Home » Wararka » DEG-DEG: Weerarro Caawa Fiidkii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

DEG-DEG: Weerarro Caawa Fiidkii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Weerarro xooggan ayaa caawa ka dhacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Caawa Fiidkii ayay xoogag hubeysan waxay Bambaanooyin ku weerareen guri uu degmada Howl-wadaag ka deggen yahay taliyaha ciidanka ‘Xasilinta Caasimadda’ horayna usoo noqday isla guddoomiyaha degmadaasi.

Goob-joogayaal ay warfidiyeennada qaarkood soo xigteen ayaa sheegay in ay maqleen jugta laba qarax oo is xig-xigey, kuwaas oo lala helay hooyga Maxamed Abuukar Jacfar oo lagu tiriyo gacanta midig ee R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 2 Askari oo ka tirsan ciidamada Xasilinta ay dhaawacyo culus kasoo gaadheen weerarada Bambaano ee caawa ka dhacay guriga Jacfar.

Ilaa iyo hadda lama oga cidina may sheegan weeraradan, balse sidii horeyba looga bartay Xarakada Al-Shabaab ayaa ku caan-baxday dardar-gelinta weerarada, gaar ahaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: