Home » Wararka » DEG-DEG: Qaraxyo Lagu Weeraray Xarumo Dowladdu Ku Leedahay Magaalada Muqdisho.

DEG-DEG: Qaraxyo Lagu Weeraray Xarumo Dowladdu Ku Leedahay Magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxyo is xigxigay oo aad u xooggan ayaa goordhow laga maqlay halka ay iska galaan degmooyinka Shangaani iyo Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyadu ay ka dhaceen dhismayaal isku raran ah oo wasaaradaha dowladda Federaalku ku shaqeeyaan kuwaas oo aan ka fogeyn isgoyska Jubba.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la maqlayo rasaas xooggan oo ka dhacaysa goobta qaraxyada lagu beegsaday balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan oo ka dhacay goobo xasaasi ah oo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo.

Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay haatan soo saartay war ay ku sheegatay Mas’uuliyadda Weerarradan oo haatan ka socda Xarumo Muhiim ah oo dowladda Federaalku ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Filo Goor Dhaw Wixii Warar Ah Ee Kusoo Kordha, Insha Allaah.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: