saaka qeybo ka mid ah gobolkaas uu dagaal ku dhex-maray Ciidammada Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhacay Buurta laba Magacley ee dusha ka xigta Magaalada Tukaraq ee gobolka Sool.

Goob-joogayaal ku sugan meel aan ka fogeyn goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa waxa ay soo sheegayaan in haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Inkastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan ayaa waxa ay sheegayaan warar xog-ogaal ah inay dhaawacmeen 4 askari iyo dhimashada hal askari oo ka tirsan ciidamadda Puntland.

QorilugudNews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: