Home » Wararka » DEG-DEG: Qarax Culus Oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

DEG-DEG: Qarax Culus Oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Jugta Qarax Xooggan ayaa wax yar ka hor laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay afaafka hore ee Iskuul Buluusiya ee Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay iridda hore School Bulisia, oo ay deggan yihiin ciidamada booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamada dowladda oo xiligaas ku sugnaa halkaasi.

Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa warfidiyeenka u xaqiijiyay inay jiraan khasaare badan oo dhimasha iyo dhaawacba leh oo Qaraxaasi uu gaadhsiiyey ciidamada dawladda.

Maalmahan dambe waxay dawladdu sheegaysay inay ammaanka sugayso, iyadoo goobtan uu Qaraxu ka dhacay ay ka mid ahayd meelaha sida aadka ah ay ammaankooda u sugaysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: